Maxamed Biixi Yoonis, Ma Nin Cid Kale Lagu Doorsadaa Baa? Weriye, Muniir Axmed Cigaal

0
Sunday October 02, 2016 - 10:24:27 in by Burco Office
  • Visits: 992
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxamed Biixi Yoonis, Ma Nin Cid Kale Lagu Doorsadaa Baa? Weriye, Muniir Axmed Cigaal

    Maxamed Biixi Yoonis Wuxuu ahaa diblomaasigii ugu darajo sareeyey dunida afka Soomaliga ku hadasha marka laga reebo Cabdiraxiim Caabi Faarax oo mar noqday ku xigeenka xoghayaha guud ee qaramada midoobay, oo ka soo shaqeeya marinka diblomaasiyadda caa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxamed Biixi Yoonis Wuxuu ahaa diblomaasigii ugu darajo sareeyey dunida afka Soomaliga ku hadasha marka laga reebo Cabdiraxiim Caabi Faarax oo mar noqday ku xigeenka xoghayaha guud ee qaramada midoobay, oo ka soo shaqeeya marinka diblomaasiyadda caalamiga ah ee qaramada midoobay.

Haddaba waxaan halkani idiinku soo gudbinayaa taariikh nololeedka Maxamed Biixi Yoonis, oo ahaa Wasiirkii arrimaha debadda Somaliland, ka hor intaanu iska casilin xilkaas 26 October 2015. Wakhtigaas oo uu isu sharaxay Jagada Madaxweynaha Xisbiga KULMIYE, balse gacan tugaalayn lagu sameeyay ololihiisi kadib ay soo dedejisay inuu xilka iska casilo isaga iyo Saxiibadiisa Isbahaysiga KULMIYE.

Waa Kuma Maxamed Biixi Yoonis ?

Maxamed Biixi Yoonis wuxuu sannadkii 1947-kii ku dhashay magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa, isagoo dugsigii hoose ku bartay magaalada Hargeysa, dugsiyadiisii dhexe ayuu ka baxay dugsiyada Sheekh isagoo kii sarana ku bartay dugsigii sare ee Camuud.

Wuxuu sannadahii 1970-naadkii shahaado sare ka qaatay dugsigii tababarka macalmiinta ee magaalada Hargeysa oo uu ka qaatay shahaadada (High Diploma), wuxuuna ka noqday magaalada Hargeysa macalin wax ka bara, sannadahii 1971-kii ayuu waxbarasho sare ka hellay dalka maraykanka isagoo waxbarasho ka hellay jaamacadda weyn ee Harvard University.

Jaamacadda Harvard University ayuu Degree-giisa hore wuxuu ku qaatay barashada culuumta siyaasadda iyo xidhiidhka caalamiga ah, isagoo sidoo kalana qaatay shahaado kale oo Bachelor ah oo isla jaamacadda Harvard University uu ka qaatay culuumta maamulista dhaqaalaha, isla jaamacadda Harvard University ayuu ka qaatay shahaado sare (Master Degree) oo ah cilmiga maamulista arrimaha bulshada iyo siyaasadda (Master Degree of International Relations, Political Science and Public Relations Management)

Sannadahii 80-maadkii Maxamed Biixi Yoonis wuxuu ku biiray bangiga horumarinta Afrika ee loo yaqaano (African Development Bank) isagoo muddo dheer ka soo shaqeeyey bangigaasi kana soo qabtay xilal ay ka mid yahiin madaxa Bangiga ee dalalka Beriga Afrika, madaxa maalgelinta ee baanka (head of Investment), madaxa maamulka daymaha ee Bangiga, isagoo noqday madaxii xidhiidhka siyaasadda ee Bangiga ADB.

Badhtamahii 90-naadkii ayaa Maxamed Biixi Yoonis waxaa loo magacaabay madaxii qaybta hawlaha ee qaramada midoobay u qaabilsanayd barnaamijkii qaramada midoobay ee Beriga dhexe, isagoo saldhigiisuna noqday magaalada Beirut ee dalka Lebnan.

Sannadkii 1999-kii ayaa loo magacaabay agaasimahii fullinta ee hawlgalkii qaramada midoobay ee Lebnon iyo Israel, wuxuuna madax ka noqday xafiiskii qaramada midoobay ee magaalada Televiv ee caasimadda dalka Israel, wuxuu sidoo kale noqday danjirahii xoghayaha qaramada midoobay ee Lebnaan iyo Israel.

Sannadkii 2002-dii wuxuu noqday madaxii haayadda u qaabilsan qaramada midoobay hawlaha nabadaynta iyo xallinta khilaafaadka beriga dhexe (Israel iyo carabta) UNTSO (United Nation Truce Supervision Organisation), isagoo badanka iskaga dab qaaday jiray dalalka beriga dhexe, waxaa lagu xasuusta qaybtii weynayd ee uu ka gaystay maxaabistii israel iyo dalalka carabtu ay is dhaafsadeen. waxaana sannadkii 2006-dii loo magacaabay ku xigeenka danjiraha qaramada midoobay u qaabilsan gobolka Darfur, isagoo laba sanno ka dibna noqday ergayga Midawga Afrika iyo Qaramda midoobay iyo ku xigeenka barnaamijka UNMID ee maamulka haayadaha qaramada midoobay ee gobolka Darfur.

Wuxuu leeyahay ku dhawaad 25 Sannadood oo khibrad diblomaasiyadeed, isagoo badanka loo diri jiray goobaha ugu xasaasisan uguna adag dunida, sida Darfur, Israel, Beriga Dhexe iyo Latin Amerika, waxaa la filaayey inuu noqdo ku xigeenka xoghayaha guud ee qaramada midoobay ama madaxa guud ee haayadda UNDP balse wuxuu ka door biday inuu shaqada caalamiga ah ka nasto talooyinkii iyo yeedhmadii uga imanaysay dalkiiisi Somaliland, taas oo ahayd in la gaadhay wakhtigii uu khibradiisa shaqo iyo mida aqooneedba uga faa'iidayn lahaa waddankiisa.

In kasta oo yeedhitaanka uu dalka ku yimi ku qotomay ballan adag oo ay wakhtigaas wacad ku mareen Madaxdii Xukuumadda, taas oo ahayd inuu ka tartami doono Xisbiga KULMIYE dhexdiisa oo kalsooni weyn lagu qabay inuu ku soo bixi laha. Hadana si ay noqotayba ballankaas iyo wacadkii lala galay mid fulay muu noqon waxaana masrixii tartan ee Xisbiga KULMIYE loo xidhay si badheedha Col. Muuse Biixi Cabdi . Ma nin Askari laga raacu ahaa …

Si kasta ha ahaate Dr. Maxamed Biixi Yoonis hadda wuxuu hormuud u yahay Siyaasiyiinta Isbaahaysiga KULMIYE oo shir uga socdaan Hargaysa . Natiijada shirarkaas oo dhakhso loo maqli doono insha allah dalkana Siyaasadiisa huruda wax Weyn la filaayo inay ka badali doonaan.