Hordhac: Celta Vigo v Barcelona – Blaugrana Ma Ku Aargudan Doontaa Garoonkii 4-1 Lagula Soo Garaacay Xilli CIyaareedkii Hore?
Todobadii kulan ee ay Barcelona ciyaareysay kaliya 23 maalmood gudahood ayaa soo gabagaboobaya caawa marka ay booqdaan Celta Vigo, halkaasoo Celta ay sarre u soo kaceyso ka dib si liidata oo ay ku bilowdeen xilli ciyaareedka.
Celta Vigo waa kooxdii uu Luis Enrique ka tagay markii uu noqonayay tababaraha Barcelona labo sannadood ka hor, markii ugu danbeysay ee ay kooxda Catalans booqdeen Balaidos waxaa lagu soo garaacay 4-1 waana natiijo maankooda ku jiri doonta kulanka caawa.
Blaugrana ayaa sidoo kale dooneysa inay cadaadiska ku sii heyso kooxda Real Madrid oo hogaanka horyaalka kaga heysa hal dhibic iyadoo kooxda Los Merengues ay maanta soo dhaweyneyso kooxda Eibar.
MAXAA KA CUSUB?
Barcelona waxaa weli dhaawac gumaarka ah uga maqan Leo Messi, sidaasi darteed su’aasha ugu weyn ayaa ah cida buuxin doonta booska seddexaad ee weerarka seddex aflaha ah.
Ciyaaryahanka kale ee aan taam u aheyn kulanka caawa waa daafacaa Samuel Umtiti kaasoo ka soo kabsanaya dhaawac jilibka ah.Haddii la soo xusho Andres Iniesta waxa uu ciyaari doonaa kulankiisii 600aad ee kooxda.
Seddex difaac oo ku jiri jiray Barca B ayaa ka mid ah kooxda Celta Vigo: Sergi Gomez, Andreu Fontas iyo Carles Planas. Si kastaba Planas dhaawac ayuu ku maqan yahay si la mid ah Nestor Diaz, Claudio Beauvue iyo Fabian Orellana kaasoo dhibaato weyn u abuuray Barcelona sannadkii hore.
SHAXDA MACQUULKA AH:
Celta Vigo (4-2-3-1):Alvarez; Roncaglia, Cabral, Fontas, Jonny; Diaz, Radoja; Sisto, Wass, Bongonda; Aspas.
Barcelona (4-3-3): Ter Stegen; Roberto, Pique, Mascherano, Alba; Rakitic, Busquets, Iniesta; Turan, Suarez, Neymar.
Hordhac: Celta Vigo v Barcelona – Blaugrana Ma Ku Aargudan Doontaa Garoonkii 4-1 Lagula Soo Garaacay Xilli CIyaareedkii Hore?
Celta Vigo v Eibar Garoonka: Balaídos Waqtiga: 9:45pm Saacada Geeska Afrika Garsoore: Inaki Vicandi