Wasiirka Maaliyadda XFS oo furay Mashruuc lagu dhisayo Maamulka Maaliyadda Ciidanka+Sawiro

0
Thursday September 29, 2016 - 17:58:59 in by salman abdi
  • Visits: 660
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Maaliyadda XFS oo furay Mashruuc lagu dhisayo Maamulka Maaliyadda Ciidanka+Sawiro

    Muqdisho(AFKA);Wasiirka Maaliyada Xukuumadda Somalia, Maxamed Aadan Ibraahim [Ferkeeti], ayaa maanta Daah-furay mashruuca maamulka maaliyadda ee ciidanka Qaranka oo socon doono muddo laba bilood ah, kaasoo lagu tayeeynayo mushaaraadka ciidamada Somal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(AFKA);Wasiirka Maaliyada Xukuumadda Somalia, Maxamed Aadan Ibraahim [Ferkeeti], ayaa maanta Daah-furay mashruuca maamulka maaliyadda ee ciidanka Qaranka oo socon doono muddo laba bilood ah, kaasoo lagu tayeeynayo mushaaraadka ciidamada Somalia si ay u helaan xuquuqdooda waqti cayiman.

Furitaanka Mashruucan cusub ayaa waxaa ka qayb galay Wasiirka Difaaca Soomaaliya Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini, khubaro ka socotay Wasaaradda Amniga Qaranka, Saraakiil ka socotay Midowga Yurub oo tababara ciidankaiyo Saraakiil ka tirsan AMISOM.

Sidoo kale, Wasiirka Maaliyadda Farkeeti ayaa sheegay in Dowladdu ay ku guulaysatay in shaqaalaha Dowladda Federaalka Somalia ay mushaarkoodu ugu dhacaan xisaabaha uga furan bangiyada, maantana aan daah-furayno mashrucaan mid la mid ah, kaas la mid ah oo lagu tayeeynayo in ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya loo sameeyo hab u sahlaya in mushaarkooda ku helaan waqti cayiman.

"Ciidamadeennu, waxay safka hore kaga jiraan dagaalka lagula jiro Al-shabaab, waxayna u taagan yihiin xaqiijinta Ammaanka, Waxaana ka Dowalad ahaan waajib nagu ah in aan ka taxadarno bixinta mushaaraadka ciidamada kala duwan, uuna noqdana mid si joogta ah loo helo, taas marka la suuro-galinayo waa in la helo qaab ku salaysan isla xisaabtan iyo hufnaan lagu bixiyo mushaaraadka ciidamada,” ayuu yiri wasiirka maaliyadda.

Wasiirka Maaliyadda Somalia ayaa intaas ku daray. "Miisaaniyadda Dowaladda 45% waxay ku baxdaa ciidanka kala duwan, mashruucaana wuxuu noo sahlayaa bixinta mushaaraadka iyo gunooyinka ciidanka, waxaana hada aad u adag qaabka loo gaarisiyo ciidamada, iyadoo lagu qaado diyaarado si lo gaarisiiyo ciidanka ku kala firirsan goboladda dalka. Bilaha soo socda dowladdu waxay fulin doontaa in isbadal balaarn lagu sameeyo qaabka bixinta mushaaraadka iyadoo la isticmaalayo hab cusub oo sahlaya in mushaarka isla markiba uu helo askariga xaqa u leh, isagoo jooga goobta uu shaqada qaran ka hayo, wuxuuna mashruucan cusub meesha ka saarayaa musuq maasuqa, waxayna dowladdu awoodo u yeelanaysaa in deeqaha mushaaraadka ee uu Caalamku bixiyo loo isticmaalo hab ku dhisan isla-xisaabtan."

Dhanka kale, Wasiirka Gaashaandhigga Somalia, Jen. C/qaadir Sh. Cali Diini oo isagana goobta ka hadlay ayaa yiri. "Mashruucan wuxuu naga caawinayaa in meesha laga saaro lacagtii caddaanka ahayd ee loo qaadi jiray Ciidamada furimaha ku jira, wuxuuna bilow fiican u yahay sidii ciidamada Qaranku ay u heli lahayeen xuquuqdooda xili cayiman, dhinaceena waxaan si cad u balan-qaadanynaa inaan u muujino wada shaqyan joogta ah hay’adda fulinaysa barnaamijkaan, mushraacaanna wuxuu ka qayb qaadanayaa dhisimaha guud ee aan ku wadno ciidanka qaranka.”

Ugu dambeyn, Barnaamijkan dhaqaalaha ku baxaya waxaa ku deeqay UKAid iyo Midowga Yurub, Wuxuuna qayb ka yahay dadaal ballaaran oo loogu jiro sidii kor loogu qaadi lahaa hanaanka dhismaha ciidanka Qaranka Soomaaliya oo kukala firirsan goboladda dalka si loogu sameeyo maamul mushaar oo ku dhisan isla xisaabtan iyo hufnaan.