Hablihii Aan Lebiskooda La Yaabay!..W/Q: Haldoor Ismail Mohed Aden-Dhicir

0
Wednesday September 28, 2016 - 22:14:27 in by Burco Office
  • Visits: 1413
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hablihii Aan Lebiskooda La Yaabay!..W/Q: Haldoor Ismail Mohed Aden-Dhicir

    Aslaamu Calaykum Waraxmatulaah Waaraakatuh Maalin kale oo wanaagsan iyo wakhti wacan. Dhigane qoraaleedka maaanta iyo dhacdaydu wuxuu ku saabsan yahay kuna qotomaa dhaqankeena isbdelay iyo intii luntay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aslaamu Calaykum Waraxmatulaah Waaraakatuh Maalin kale oo wanaagsan iyo wakhti wacan. Dhigane qoraaleedka maaanta iyo dhacdaydu wuxuu ku saabsan yahay kuna qotomaa dhaqankeena isbdelay iyo intii luntay.


Inuu dhantaalmo dhaqankeenana wax ka lumaaan waxaa sababay badidiisa isbedeladii waa weynaa ee ina soo maray tan iyo gumaystihii.
Hadaba qiso kooban oo na dhexmartay duul gabdho ah baa u dhacday Sidan:

Goor galab ah maalin isniin ah 19 september 2016 anoo safar ku jooga magaalada hargeisa waxaan kasoo baxay xaafada waxaan soo istaagay laamiga anoo hareera dhuganaya dayaya oo hadba dhinac day-moonaya in wax bas ahi soo dhaw yihiin.

Hal cabaara waxaan sugge ahaadaba waxaa igu soo dhacay telefan uu soo dirayo sxb aanu akhriska asxaab ku nahay oo aan kula balan sanahay suuqa dhexe saxiib waad raagtay iyo waan soo socdaa ayuu hadal noogu eekaa isla wakhtigii aan telefanka dhegta ku hayay waxaa jir-jirka iigu qabtay gaadhi nooca feyruz-da ah ina sugay ilaa intaan talefanka ka dhigaayay.

 

Hadalo Darren qaboow qalbi jilicsana ka yimi tiraabtooduna aanay dheerayn ayaa waxaa lagu yidhi " Huno Ma suuqaad u socotaa maku sii dhawayn karaa".
Intabadan waxaan ahay digtoone fiiro dheer guud ahaan waxaan hubiyay gaadhiga iyo gudihiisa waxaanan dalbaday daaqada dambe in la furro sidaa waxaan ku soo fuulay gaadhigii oo ay saaran yihiin 2 hablood gaadhiga waxaan kasoo galay ama ka fuulay daaqada dambe waana goobta mushkiladii dhaqanka aan kayaabay iiga bilaabmatay.

 

Shidhka dambe sidaan soo sheegay waxaa saarnaa gabadh dhalin yaro ah oo da'ahaan 23 ku dhow ama madaxa ka jartay inantaasi waxay ku lebisantahay dharka aynu unaqaano suudhka ee inaga ka soomaali ahaan raggu ay xidhaan qolyaha reer galbeedkana waa isku siidays kolay.
Sidookale aniga ahaan sida caadada ii ah waxaan lebis u qaataa badiba dharkiisi iyada oo ay ii dheerayd qorshii habeenimo ee kulankii asxaabta ee kulanka noloshadiyaar garowga kulankaas dartii iyo tan caadada ahba sida inantan waxaan sitaaa suudhka midabka blue-light oo markaa ah kan inantuna ku lebisanatahay.

 

Hadaba waxaa shaamareerka igu dhaliyay gabadhaa iyo lebiskeeda sidan ayuuna u dhignaaa.
muuqaal ahaan may qurxoonayn ilaa ashqaraar dadkeeday ku jirtay kana mid ahayd xaga qaabka ugu horayn midab keedu wuxuu ahaa cir-guduud casaan galay (coffe) joogeedu dhex dhexaad buu ahaa cabirkayga aanku saleeyay aqoontayda Engineer-nimo, qoriin shaheeda faayaha wuu shubnaa mana far weynayn.

 

Halkaa waxaa jirta inan kale oo iyana ah tan gaadhiga shukaanta haysa ee dareewalka ka ah sidookale ah qofkii sameeyay martiqaadkan sileeg waxay ku lebisantahay isla dharkan iyada oo metalaysa mataanta qofkan qiyaastii waa isku weji midabkana waa isku dhalaal jinigu ku badan yahay midna mid ma dhaamin hadal ahaana isku mid bay ahaayeen macnii asxaab isku raagtay.

Dulacda sheekadii na dhex martay:

 

Aniga: Wllayaal Ma wadamada shishaa idin soo tufay?
Gabadh: May Huno Midkaayana kama bixin Hargeisa oo haleeya ma gaadhin?
Aniga: Hadaa maxaa idin yar jawaafay?
Labadii Gabdhood: Qosol hhhhhhhh oo huno maxaa naga khaldan?
Aniga: Waxba! Dee dharkiina ayaan ka yar yaabay waayo waa lebiskii ragga oo wanigan wataba ?
Gabadh: Sawta dunidu isbedeshay 1990 kii baad soosocotaaye kuwan hadda hablaha horeeyaa xidha miyaanad Rihanna ,Elissa (malaha waa qolo cadaan ah) arag miyaanad hebla kala arag.
Aniga: Wll Sidani horayn maahee diinteena u noqda oo is asturra xishooda oo ragga ka qajila ( Lebiskuun baa bilaa xayo ahaaye dad ahaan may xumayn ).
Labadiiba maryo yaroo khafiif ah baa laysku yar duubay qoorta oo banaanayd awalkii horre.
Gabadh: waar wll xaflad baanu kusoconaa hotel hebel ahoo lebiskanaa dee loo xidhaa meelahaaas ee wax kale maaha.

Gabadhii kale: Aniga ahaan dharkaan aad ku sheegayso raggu noloshayduuba kamid noqday.

Aniga: Ob ob ii jooji ii jooji
Gabdhii: Maxaadhacay huno?
Aniga: Goobtaydiibaan soo gaadhee Galab wacan waad ku mahadsan tihiin Intaad Isoo Qaadeen. ( Waanka degay gaadhigii anoo aan xitaa hablii horeeyay magacooda weydiin ).
Gabdhii:Waayee huno Galab wacn.

 

Ciladu maaha dadkan aan dalkaba ka bixin laakiin waxa inasoo galay dhaqan ummad shisheeye diimo kale lebis kale afkaar kale iyo xitaa ficiladoodii.
Waxaana waxaa sabavay in inantii ama inankii aan dalka ka bixin ahaado sida roorka shaashada guriga iyo muraayadan suuqa iyo meel walba taaal xitaa goobii ganacsigaa hada la dhigay oo lagu wada rakibay.

 

Aynu dhalinyarooy ilaahay unoqona amcnaha aduunka laysku keenayna aynu fahano kaalin Aynu galno layna koriye.
Waalidowna caruurtaada ka dayso aflaamta iyo waxyaabahan dhalada laga fiirsanayo ee doorinaya dadnimadiisa diibti8sa iyo xitaa dhaqan afeed kiisaba.

 

Qolyaha Ganacsigowna dadkiina, hablihiina iyo inamadiina wa caruurteeniiye u keena dharka xalaasha ah ee aan dhibta lahayn ee lebiskii layaqaanay ah iskadaaya waxa karaa-hiyada ah ee aad ka ganacsanaysaan sameeya siguud ganacsatooy inaad heshiis kuwada gashaan inaan waxaa dalka la keenin oo kadaaya caarka iyo curadadeena curyaaminta aad u dulayseen filkood ee lugaha ka cuslaysiisay. waayo hadaad marto suuq yada magaalooyin keena waxaad arkaysaa ummad wada sawaaban inankuna aanu lugaha qaadi karayn surwaalkoo ka dhacaya awgeed inantuna aanay talaabsan karayn wixii oo ku dhagsan darteed.

 

 

 

W/Q: Haldoor Ismail Mohed Aden-Dhicir

Email:Ismail1234921@gmail.com

Mob: +252 63 409 48 55