Nacaybaa Jacayl Laga Dhaxlaa W/Q Maxamed Cabdi Cabdilaahi (Maxamed Andar) Qaybta 1aad
Hadaba akhristayaal waxay sheekadani ku dhacday wiil yar oo aan ku garaadsan aabo iyo hooyo toona iyo inan aad ukibir iyo is qaadqaad badan isla markaana ka dhalatay reer maal qabeena, waxayna sheekadu ku bilaabmaysaa sidatan.
Muumin waa wiil yar oo 11 jira isla markaana aan ku garaadsan hooyo iyo aabo toona ,waxa uu noloshiisa kusoo qaatay nolol aad uadag isla markaaana rafaad ah, hase ahaatee muumin waxa uu ahaa wiil aad u furfuran ,dabeecad degan,naxariis badan isla markaaana aan hadal badnayn,waxaana intaa udheerayd oo alle (swt) siiyay qurux iyo waliba Samir.
Muumin waxa uu isaga oo 11 jira ka mid noqday darbi jiifta magaalada hargaysa waxa uuna halkaa kala kulmay dhibaatiiyin aad ufara badan oo ay ugu wacnayd da yaraantiisu, waxa uu hoy ka dhigtay waab yar oo uu isagu samaystay oo dooxa way nee magaalada hargaysa dheega ku haysa,waxa uu quudan jiray cuntooyinka hadhaaga ah ee hudheelada kazoo hadha iyo kolba wixii uu ilaahay siiyo ee kale,waxaana dhici jirtay inaanu wakhtiyada qaar helinba wax uu cuno.
Waxaa dhacday habeen habeenada ka mid ahayd in uu kazoo habsaamay waabtii uu seexanjiray ee isaga hoyga u ahayd waxaana meeshii seexday wiil kale oo isna darbi jiif ahaa isla markaana ka da weynaa muumin, muumin markii uu yimi goobtii uu seexan jiray ayaa uu arkay in qofkale hurdo meeshiisiii waxa uuna isku dayay in uu fiiriyo wajigiisa bal in uu aqoonsado laakin meesha oo aad umadoobayd darteed waa uu aqoon san waayay , waxa uuna bilaabay in uu la hadlo oo uu toosiyo, hal cabaara markii uu la hadlaayay ayaa uu toosay waxa uuna muumin usheegay in meeshan uu isagu seexanjiray, wiilkii kale waxa uu ugu jawaabay hadalo ad adag isla markaana cay ah waxa uuna usheegay in uu dili doono hadii mar danbe ka dul hadlo, muumin kama uu cabsan ee waxa uu isku dayay In uu ku qanciyo in uu meesha isagu seexan jiray isla markaana uusan garanayn meelkale oo uu seexdo.
Hase yeeshee wiilkii kama uu ogalaan hadaladii muumin ee inta uu soo kacay ayaa uu si naxariis daro ah ugaraacay isla markaaana ku dhuftay nabaro culculus, muumin waxa uu iskaga soo tagay meeshii isga oo ooyaya isla markaana aad umurugaysan, waxa uuna fadhiistay meel in doora ujirta meeshii uu seexan jiray , muumin waxa uu bilaabay in uu isla hadlo isga oo naftiisa waydiinaya maxay marwalba udhacdaa sidani, muumin waxa uu bilaabay in uu eego oo uufiiriyo nabar uu wiilkii kaga dhuftay lugta, isaga oo eegaya nabarkii ayaa niyadiisii baxday oo wajahday nolol kale oo tii hore ka quruxbadan ,waxaaba la tusay isga oo ciyaarsiinaya wiilal yaryar oo ay walaalo yihiin isla markaana ay aad u faraxsanyihiin.
Muumin isga oo niayadiisu ma qantahay ayaa waxa uu ku war helay roob xoogan oo haya waxa uuna isku dayay in uu ka cararo laakin ma carari karo waayo lugta waxa kaga yaala nabar aad u culus waana uu iska tukubay in cabaara markii uu tukubayay ayaa uuu kusoo baxay guri wayn oo dayrle waxa uuna damcay in uu gurigaa hortiisa iska fadhiisto ilaa iyo inta uu ka qaadayo roobku, mudo yar kadib roobkii waa uu iska qaaday laakin muumin isga oo fadhiya ayaa uu gamay………, Lasoco qaybta 2aad……
Nacaybaa Jacayl Laga Dhaxlaa
W/Q Maxamed Cabdi Cabdilaahi (Maxamed Andar)
Gmail; Maxamedqani122@Gmail.com
Facebook: Maxamed Andar
Nacaybaa Jacayl Laga Dhaxlaa W/Q Maxamed Cabdi Cabdilaahi (Maxamed Andar) Qaybta 1aad
Sheekadan waa sheeko aad u dheer isla markaana xanbaarsan nacayb iyo jacayl,farxad iyo murugo,waxayna tusaale ama wax ku qaadasho utahay qofkasta oo akhriya sheekadan,si uu isla markaana u xasuusto in dhamaanba dadka ilaahay abuuray aanay sinayn isla