Daawo: Masjid Turkiga Ku lahaayeen Mid Ka Mid Ah Dalalka Yurub Oo Qarax lagu Weeraray Iyo Xaalada Oo Kacsan

0
Wednesday September 28, 2016 - 09:33:39 in by Burco Office
  • Visits: 1048
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Masjid Turkiga Ku lahaayeen Mid Ka Mid Ah Dalalka Yurub Oo Qarax lagu Weeraray Iyo Xaalada Oo Kacsan

    Masjid fac weyn oo Qowmiyada Turkiga ku lahaayeen mid ka mid ah dalalka Yurub ayaa la qarxiyay waxaana ilaa iminka xiran dhamaan wadooyinka soo gala Masjidkaan oo lagu magacaabo (Fatih Camii Moschee ) .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Masjid fac weyn oo Qowmiyada Turkiga ku lahaayeen mid ka mid ah dalalka Yurub ayaa la qarxiyay waxaana ilaa iminka xiran dhamaan wadooyinka soo gala Masjidkaan oo lagu magacaabo (Fatih Camii Moschee ) .

Weerarka iyo dhibaatada loo geestay Masjidkaan ayaa waxa ay ka dhacday magaalada Dresden ee dalka Germany oo maalmahaan dambe ay ku soo xoogeeysanaayeen Cunsuriyiinta neceb dadka Ajaanibta ah . Dhaawacyo aad u fudud ayaa weerarkaan ka soo gaaray 3 qofood waxaana goobtii iskaga baxsaday 2 Wiil oo la sheegay inay fuliyeen weerarka lagu qaaday Masjidkaan .

Wasiirka Arimaha gudaha dalka Jarmalka Mr. Thomas De Maiziere ayaa warbaahinta u sheegay in ay hayaan wajiyada ragii weerarka geestay ka dib markii ay duubtay kaamero qarsoon , kaas oo balan qaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu soo qaban doono .