WARBIXIN: Barcelona Oo 11 Sano Kadib Qaab Ciyaareedkii Ugu Xumaa Kaga Bilaabtay Horyaalka La Ligaha Balse Rekoodhkan War Fiican Ayay Taariikhdu Ka Sheegtay

0
Tuesday October 04, 2016 - 12:37:29 in by Burco Office
  • Visits: 873
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WARBIXIN: Barcelona Oo 11 Sano Kadib Qaab Ciyaareedkii Ugu Xumaa Kaga Bilaabtay Horyaalka La Ligaha Balse Rekoodhkan War Fiican Ayay Taariikhdu Ka Sheegtay

    Ka dib todobo kulan oo la ciyaaray xilli ciyaareedka La Liga, Barcelona ayaa durbaba dhumisay sideed dhibcood, waxaana ay shaqeysteen mudadaan 13 dhibcood taasoo ah dhibcihii ugu yaraa ee ay heleen waqtigaan oo kale xilli ciyaareedka tan iyo 2005 &nd

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ka dib todobo kulan oo la ciyaaray xilli ciyaareedka La Liga, Barcelona ayaa durbaba dhumisay sideed dhibcood, waxaana ay shaqeysteen mudadaan 13 dhibcood taasoo ah dhibcihii ugu yaraa ee ay heleen waqtigaan oo kale xilli ciyaareedka tan iyo 2005 – waana sannadkii kooxda Catalans ay kuwada guuleysteen La Liga iyo Champions League.


Ka dib guuldaradii 4-3 ee ka soo gaartay Celta Vigo axadii, Barcelona ayaa haatan laga badiyay labo kulan todobadii kulan ee lagu furay xilli ciyaareedka. Guuldaradii Celta Vigo waxaa ka horeysay guuldaradii Alaves ka soo gaartay September.

1475502652_074645_1475504752_noticia_normal

Inkastoo tababare Luis Enrique uu sheegay in kooxda uu heysto ay tahay tii ugu fiicneyd tan iyo markii uu kooxda yimid, xaqiiqda waxa ay tahay marka garoonka la joogo in kooxda Bluagrana aysan aheyn sidooodii hore.

Dhaawaca Lionel Messi iyadana ma aysan caawinin kooxda, si la mid ah qaab ciyaareedka hoos u dhacay ee Sergio Busquets iyo weliba qaladaadka goolhaye Ter Stegen.

Inkastoo Barcelona ay heysato ciyaaryahan u fadhiya boos walba marka laga reebo inuusan jirin xiddig u fadhiya Busquets hadana kooxda ma aysan gaarin heerkii ay joogeen xilli ciyaareedkii hore, iyadoo Neymar iyo Luis Suarez aysan weli jaanta isla helin.