Madaxweyne Siilaanyo Oo Hoggaanka Kooxda Khaatumo Kula Kulmaya Dalka Imaaraadka Carabta -

0
Wednesday September 28, 2016 - 16:42:06 in by Burco Office
  • Visits: 643
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Siilaanyo Oo Hoggaanka Kooxda Khaatumo Kula Kulmaya Dalka Imaaraadka Carabta -

    Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo hoggaanka kooxda Khaatumo ayaa la filayaa inay ku kulmaan magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo hoggaanka kooxda Khaatumo ayaa la filayaa inay ku kulmaan magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.

Ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay in Madaxweyne Siilaanyo uu magaalada Dubai kula kulmi doono ergey metelaya kooxda Khaatumo Dr. Cali Ciise Cabdi oo isna ka kicitimay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, waxaana sidoo kale suurtogal ah in Dr. Cali Khaliif Galaydh ku soo biiro wada hadalka.

Wada hadalkan dhex maraya Madaxweyne Siilaanyo iyo madaxda Khaatumo, ayaa gogol xaadh u ah shirka nabadeed ee la qorsheeyay inuu magaalada Burco ka furmo dabayaaqada bisha Oktoobar ee soo socota, waxaana la filayaa in Madaxweynaha iyo hoggaanka Khaatumo ay isla meel dhigaan ajandaha shirkaas iyo weliba waxyaabaha la filayo inay ka soo baxaan iyo ergada ka qayb geli doonta.

Weftiga Madaxweyne Siilaanyo, ayaa haba yaraate waxaan ku jirin masuuliyiinta gobalada Sool iyo Buuhoodle kaga jira golaha xukuumadda iyo goleyaasha baarlamaanka.

Dawladda Somaliland iyo kooxda Khaatumo ayaa hore u bilaabay wad hadal ka qabsoomay Caynabo, kaas oo fure u ahaa in labada dhinac ka wada hadlaan sidii colaadda looga bixi lahaa islamarkaana loo bilaabi lahaa wax wada qabsi.

Dr. Cali Khaliif Galaydh ayaa toddobaadkan si cad u sheegay inuu wada hadal kula jiro dawladda Somaliland isagoo xilalka ka qaaday masuuliyiin Khaatumo ka tirsan oo ka soo horjeestay wada hadalka Somaliland.