ku biirista isbahaysiga ee xisbiga wadani maalma kadib waxay sabab u noqdeen in bahdii garsoorka ay qaar badani is casilaan W/Q Maxamed Cismaan

0
Sunday October 09, 2016 - 18:59:10 in by Burco Office
  • Visits: 1019
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ku biirista isbahaysiga ee xisbiga wadani maalma kadib waxay sabab u noqdeen in bahdii garsoorka ay qaar badani is casilaan W/Q Maxamed Cismaan

    Waxaa laga jogaa waqtigi yar, jahwareerkii ku yimid xukuumada markii ay ka huleeleen xubno ka mid wasiiradii xilalka ka hayay iyagoo ay ku sababeeyeen is casiladoodii in xukuumadii ay ka tirsanayeen ay isla afgaran wayeen masiirka mustaqbalka dalkan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa laga jogaa waqtigi yar, jahwareerkii ku yimid xukuumada markii ay ka huleeleen xubno ka mid wasiiradii xilalka ka hayay iyagoo ay ku sababeeyeen is casiladoodii in xukuumadii ay ka tirsanayeen ay isla afgaran wayeen masiirka mustaqbalka dalkan ee ku aadan xisbiga. Hadaba waxaanu shaashadaha ka daawanay kooxdii la baxday isbahaysiga isbadal doonki xisbiga kulmiye inay ku bireen xisbiga wadani cadeyeena in dalkan iyo dadkan
ay ka badbaadinayaan hogaan xumo waa siday hadalka u dhigeene. Bulshada inteeda badan waxay is waydinayaan maxaa sababay in iscasilaaduhu 
ay maalinba maalinta kale sii xogaysanayaan. Cilada keenaysa is casilaada ma hogaanka kurisga lagu wadaa la diidan yahay mise qolada la shaqaysa hogaanka xisbiga ayaaba ka danbaysa in arimaha sidaa u socdaan. Hadaynu dib u xasuusano waxaa soo maray dalkan afar madaxwayne mid walbana 

waxuu ku suntanaa waqtiga waayaha tagnaa wax ka qabadkisii. Ala ha unaxaristee marxuun cabdi raxmaan axmed cali waxuu dalka madaxwayne ka ahaa muddo kooban waxaana fashiliyay xukuumadisa is casilaado is xig xigay. Alle ha unaxaristee marxuun maxamed xaaji ibraahin cigaal waxuu dalka madaxwayne ka ahaa isagana waqti dheer inkastoo ilaahay subxaanahu watacalaa oofsaday iyadoon fashilmin xukuumadisa. Muddane daahir rayaale 

kaahin waxuu dalka haystay waqti dheer, balse waqtigii loo diyaar garoobayay doorashada inay ka qayb gasho xukuumadisa ayaa waxaa iska casilay wasiiro kamid ah xukuumada iyagoo u sababeeyay in xukuumadaa jirta ee hadana diyaarka u ah inay doorasho gasho bulshada aysan ku haboonayn inay dalka sii 

hogaamiso. Mudana axmed maxamed maxamuud silanyo waxuu dalka taladiisa hayaa muddo badan balse waxay ka badbaaday xukuumadiisa fashil siyaasadeed oo ay hormuud ka ahayeen xubno wasiira ah iyagoo u sababeeyay is casiladooda hogaanka xisbul xaakimka u qorsheeyay inuu dalka u dhiibo. Guntii iyo gunaanadka ka madaxwayne mustaqbal ahaan waxan usoo jeedinayaa xubnaha ka howl gala xisbul xaakimka ee doonaya inay musharaxooda u horseedaan guusha madaxweyne nimo inay is waydiyaan qaabka ugu wacan ee lagu gaari karo guusha xisbigooda iskana ilaaliyaan amarada ay isticmaalayaan ayna ogadaan cida amarada isticmaali karta inay tahay cida aan raja danbe dalka ka lahayn.