England Oo Taako Kala Kulantay Slovenia, Germany Oo Guul Ka Gaadhay Northern Ireland, Slovakia Oo Cashar U Dhigtay Scotland Iyo Natiijooyinkii Kulamadii Isreeb Reebka Aduunka Ee La Ciyaaray
oo soo badhigay qaab ciyaareed ay Three Lions awoodi wayday in ay soo helaan saddexda dhibcood.
Markii ugu horaysay tan iyo sanadkii2013 kii oo ayna England guulaysan kulan isreeb reeb tartan loogu soo baxayo markaas oo ay barbaro la gashay xulka qaranka Ukraine laakiin England ayaa nasiib ku lahayd in ay kulankan guuldaro ka baaqsatay waxaana guuldaro ka badbaadiyay goolhaye Joe Hart oo fursadihii ugu fiicnaa Slovenia ka beeniyay.
Dhinaca kale xulka qaranka koobka aduunka difaacanaya ee Germany ayaa2-0 ku garaacay xulka qaranka Northern Ireland oo ay ku wada jiraan Group C halkaSlovakia ay 3-0 ku dubtay xulka qaranka Scotland oo ay ka wada tirsan yihiin Group F. Dhamaan natiijooyinka kulamadan dhamaadka warbixintan ayaad kaga bogan kartaa.
SHIXIHII LABADA XUL QARAN EE KULANKAN:
Slovenia (4-4-2): Oblak; Struna, Samardzic, Cesar, Jokic; Krhin, Kurtic, Verbic, Birsa; Bezjak, Illicic.
Kaydka:Skubic, Jovic, Crnic, Novakovic, Belec, Trajkovski, Mevlja, Kronaveter, Zajc, Pihler, Omladic.
England (4-2-3-1): Hart; Walker, Stones, Cahill, Rose; Dier, Henderson; Walcott, Alli, Lingard; Sturridge
Kaydka:Foster, Pickford, Smalling, Gibbs, Keane, Antonio, Oxlade-Chamberlain, Townsend, Rashford, Rooney, Vardy.
Qaybtii hore ee kulankan ayaa ahayd mid aad u adag isla markaana ay labada xul qaran ku raadinayeen goolka furitaanka balse waxay awoodi waayeen in ay wax gool ah kala dhaliyaan inkasta oo ay jiraan fursado goolal loo fishay oo ay labada xul qaran heleen.
DAQIIQADII 10 AAD Xulka qaranka Slovenia ayaa ugu dhawaaday in ay helaan goolka furitaanka kadib markii uu qalad xun sameeyay Eric Dier iyada oo fursad cajiib ah uu helay Bezjak laakiin goolhaye Joe Hart ayaa sameeyay badbaadin uu Slovenia kaga beeniyay gool cadaan ah si uu xulka qarankiisa uga ilaaliyo gool dhibaato ku noqon lahaa.
DAQIIQADII 40 AAD kabtanka kulankan ee Henderson ayaa kubbad halis ah ku soo tuuray xerada ganaaxa Slovenia waxaana si fiican madaxa ugu darebeeyay Cahill laakiin kubbada shabaqa gali lahayd ayaa dhabarka kaga dhacdayVerbic taas oo keentay in Slovenia ay badbaado. sidoo kale goolhayaha xulka qaranka Sloventia iyo kooxda Ateltico Madrid eeJan Oblak ayaa Sturridge fursado ka beeniyay.
England Oo Taako Kala Kulantay Slovenia, Germany Oo Guul Ka Gaadhay Northern Ireland, Slovakia Oo Cashar U Dhigtay Scotland Iyo Natiijooyinkii Kulamadii Isreeb Reebka Aduunka Ee La Ciyaaray
England ayaa barbaro gool la'aan ah la soo gashay xulka qaranka Slovenia kulankoodii saddexaad ee isreeb reebka koobka aduunka. Inkasta oo ay England soo guulaystay labadii kulan ee ugu horeeyay waxayna kulankan taako kala kulmeen Slovenia