Xirsi Shalay Chief Of Cabinet, Maanta Hogamiye Xisbi Berrina Muxu Noqon? W/Q: Cabdisatar Sabri

0
Wednesday October 05, 2016 - 18:45:31 in by salman abdi
  • Visits: 1010
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xirsi Shalay Chief Of Cabinet, Maanta Hogamiye Xisbi Berrina Muxu Noqon? W/Q: Cabdisatar Sabri

    SHALAY CHIEF OF CABINET "Siilaanyo" MAANTA HOGAAMIYE XISBI "Cirro" BERRINAXIRSI MUXUU NOQON ?????,,,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

SHALAY CHIEF OF CABINET "Siilaanyo" MAANTA HOGAAMIYE XISBI "Cirro" BERRINAXIRSI MUXUU NOQON ?????,,,


Shalay CHief of cabinet ayuu ahaa xirsi , xilkaasi wuxuu ahaa Darajo uu keligii gaadhay, Waxa uu ahaa ninkii uu Madaxweyne Siilaanyo ragba kaga soocay, ka dib markii uu mahadiyay kartidiisa , xiligaa XIrsi dabinkasta oo siyaasadeed wuxuu kaga gudbay raganimo iyo hal-adayg togan, wuxuu gutay xilkiisa dadaal iyo afgaabni, bulshada somaliland aad ayay uga hor timid shikhsiyadiisa iyo Maqalka magaciisa caanbaxay, ilaaa ay xasaradu gaadhay saamaynna kuyeelatay shaqadiisa , Nacaybka dadka qaar u qaadeen waxaa ay gaadhay heer Xataa rag ay biyo oday wadaagaan , dacwad ka dhan ah ay u gudbiyaan madaxwaynaha Si uu shaqada uga bedelo madaxweyne siilaanyo iyo xagga rabbi ayuuu ka dhiman wayay, 
Dadka iyo xirsi markiii ay isbarteen waxaa isbedelay jawigii si lama filayaa ayay dadku Markale u janteen, xirsi 
Markale wuxuu noqday wasiirka madaxtooyada, Somaliland, waxa uu daacad ka noqday haanaaninta siyaasadda madaxweynihiisa, xirsi wuxuu saamayn fidsan ku yeeshay horumar ka dalkiisa , maalinba maalinta xigta waxa sare ukacaayay hamigiisa siyeesadeed, iyo tiigsashada waxa uu rabo,

xirsi wuxuu shan sano ku Bartay cilmi iyo aqoon, faham iyo khibrad ka jawaabaysa dabeecadaha kala duwan ee dalka iyo dadka Tababarkaas waxa uu ka helay oo ku layliyay madaxweynihii uu la soo shaqeeyay ee ahmed Siilaanyo, 
Markale waxaa uu isku dhigay siyaasI laga haybadaysto oo sida kaynta hamashka hadba loo hilaadsho , 
Xirsi waxaa uu iska casilay oo iskaga tegey xukuumadii iyo xisbigii kulmiye kadib markii uu istusay nacayb siyaasadeed oo uu uhayo Gudoomiyaha xisbiga kulmiye Mudan muuse biixi cabdi oo xilligaasi ku keliyaystay musharaxnimada madaxweynenimo , ee xisbiga

Dhawr iyo toban wasiir iyo laba xubnood oo hogaanka kulmiye ah ayaa iyana xiligaas dawladda iskaga baxay

Isbahaysi siyaasadeed oo xoogbadan ayay noqdeen 
Inkastoo lakala furfuray oo qaarkood ku laabteen kulmiye iyo xukuumada haddana waxba u may noqon awoodoodii iyo taladoodiiba waxay ku daasteen in ay xoojiyaan xisbiga mucaaradka ah ee Wadani 
Waxaana ka go'an isbahaysiga kulmiye ee ku biiray xisbiga wadani in aanu kulmiye libinta guusha doorashada la huleelin . Hawl yaraanna ku hanan

Waxaa soo baxaya xog muujinaysa in xsbiga mucaaradka ah Wadani uu ku guulaystay hanashada siyaasiyiintaas miisaanka ku leh somaliland

Bar bilawga shaqo ee Xirsi iyo Cirro waxaa la filayaa in uu ku bilawdo Shax ku cusub siyaasadda xisbiyadda 
( Xirsi oo ah Hogaamiye Xisbi, Cirro oo ah Musharax Xisbi , cabdiqaadir Jirde oo ah Gudoomiye Xisbi, )

Shirka xisbiga ee laga dhursugayo inuu dhawaan qabsoomo ayaa lagu dhaqan gelindoona heshiiska Wadani iyo isbahaysiga kulmiye sidoo kalena lagu kala xadayndoonaya awoodaha Madaxda xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani

Marka xaalku sidan yahay Xisbiyadda kulmiye iyo Wadani way ismuquunin doonaan , 
Balse waxaa iga su'aala

Codka ay ku kala baxayaan saaadaashiisa guud deegamada laga filayo ee sahankiisu suganyahay ee loolanku ku sii jeedo dadka you dadwaynoow