Qaladaadkii Hadaladii Cirro.....W/Q: Haldoor Ismail Mohed Aden-Dhicir
Hadaladii Madasha Uu Ku Tiraabay Waxaa Laga Dhanan Sanayay Khaldaad Dhawr Ah Oo Aan Siyaasi Ahaan Iyo Musharax Ahaan Ku Fiicnayn Cod Iyo Taageerana Ka Suulin Karaayay Yadoo Badhkood Cunfi Laga Dareemayay.
Hadaba Aan Soo Qaadano Khaladaadkaa Intooda Doorka Ah Iftiiminana Xumahooda Iyo Wanaajintooda.
1.Qaladka Koobaad
Wuxuu yidhi ''Maanta Hadaan Khalkhalo Oo Hadalku Iskaga Kay Darsamo Ii Duqaata Waa Farxada Awgeed e.''
Haa Khalkhalan Oo Isku Dar-Darsan Laakiin Is Adkee Dadkana Hausoo Bandhigin Ogoow Oo Madalo Kuwan Kaweyn Nin Higsanaaya Iska Dhig Ilayn Dalkaabad U Tartamaysaa Inaad Kuguulaysato Kursiga Usareeyee Taladana Ku Darso Inay Jiraan Rag Aan Khalkhalayn Farxad Iyo Qiiroba.
2.Qaladka Labaad
WUxuuyidhi '' Waxaanu Doonaynaa Inaanu Xisbigu Noqon Mid Kumeelgaadh ah Ee Xisbi QARANKANI Wad Leeyahay Oo Inanka Dhahar Ku Dhashay Iyo Inanka Taleex Ku Dhashayba Ay Gudoomiyeyaal Kanoqdaan Waxaanu Doonaynaa Inanka Saylac Ku Dhashay Iyo Ka Boorame Ku Dhay Inay Madaxka Noqdaan Waxaanu Doonaynaa Dalkan Siduu Daahir Riyaale Madaxweyne Uga Noqday In Qof Waliba Uga Noqon Karro.''
Maxuma Inloo Sinaado Oo Lawada Yeeesho Xisbiga Oo Dee Dalka Ayaynu Wada Leenahayba Laakiin Midbaa Deelqaaf Ah Magacowga Ku Taagsiga Tusaalaynta Xun Ee Mudanii Horre Ee Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin Layidhi Sidii Daahir Uga Noqday Dalka Madaxweyne Daahir Maanu Ahayn Nin Reer Somaliland Ah Oo Muwaadina Cirro Ma Wuxuu Ula Hadlayaa Sidii Kuwii Lahaa Beelaha Laga Tirada Badanyahay Ayaa Mar Qabtay Talada Dalka Waa Khalad Oo Waa Gef Laga Galay Dad Gaar Ah Iyo Kuwa Kale Oo U Baahnaa In Laga Baabiiyo Cunfiga Lagu Hayo.
3.Qaladka Sadexaad
Wuxuu Yidhi '' Maanta Waa Qaswatul Beder Hada Hayaabina Beritana Waa Yawmul Uxud ''
Gudoomiyuhu Taasina Waa Midkale Oo Ka Bixisay Turjumaad Yadoo Ah Ifafaale Maahmaah Ku Haboonayd Oo Uu Dagaalo Islaamku Galay Ku Saleeyay Isagu Ma Khaldana Oo Faan Isyidhi Laakiin Hadii Lafasiro Maalmahan Oo Halkooda Loogu Tago Qaswatul Beder Waa Dagaal Bilow Ah Oo Islaamku Guulaystay Guulweyn Taasi Waaba Usax Oo Xsbigu Ka Guulaysay Kuwii Kale. Ta Labaad Ee Ah Yawmul Uxud Maalinkani Waa Maalin Gaaladu Guulaysatay Muslimkana Si Darann Loo Jabiyay Ilaa Nabyilaahi Muxamed (SCW) La Dhaawacay Layskuna Qabtay Dhimay Nebigu Iyo Ma Dhiman Oo Muslimiintu Ku Kala Jabtay Ilaa Wardambe Yimi. Haddaba Isweydiin Waxaa Ah Waddani Ma Gaalada Ayuu Metalayaa ?
4.Qaladka Afraad
Isla Qodobkan Sarre Wuxuu yidhi '' Kuwa (Maalmaha) Dambena Sheeg-sheegi Maayo Siaan Dadka Qaar Shuban Ugu Dhicin Aadbaad Umahadsantihin''
Mudane Gudoomiye Cirro Malaha Markan Wuxuu Metelayaa Majaajilayste Adiguba Dhugoo Madaxweyne Nin Utartamayaa Dadkuu Waxka Doonayo Macaayaa Waxay Ahayd Inuu Nafta Usheego In Dadku Doonayo Inuu Wax Usheeg-sheego Waxay Ahayd Inuu Karti Uyeesho Hanashada Dadka Isaga Oo Adeegsanaya Hanashada Maankooda Iyo Dhegahoodaba.
Talo:
Ugu Dambayn Waxaan Ku Soo Afmeerayaa Taladayda Oo Ah Cidkasta Way Khaldoomi Kartaa Ibnu Adam Baanaynu Nahay Waxaasina Way Dhacaan Ee Gudoomiyuhu Ha Saxo Khaladaadkaas Sida Maanta Muuqattayna Hadalku Ma Ahayn Mid Diyaarsan Iyo Mid Feker Lahaaye Halaga Shaqeeyo Tooosinta Talada Gacal Canaan Wanaajineed Iyo Is Toosinta Qarankeenu Ku Caano Maalay.
Uma Qaato Qalin Inaan Cid Gaara Shaqsi , Koox Iyo Beeltoona Ku Dhibo Ee Hadba Halkii Daloosha Ayaan Jecelahay Inaynu Iska Gufayno Waana Iga Lexo Jeclo Qaran Oo Aan Dalkan Iyo Isku Hyanta Dadkiisa Ku Doonayo Inay Siijiraan Xumaantuna Inaga Idlaato Oo Uu Wareerka Yar Iyo Cadhaduna Inaga Baaba Aan.
W/Q: Haldoor Ismail Mohed Aden-Dhicir
Mob: +25263 409 48 55
Email:Ismail1234921@gmail.com
Qaladaadkii Hadaladii Cirro.....W/Q: Haldoor Ismail Mohed Aden-Dhicir
Qaladaadkii Hadaladii Cirro Sidii Caadada Ahayd Waxaa Gudoomiye Cirro Lagu Soo Dhaweeyay Madasha Miiga Cod Baahiya Iyada Oo U Jeedku Ahaa Inuu Ku Soo Dhaweeyo Xisbiga Mudanayaashii Kusoo Biirayay Ee Isugu Jiray Niman Xamar Kasoo Diga Rogtay , Kuwo A