Borussia Dortmund & Real Madrid Oo Dhibcaha Ku Qaybsaday Iyo Natiijoonkii Kulamadii Kale Ee Champions Leaque-ga

0
Wednesday September 28, 2016 - 09:42:06 in by Burco Office
  • Visits: 1081
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Borussia Dortmund & Real Madrid Oo Dhibcaha Ku Qaybsaday Iyo Natiijoonkii Kulamadii Kale Ee Champions Leaque-ga

    Kooxaha Borussia Dortmund iyo Real Madrid ayaa barbaro ku kala baxay kulan adag oo ka tirsanaa kulamada labaad ee Champions Leaqueg-a. Borussia Dortmund ayaa u baahatay in ay laba jeer la timaado goolasha barbaraha si ay Real Madrid u qaybsadaan sadd

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxaha Borussia Dortmund iyo Real Madrid ayaa barbaro ku kala baxay kulan adag oo ka tirsanaa kulamada labaad ee Champions Leaqueg-a. Borussia Dortmund ayaa u baahatay in ay laba jeer la timaado goolasha barbaraha si ay Real Madrid u qaybsadaan saddexda dhibcood. Waa barbarihii saddexaad ee ay Real Madrid gashay tartamada oo dhan iyada oo hore Villarreal iyo Las Palmas dhibcaha ula soo qaybsatay.


Crisitano Ronaldo iyo Varane ayaa u muuqday in ay Real Madrid guul gaadhsiinayaan kadib markii ay min hal gool dhaliyeen laakiinPierre-Emerick Aubameyang iyo Andre Schürrle ayaa Dortmund u keenay labada gool ee barbaraha iyada oo ciyaartu ay ku dhamaatay barbaro 2:2 ah. Real Madrid iyo Dormund ayaa labadii kulan ee ay ilaa hadda ciyaareen ka helay min 4 dhibcood.real

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

DORTMUND (4-3-3): Burki; Piszczek, Sokratis, Ginter, Schmelzer; Dembele, Gotze, Weigl, Castro, Guerreiro; Aubameyang.

KAYDKA:Weidenfeller, Mor, Rode, Ramos, Schurrle, Pulisic, Passlack.

REAL MADRID (4-3-3): Navas; Carvajal, Varane, Ramos, Danilo; Modric, Kroos, James; Bale, Ronaldo, Benzema.

KAYDKA:Casilla, Pepe, Coentrao, Kovacic, Vazquez, Morata, Isco.

Kulankan ayaa ahaa mid adag isla markaana ay labada kooxood si wayn ugu soo diyaar garoobeen, xaalada garoonka Signal Iduna Park ayaa ahayd mid khaas ah iyada oo Dortmund ay doonaysay in ay sii xejisato rekoodhka ay 24 ka kulan bilaa guuldarada ugu soo aahyd garoonkeeda. Dortmund ayaana ciyaarta ku bilaabtay qaab duufaan ah iyada oo markiiba culayska saartay Real Madrid.

DAQIIQADII 11 AAAD REKOODHE???? Kooxda Borussia Dortmund ayaa si wayn ugu dooday in ay rekoodhe heleen kadib markii uu Ronaldo gacan ku celiyay kubbad laaga xorta ahayd oo uuAubameyang ku tuuray goolka Real Madrid, inkasta oo ay cadaan ahayd qaaba uu Ronaldo gacanta ugu dhuftay kubbada ayuuna haddana garsooreMark Clattenburg waxba tilmaamin.

DAQIIQADII 17 AAD GOOOOOOOOOOOOOL! Real Maddrid ayaa culayskii waynaa ee saarnaa iskaga dulqaaday goolka uu Ronaldo udhaliyay iyada oo Gareth Bale uu kubbad qurux badan oo cidhib ah uu ku kala dhantaalay difaaca Borussia Dortmund waxaana kubbad markiiba shabaqa Dortmund ku darbeeyay Ronaldo kaas oo ciyaarta ka dhigay 1:0 ay Madrid hogaanka kula wareegtay.

Markii uu goolka furitaanka dhaliyay Cristiano Ronaldo ayaa hoos udhigay khilaafkii soo kala dhex galay isaga iyo Zidane wuxuuna gacan qaaday Zidane si uu xidhiidhkooda dhaawacmay uu dib ugu saxo.

Goolkan ayaa yimid xili ay Real Madrid aad ugu dhibtoonaysay weeraro joogta ah oo ay Dortmund ku soo qaadaysay balse goolkan ayaa Real Madrid siiyay kalsooni wayn waxayna markan bilawday in ay kubbada la qaybsan karto kooxda martida loo ahaa ee Dortmund. Qorshaha Real Madrid ee qaybtii hore ayaa ahaa in ay si wadajir ah u difaacato isla markaana ay weerar deg deg ah goolal ku raadiso.

DAQIIQADII 25 AAD HALIS WAYN!. Dortmund ayaa aad ugu dhawaatay in ay la timaado goolka barbaraha kadib markii uu da’yarkaDembele uu difaaca Real Madrid dhibaato wayn ku abuuray isla markaana uu darbo qurux badan ku tuuray goolka uu Navas ilaashanayay laakiin darbadiisa ayaa birta dulmartay.

DAQIIQADII 33 AAD Keylor Navas ayaa sameeyay badbaadin cajiib ah kadib markii kubbad koorne laga soo tuuray uu madaxa si xoogan ugu darbeeyaySokratis, wuxuuna Navas kooxdiisa ka badbaadiyay wax u muuqday goolka barbaraha ee Dortmund. Waxayna kooxda Brussia Dortmund ayaa si xoogan u doonaysay goolka barbaraha.

DAQIIQADII 43 AAD GOOOOOOOOOOOOOL! Ugu danbayn Dortmund ayaa heshay goolkeeda barbaraha waxaana goolkan udhaliyay Pierre-Emerick Aubameyang kaas oo sida ugu sahlan kubbada xariiqda goolka ku dhaafiyay kadib markii Varane uu dib iskugu celiyay kubbad uu markii hore iska badbaadiyay Navas, waxayna ciyaartu noqotay barbaro 1:1 ah.

 

Dhamaadkii qaybtii hore Ronaldo ayaa markale shabaqa soo taabtay laakiin waxa uu si cad ah ugu jiray offside waxayna qaybta hore ee kulankani ay ku dhamaatay barbaro 1:1 ay iyada oo ciyaartu ahayd mid aad u xidh xidhan isla markaana ay Madrid si xoogan u ilaashanaysay difaaceeda.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Real Madrid soo laabtay iyada oo ku socota dardar fiican isla markaana badashay qorshihii qaybta hore ee ahaa in ay si buuxda u difaacato. Labada kooxood ayaana bilaabay in ay raadiyaan goolashooda labaad si ay guul u gaadhi karaan.

DAQIIQADII 68 AAD GOOOOOOOOOOOOOOL! Real Madrid ayaa la timid goolkeeda labaad iyada oo Varane uu goolkan ku saxay qaladkii uu sameeyay goolkii ay Dortmund barbaraha kula timid laakiin ka hor inta aanu Varane goolkan dhalin waxay umuuqatay in Benzema uu goolkan dhaliyay balse kubbada ayaa ka soo booday birta goolka taas oo keentay in Varane uu kubbad dib ugu celiyo goolka Dortmund si uu ciyaarta uga dhigo 2:1 ay Madrid markale hogaanka kula wareegtay.

DAQIIQADII 72 AAD Dortmund ayaa u muuqatay in ay bixisay jawaab deg deg ah lakaiin markale Navas ayaa muujiyay wixii uu Real Madrid kala maqnaa wuxuuna darbo cajiib ah ka badbaadiyay Guerreiro si uu ciyaarta ugu siihayo hogaanka ay Madrid gacanta sare ku lahayd.

Dortmund ayaa heshay fursado cajiib ah laakiin waxay u muuqdeen in dhibta ugu wayni ay tahay sidii ay ku dhaafi lahaayeen Keylor Navas oo kulankiisii ugu horeeyay ee xili ciyaareedkan u saftay Madrid. Real Madrid ayaa sidoo kale raadinaysay goolkii ay Dormund ku aamusiin lahayd balse taas waxaa ugu muhiimsanayd in ay natiijada ciyaarta ilaashato.

DAQIIQADII 87 AAD GOOOOOOOOOOOOOOOOOL! Alla muxuu gool ahaa! Borussia Dortmund ayaa ugu danbayn heshay goolkeeda labaad ee ay markii labaad ciyaarta ku barbaraysay waxaana gool aad u qurux badan shabaqa Madrid ku dhaqaajiyay Andre Schürrle oo ciyaarta badal ku soo galay isaga oo markan Navas u diiday wax badbaadin ah waxayna ciyaartu noqotay barbaro 2:2 ah.

Intaa wixii ka danbeeyay ciyaarta ayaa gashay xaalad waali ah waxayna labada kooxoodba bilaabeen in ay raadiyaan goolka guusha. Fursad abuuris cajiib ah ayaa labada dhinacba looga cabsanayay in ay helaan goolka guusha laakiin wax kasta oo garoonka laga sameeyay ciyaarta ayaa ku dhamaatay barbaro 2:2 ah iyada oo labada kooxood ay dhibcaha qaybsadeen.

HALKAN KAGA BOGO NATIIJOOYINKII KULAMADII CHAMPIONS LEAQUE-GA OO DHAMAYSTIRAN: