Mudada Uu Luka Modric Ka Maqnaan Doona Real Madrid Oo La Ogaaday & Kulamada Uu Seegi Doono.

0
Sunday October 02, 2016 - 09:50:04 in by Burco Office
  • Visits: 877
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mudada Uu Luka Modric Ka Maqnaan Doona Real Madrid Oo La Ogaaday & Kulamada Uu Seegi Doono.

    Seddexda ama afarta isbuuc ee soo socota, tababaraha Real Madrid ayaa wax qorsheyn doona iyadoo uu ka maqan yahay Luka Modric, mana aysan aheyn wax sahlan marka uu Modric kooxda Los Blancos ka maqan yahay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Seddexda ama afarta isbuuc ee soo socota, tababaraha Real Madrid ayaa wax qorsheyn doona iyadoo uu ka maqan yahay Luka Modric, mana aysan aheyn wax sahlan marka uu Modric kooxda Los Blancos ka maqan yahay.


Inkastoo Los Blancos aan lagu tilmaami karin inay si xoogan ugu tiirsan yihiin xiddiga reer Croatia hadana shaki kuma jiro in maqnaanshiyihiisa ay dhabarjab xoogan ku tahay kooxda.

Intii uu socday kulankii Champions League ee ay barbaraha 2-2 la galeen kooxda Borussia Dortmund, Luka Modric ayaa waxaa dhaawac uu ka soo gaaray jilibka bidix taasoo u diiday inuu si caadi ah tababar u qaato isbuucaan, waxaana baaritaanadii lagu sameeyay ay xaqiijiyeen inuu muddo bil ku dhow garoomada ka maqnaanayo.

modric_2rm9850thumb

 

Intii uu kooxda macalin u ahaa Zidane, Modtic ayaa noqday xiddig muhim u ah kooxda, waxaana inta badan taba asxaabtiisa kooxda marka uusan ku jirin shaxda kooxda.

Tan iyo markii uu kooxda uga soo biiray Tottenham xagaagii 2012, Real Madrid waxaa laga badiyay todobo kulan waxaana ay barbaro galeen sideed kulan oo uusan isagu ciyaarin.

Waxa ay haatan wajahayaan muddo bil ah uu ka maqan xiddiga reer Croatia kaasoo seegi doona kulamada horyaalka ee Eibar oo ay maanta la ciyaarayaan, Real Betis iyo Alaves waxa uu sidoo kale seegayaa kulanka Champions League ee Legia Warsaw.

Halka Modric uu sidoo kale seegi doono kulamada isreebreebka Koobka Adduunka ee dalkiisa Croatia uu la ciyaarayo Kosovo iyo Finland.