Dal Yurub kuyaala oo Dib u Celin ku bilaabay Qaxooti Dhalashadooda ka been sheegay+Sawiro

0
Friday September 30, 2016 - 13:29:44 in by Burco Office
  • Visits: 636
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dal Yurub kuyaala oo Dib u Celin ku bilaabay Qaxooti Dhalashadooda ka been sheegay+Sawiro

    Mid ka mid ah dalalka ugu caansan Qaarada Yurub ayaa waxa uu markaan u soo jeestay dadka Qaxootiga ah ama sida beenta ah ku qaata Sharciyada kaas oo iminka bilaabay inuu dhiibo diidmada ama waxa loo yaqaan Negativ-ka .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mid ka mid ah dalalka ugu caansan Qaarada Yurub ayaa waxa uu markaan u soo jeestay dadka Qaxootiga ah ama sida beenta ah ku qaata Sharciyada kaas oo iminka bilaabay inuu dhiibo diidmada ama waxa loo yaqaan Negativ-ka .
Dalka Jarmalka oo hal sano ka hor ay soo galeen Qaxooti lagu qiyaasay in ka badan hal Milyan ayaa iminka waxaa Qaxootigaas kala barkiis loo diiday sharciyada ama in la qaabilo . Qaar ka mid ah Qaxootigaan ayaa waxaa la soo ogaaday inaysan eheen ama u dhalan dalka Siiriya balse ay ku qaraabanayeen colaada iyo dagaalada ka taagan dalkaas si ay sharciyo iyo magangalyo uga helaan dalka Germany .

Inta ugu badan Qaxootiga iminka la fahmay ee ku qaraaban jiray inay Siiriyaan yihiin ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ka soo jeedaan wadamada Aljeeriya , Marooko , Tunisia iyo Masar . Sidoo kale Jarmalka ayaa dib u celinayo Ajaanib ka soo jeeda wadamo lagu sheegay Nabad sida Kosovo , Serbia , Turkiga iyo Pakistaan .

Xisbiyada Cunsuriyiinta dalka Jarmalka oo mudooyinkaan dambe codad fara badan helay ayaa waxa ay ku doodayaan in gudaha dalka Germany ay ku nool yihiin Qaxooti ka badan 550.000 kuwaas oo loo diiday sharciyada , waliba la siiyay Negativ loona baahan yahay in dalalkooda dib loogu celinayo inta aysan dhibaato geesan .