Madaxweynaha FIFA Oo Balaarinaya Koobka Adduunka – 48 Xul Ayaa La Filayaa Inay U Tartami Doonaan Tartanka Ugu Weyn Caalamka.

0
Tuesday October 04, 2016 - 12:18:23 in by Burco Office
  • Visits: 827
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha FIFA Oo Balaarinaya Koobka Adduunka – 48 Xul Ayaa La Filayaa Inay U Tartami Doonaan Tartanka Ugu Weyn Caalamka.

    Madaxweynaha FIFA Gianni Infantino ayaa soo jeediyay in balaariyo Koobka Adduunka oo ay ka qeyb galaan ilaa iyo 48 xul, waana tiro uu soo jeediyay markii uu doorashada u sharaxnaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha FIFA Gianni Infantino ayaa soo jeediyay in balaariyo Koobka Adduunka oo ay ka qeyb galaan ilaa iyo 48 xul, waana tiro uu soo jeediyay markii uu doorashada u sharaxnaa.


Ninka Talyaaniga ah ayaa soo jeediyay in 16 ka mid ah xulalkaas in lagu reebi doono kulan kala bax ah ka hor inta aan loo gudbin wareega group-yada.

Inta ka soo hartay tartanka waxa uu noqonayaa sida haatan uu yahay iyadoo 32 kooxood ay ku tartami doonaan wareega group-yada ka dibna wareega 16ka, 8da, semi-finalka ilaa iyo finalka.

Balanqaadkii uu sameeyay markii ay doorashada socotay waxa ay aheyd in Koobka Adduunka ay ka qeyb galaan ilaa iyo 40 kooxood.


Infantino waxa uu xusay in go’aan ku aadan arintaan inay qaadan doonaan golaha ururka kubada cagta marka ay kulmaan bisha Janaayo.

 

"Waxaa jiro fekrado lagu raadinayo xalka ugu fiican, waxaan ka doodi doonaa bsihaan, waxaana go’aan ka gaari doonaa wax walba sannada 2017” ayuu yiri 46 sanno jirkaan.

"Waxaa jira fekrado ayaa hore soo dhignay si aan u aragno mida ugu fiican.”

Infantino ayaa madax ka noqday FIFA bishii Febraayo ka dib markii Sepp Blatter uu is casilay.

Qorshihiisa cusub ee lagu balaarinayo Koobka Adduunka waxaa ka mid ah wareeg kala bax ah la sameeyo oo 16 xul oo ka mid ah 48da xul ee ka qeybgalaya Koobka Adduunka ay ku harayaan, iyadoo 32 kooxood ay u soo gudbayaan wareega group-yada. Xulka martigelinaya Koobka Adduunka kama qeybgalayaan wareega kala baxa.

"Waxa ay la micno tahay in sida caadiga ah uu Koobka Adduunka ku socon doono ee 32 da xul, laakiin 48 wadan ayaa xaflada ka qeybgaleysa” ayuu hadalkiisa raaciyay.

"Fekerka FIFA ayaa ah in la horumariyo kubada cagta dunida oo dhan, Koobka Adduunkana waa dhacdada ugu weyn ee jirta. Koobka Adduunka ma ahan kaliya tartan, waa dhacdo bulshadeed.”