Gareth Bale Oo Si Xoogan Loo Ilaalinayo Inta Uu La Joogo Xulka Wales Ka Dib Weerar Lala Beegsaday Qoyska Gabadha U Doonan.

0
Tuesday October 04, 2016 - 12:35:49 in by Burco Office
  • Visits: 1029
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gareth Bale Oo Si Xoogan Loo Ilaalinayo Inta Uu La Joogo Xulka Wales Ka Dib Weerar Lala Beegsaday Qoyska Gabadha U Doonan.

    Gareth Bale ayaa amaankiisa si aad ah loo adkeyn doonaa isbuucaan inta uu la joogo Wales isagoo isku diyaarinaya labada kulan ee isreebreebka Koobka Adduunka 2018 ee ay la ciyaarayaan Austria iyo Georgia.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gareth Bale ayaa amaankiisa si aad ah loo adkeyn doonaa isbuucaan inta uu la joogo Wales isagoo isku diyaarinaya labada kulan ee isreebreebka Koobka Adduunka 2018 ee ay la ciyaarayaan Austria iyo Georgia.


Wargeyska Daily Mail ayaa sheegaya in ilaaliyayaal dheeri ah la geyn doono huteelka ay xulka Wales degan yihiin sababtoo ah waxaa la bartilmaameedsaday qoyska gabadha u doonan.

Waxaa la sheegay in qoyska gabadha u doonan Gareth Bale ee Emma Rhys-Jones ay bartilmaameedsadeen burcad wax gubta iyagoo dab qabadsiiyay guryahooda iyo gawaaridooda.

js93777932

Real Madrid ayaa iyagana sarre u qaaday ilaalinta amaanka Bale marka uu joogo Spain iyadoo wararka ay soo jeedinayaan in seddex boliis oo hubeysan inay ilaalinayeen qolkiisa huteelka kooxda markii ay isku diyaarinayeen kulankii Las Palmas ee 24kii September.

Bale oo dhaliyay goolkiisii 50aad ee Real Madrid kulankii Eibar ee axadii ayaa haatan Wales jooga isagoo isku diyaarinaya kulanka isreebreebka Koobka Adduunka ee ay la ciyaarayaa Austria oo ay booqanayaan habeenka khamiista magaalada Vienna ka hor inaysan Cardiff City Stadium kula ciyaarin Georgia seddex maalmood ka dib.