Petr Cech Iyo Gareth Barry Oo La Gudoonsiiyay Abaal Marin Ay Ku Galeen Buuga Dhacdooyinka Layaabka Leh Ee Guinness World Records Iyo Sababta Ay Ku Heleen Oo Faah Faahsan

0
Thursday October 13, 2016 - 04:52:13 in by Burco Office
  • Visits: 1777
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Petr Cech Iyo Gareth Barry Oo La Gudoonsiiyay Abaal Marin Ay Ku Galeen Buuga Dhacdooyinka Layaabka Leh Ee Guinness World Records Iyo Sababta Ay Ku Heleen Oo Faah Faahsan

    Labada xidig ee horyaalka Premier League-a ka ciyaara ee Petr Cech iyo Gareth Barry ayaa la gudoonsiiyay abaal marin ay ku galeen buuga dhacdooyinka layaableh eeGuinness World Records book. Goolhayaha Arsenal ee Petr Cech

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Labada xidig ee horyaalka Premier League-a ka ciyaara ee Petr Cech iyo Gareth Barry ayaa la gudoonsiiyay abaal marin ay ku galeen buuga dhacdooyinka layaableh eeGuinness World Records book. Goolhayaha Arsenal ee Petr Cech

iyo xidiga kooxda Everton eeGareth Barry ayaa waxqabad cajiib ah oo ay ka sameeyeen horyaalka Ingiriiska awgeed lagu abaal mariyay in abaal marintan lagu siiyo.

Goolhaye Petr Cech oo waqtigiisii ugu badnaa ee Premier Leaque-ga ku soo qaatay Stamford Bridge ayaa buuga dhacdooyinka aduunka ku galay in uu noqday goolhayihii ugu horeeyay ee 181 kulan oo Premier Leaque-ga ah shabiqiisa waxa gool ah ka ilaaliyay. Goolhayaha kooxda Arsenal ee Petr Cech ayaa la wareegay rekoodhka goolhayaha kulamada ugu badan garoonka ka baxay isaga oo aan wax gool ah laga dhalin, waxayna sabab ugu noqotay in abaal marinta buuga dhacdooyinka layaabka leh ee aduunka lagu daro.Petr Cech poses with a copy of the 2017 book and his certificate for the most clean sheets


 

Dhinaca kale xidiga kooxda Everton eeGareth Barry oo sidoo kale ka soo ciyaaray kooxaha Aston Villa iyo Manchester City ayaa buuga dhacdooyinka layaabka leh ee aduunka ku galay in uu noqoday ciyaartoygii ugu horeeyay ee Premier Leaque-ga kulamada ugu badan ku soo bilawday isaga oo 580 kulan ku soo bilawday shixihii kooxihiisii Aston Villa, Manchester City ama kooxdiisa hadda ee Everton, waxayna tani keentay in abaal marintan la gudoonsiiyo.

Gareth Barry has earned a world record for the most starts in Premier League history

Waxa kale oo jiray ciyaartoy badan oo kale oo ka tirsan noocyada kale duwan ee ciyaaraha kale oo la gudoon siiyay abaal marinta ay ku galeen buuga dhacdooyinka layaabka leh ee 2017. Buuga dhacdooyinka layaabka leh ee 2017 ayaa sidoo kale lagu sharfay Novak Djokovic, Cristiano Ronaldo, iyo kooxdaLeicester City oo xili ciyaareedkii hore si lama filaan ah ugu guulaystay koobka premier Leaque-ga.