Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Ka Tacsiyadeeyay Geeridii Ku Timi Marxuum Cabdi Maxamuud Muuse Oo Ku Geeriyooday Magaalada Borame

0
Wednesday September 28, 2016 - 09:31:08 in by Burco Office
  • Visits: 774
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Ka Tacsiyadeeyay Geeridii Ku Timi Marxuum Cabdi Maxamuud Muuse Oo Ku Geeriyooday Magaalada Borame

    TACSI MADAXWEYNE KU-XIGEEN IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

TACSI MADAXWEYNE KU-XIGEEN IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN


 

Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ahna ku simaha Madaxweynaha Qaranka, oo ku hadlaya magaciisa iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa Aqoonyahanka, waayeelka, waxgaradka, qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdi Maxamuud Muuseoo ku geeriyooday Boorama 27/09/2016 caawa.

Marxuumku wuxuu door muhiima ka qaatay waxbarashada gobolka Awdal, isagoo ka mid ahaa tiirarkii muhiimka u ahaa aas-aaska Jaamacada Amuud University, sidoo kalena waxa uu ka mid ahaa haldoorka, waxgaradkii ka shaqeeyey nabad kuwada noolaanshaha shacboga Somaliland iyo dib u dhiskii dalka.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Aqoonyahanka, waayeelka, waxgaradka, qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.