Mudanaa, Marwada Qarankeenu.W/Q.A/rihiin Omer Dahir

0
Thursday September 29, 2016 - 19:15:01 in by Hargeysa Office
  • Visits: 1648
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Mudanaa, Marwada Qarankeenu.W/Q.A/rihiin Omer Dahir

    Cimri Tagey Ceeb Laguma Sagootiye qallinku waa hubka ugu culus ee lagu majeerto, shaqsiyaadka wax ka taray islamaarkaana isbedel ku sameeyay bulshada ay Hadbaa ku dhex noolyihiin,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cimri Tagey Ceeb Laguma Sagootiye qallinku waa hubka ugu culus ee lagu majeerto, shaqsiyaadka wax ka taray islamaarkaana isbedel ku sameeyay bulshada ay Hadbaa ku dhex noolyihiin,

sidoo kale qalliinku waa hub lagula dagaalamo shaqsiyaadka khalkhaliya, islamarkaana mushkilaado ka dhex abuura ama si qaldan uu isticmaala hantida umada hadaba bulshada uu ku dhex Noolyahay, isaga oo dastuurkeenna Somaliland qofwalba xaq usiiyay inuu cabbiro Aragtidiisa, isaga oo maraaya Nidaam ku haboon. hadaba Kala Mudan Dadkuye, Mudanaa Marwada Qarankeennu. dalkeena Somaliland waxaa soo maray Afar dawladood oo kala dambeeyay, xukuumad walba waxaa ay lahayd waxyaabo ay kaga duwantahay xukuumadaha kale, xukuumadda xilligan joogta ee wakhtigeedu sii galbaanayo waxaa lagu xasuusan doona oo taariikha ugashay waa Hooyada umada reer Somaliland marwo Aamina Xaaji Maxamuud Jirde (Aamina Werris, )waa marwada kowaad ee qaranka Somaliland waxaa ay door muhiima ku leedahay hanaanka dimuqraadiyadeed ee dalka, Marwo Aamina werris waa Hooyo lagu xasuusan doono kaalmeynta Agoomaha oo hiil iyoo ho,oba La Garaabtagnayd sanadkasta, bilkasta, maalinkasta iyo xilli walba iyada oo Mudaddi ay Ahayd marwada qaranka Somaliland.isbedal ku samaysay dayactiirka iyo kor uqaadiida agoomaha iyo Caruurta darbijiifka, iyadaa oo Maraag ma doontahay doorka Marwo Aamina werris ku leedahay Dalkan curdinka, Marwo Aamina Xaaji Maxamuud Jirde waxaa marwo leh aqoon dhinaca caafiimadka ah , waayo aragniimo shaqo iyo karti hogaamineed, waxay tusaale utahay haweenka reer Somaliland ee leh Haanka siyaasadeed, waaloow marwo Aamina werrisa ay Xadhiga uu tuurtay islamarkaana soo gacan qabtay haweenbadan oo maanta meel ka gadhaay Noloshooda., kaase koow aqoonta ay leedahay Marwo Aamina werris, waxaay mudoo lix sanno ah bal dahab kaga gashay dadaalada loogu jiro Adeegyada samo-bixinta dhalinyarada reer Somaliland ee la jaarka dalalka leh khatar dhinaca Amniga ah.

 waaloow ay Tahay marwada qaranka Somaliland maaha shaqsi si toos ah Ugu dhex Miilmaatay Hogaamiinta madaxweyne siilaanyo, marka lagaa yimaado talo siinta saygeeda Madaxweyne siilaanyo, taas oo inta badan bulshada reer Somaliland marwada qaranka ku tilmaaman mid ku dhex Milaantay hogaaminta dalka, Ogsonoow qoyska kasta oo reer Somaliland ama see Lamaane kaste oo soomaaliyeed waa kuwo isku leh wadatashi dhexdooda , wax isku sheeg, iyo talosoojeedin Intaba iyada oo reeraha Aan lahayn wadatashiga dhexdooda, lagu macnayn karo kuwo Aan lahayn qancaada nolosha ay ku Nolyihiin, hadaba Marwo Aamina werrisa, iyo Mudane Madaxweyne siilaanyo waa qoys kamid qoysaska Somaliland iskuna tashaada dhexdooda, waxaase been Abuura wararka lagu sheego inay Marwo Aamina werris ka Taliso Dalka Ugu Dambayntiina, Cimri Tagey Ceeb Laguma Sagootiyo.

dhamaadki Akhriste Filo qoraal joogto ah oo lagu Gudbin Doono Taariikh Nololeedka, iyo shaqooyinkii ay soo qabatay Marwo Aamina Xaaji Maxamuud Jirde(Aamina Werris)








Mudanaa, Marwada Qarankeenu.
W/Q.A/rihiin Omer Dahir
Email GABALOOS123@HOTMAIL.COM 252634721987