GABAYGII GARAAD SAME IYO HAL ABUUR MARYAMA LAKI COORAAF

0
Wednesday September 28, 2016 - 13:20:44 in by Burco Office
  • Visits: 4265
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GABAYGII GARAAD SAME IYO HAL ABUUR MARYAMA LAKI COORAAF

    Gabaygan oo ka hadlaya Ninka ay Dumarku ugu Jecel yihiin inay hantiyaan oo magaciisa la yidhaa Garaadsame ayaa ah sidan:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gabaygan oo ka hadlaya Ninka ay Dumarku ugu Jecel yihiin inay hantiyaan oo magaciisa la yidhaa Garaadsame ayaa ah sidan:

GABAYGII GARAAD SAME  IYO HAL ABUUR MARYAMA LAKI COORAAF
6/4/2016 Curiso: maryama xurmo aadan yuusuf cooraaf



1) abaar geeda xaaqiyo haday gubayo beel gaadho

2) oo geela iyo xoolihii gaajo hoganayso

3) gaaga guunayadii hadhay hadii guule madar siiyo

4) oo hogol gingiman hawd guntii socoto soo sheegto

5) oo geedi dheer iyo hayaan ooshu wada guurto

6) waxay gebi dhaclaysaba haday dharabka soo gaadho

7) oo gumaradii naaxdo oo guulo laga gaadho

8) ninka goob abaareed ku hadhay saw ma garab beelin

9) ana gabayga waxan uga socdiyo gibisha aan qaado

10) aan galo amuuraha dahsoon guule idankiiye

11) guyaal iyo guyaal bay ragii gabadh ilaaqdeene

12) ooy gaari dumar iyo indheer garad ku sheegeene

13) wax badan bay gudeen oo socdeen goor habeen damahe

14) wax badan bay guhaadeen naftoo guri la dooneene

15) wax badan bay geyiga socod gucle ah abid ku gaadheene

16) ana maan gundhada taabto oo tayda garab taago

17) astamaha gadaal iigu xidhan maan u galo haatan

18) guur iyo hadaan galo amuur guule ila maago

19) anigoon giriifayn allaah guule idankiisa

20) anigoon aqoon gaamurtiyo haysan gacan waynba

21) garaadkayga waxan sheegayaa kii I geyi laaye

22) geesi sooma laabte ah hadana dhagara aan gaysan

23) oo kitaabka gacantiisa midig gelin ka saaraynin

24) oo guda sakada iyo salaad sadaqad aan goynin

25) gidigood fariimaha allaah ruuxa gudanaaya

26) cilmi gaara iyo diini iyo ruux sharciga gaadhay

27) midaan gacanta ii qaadin oon ina guhaadaynin

28) gashiga iyo biilkiyo midaan samaha goynaynin

29) gabankiisa midan aabudh iyo ganaf ku taagaynin

30) ana aan guraa baas xun iyo gubayo ii geysan

31) midaan goor kastaba cabasho iyo cadho gariiraynin

32) gabdhaa deriska iyo kuwa dalkaba midan ku gaafmeerin

33) midaan oday gotiyo aan ahayn gaban guryaa jooga

34) oon bidaar galaal iyo lahayn iligyo gayrgayran

35) oo guda abaalkayga oo qiraya guushayda

36) oon igu guhaadayn waxaan gaadhi kari waayo

37) oo dhererka aan gaabni xigin guudna iga dhaafin

38) oo aan baruur lagu galadin caatana u godanin

39) abris iyo gungume iyo midaan gudaha aar jiifin

40) garaadkiisu ruuxuu hagoo aan la gudhinaynin

41) midan toban god oo kala geyi ah galaba meel joogin

42) naanayso gaariyo midaan ceebo lagu gaafin

43) gabanada agoomaha midaan goosan haragooda

44) tii gacanta saydhaba midaan daba gablaynaynin

45) guud ahaan adoomaha midaan wada giriifaynin

46) ana boqorad guulaysatiyo samo I gaadhsiiya

47) gacalkiyo xigaalkiyo midaan xididka goynaynin

48) isna goobti lagu soo dhaliyo reerka garab jooga

49) Oo gaaridii dihatay iyo aabo gudub joogo

50) garbuhuu ku duuliyo midaan gubin walaalkiisna

51) gedef iyo midaan lagu aqoon xumaha guurguura

52) goor iyo ayaantii kastaba aan u gogol xaadho

53) oo guri gandoodiyo samaan gu.ga ku soo koobno

54) godka maalintii nala dhigana guri janaad aadno

55) balwad guud mid gaar iyo mid gocor midan aqoonaynin

56) oon kabadh gadaashii fadhiyin oo ka gadan daaqa

57) guudkayga shaygii ka dhiman gacal dareemaaya

58) sirta gudaha noo taal midaan debeda gaadhsiinin

59) guracii yimaadana mid aan guule ku adkaynin

60) gandalooladaydiyo midaan sheegin gedefkayga

61) ifku gelino weeyee midaan gubayo ii quudhin

62) xaqa garabka ruux saara oon gadanin meeqaamka

63) gees kastoo la eegaba midaan diir gunimo gaadhin

64 ) halyeey gaasa baxay oo kashiyo guudka igu qaada

65) guuloow allow igu sin kaa waa garaad same'e

66) afartaa gedii uu lahaa gabayga maw eegay

67) runta gees miyaan uga holaday gubayo waa ceebe

68) go.a toos miyaan uga gediyay wuu gun dheeryahaye

69) guradayda laabtiyo hadaan galo u jeedkayga

70) oon soo gunaanado murtida aniga ii gaara

71) ninkaan goobahaa gaadhinoow aniga hay goohin

72) xilkaa adag nimaan gudi karayn yuu i gabadhaysan

73) waayo arag garaad laan ahaye aniga hay goobin

74) sina dhuubni guur iyo gadaal sidu u waynaado

75) labadaa god kaan garaninoow boowe iga gaabso

76) guudkaaga waxa waajib iyo yaala xilal gaara

77) kaan gorfayn wixii loo unkoow gaabso gacantaada

78) ana hay dul dhigan garab rarkiyo guri astaamayska

79) ka gilgilo ninkaan qodobadaa gaadhin weliyoow

80) guudka sare ninkaan ku xusayeen sheegay gobo'diisa

81) guuloow alloow igu sin kaa waa garaad same'e




W/C: Maryama Lucky Jeesweer