Chelsea Oo Gurigeeda Ku Xaaqday Kooxda Horyaalka Difaacaneysa Ee Leicester City Xilli Hazard, Costa & Moses Ay Shabaqa Soo Taabteen.

0
Sunday October 16, 2016 - 01:10:23 in by Burco Office
  • Visits: 959
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Chelsea Oo Gurigeeda Ku Xaaqday Kooxda Horyaalka Difaacaneysa Ee Leicester City Xilli Hazard, Costa & Moses Ay Shabaqa Soo Taabteen.

    Tababare Antonio Conte ayaa cadaadiskii la saaray isbuucana iska dejiyay ka dib markii kooxdiisa Chelsea guul ay u qalantay ay ka gaartay kooxda horyaalka difaacaneysa ee Leicester City iyagoo ku qaarjiyay seddex gool oo bilaa jawaab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababare Antonio Conte ayaa cadaadiskii la saaray isbuucana iska dejiyay ka dib markii kooxdiisa Chelsea guul ay u qalantay ay ka gaartay kooxda horyaalka difaacaneysa ee Leicester City iyagoo ku qaarjiyay seddex gool oo bilaa jawaab

 ah kulan xiiso lahaa oo ka dhacay Stamford Bridge. Diego Costa, Hazard iyo Moses ayayna uga mahadcelinayaan guushii maanta.

Tababare Antonio Conte ayaa hal bedel ku sameeyay shaxdiisa kulankii ay ka badiyeen Hull City iyadoo Pedro uu bedelay Willian kaasoo fasax la siiyay ka dib markii ay hooyadiis geeriyootay isbuucaan, xiddigaha Chelsea ayaana maro madow ku xirtay garbaha si ay u muujiyaan murugada ay la wadaagayaan saaxiibkooda reer Brazil.

Macalinka Talyaaniga ayaa mar kale ku soo shirtagay shax ciyaareedka 3-4-3, waxaana ay u muuqatay mid ay jaanta iskula helayeen kooxda Blues iyadoo ay ku qaadatay kaliya todobo daqiiqo inay hogaanka u qabtaan ciyaarta.

cuzvrepxyaqyjth

Kooner ay soo tuurteen ayay Leicester City si xun u difaacatay gaar ahaan Wes Morgan oo iska ilaaway inay raacdo Diego Costa, laakiin weeraryahanka reer Spain ayaa meel banaan ku helay kubada isagoo si fudud shabaqa ku soo taabtay.

Waxa ay aheyd goolkiisii 7aad ee Premier League ee uu dhaliyo sideed kulan uu ciyaaray horyaalka xilli ciyaareedkan isaga ayaana hogaaminaya tartanka gooldhalinta.

cuztaobwyaagai0

Chelsea ayaa ciyaarta iska heysatay inteeda badan iyadoo David Luiz uu ku dhawaaday inuu hogaanka u sii dheereeyo markii uu laad xor ah birta ku garaacay, laakiin Eden Hazard ayaa wax yar ka hor waqtigii nasashada u dhaliyay Chelsea goolkii labaad ee ciyaarta, waxa uu kubada la dabamaray goolhaye Schmeichel isagoo shabaqa ku taabtay.

Waxaa lagu kala nastay 2-0 oo ay hogaanka ku heysay kooxda Chelsea, waxaana ay aheyd hogaan ay u qalmeen marka loo eego qaab ciyaareedkii ay soo bandhigeen.

cuzvuaawyaaj38n

Qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa ka bilaabatay si dardar leh iyadoo Leicester la moodo inay hurdo ka soo kaceen, waxaa durbadiiba ay labada kooxood ku andacoodeen rigoorayaal laakiin garsoore Andre Marriner ayaan dheg jalaq u siinin.

Victor Moses ayaa fursad uu ciyaarta hurdo u diri karay helay bilowgii qeybta labaad laakiin goolhaye Schmeichel ayaa ka badbaadiyay, halka daqiiqadii 64aad ay ku dhawaatay Leicester City inay gool soo ceshato markii Albrighton uu karoos hoose u soo dhigay Jamie Vardy kaasoo isu diyaariyay inuu shabaqa ku taabto, laakiin waxa kubada taabtay David Luiz kaasoo ku sigtay inuu iska dhaliyo laakiin birta goolka ayaa badbaadisay.

promo300804807

Chelsea ayaana heshay goolkii seddexaad ee ay raadinayeen daqiiqadii 80aad, xiddiga da’da yar ee khadka dhexe ee Chelsea Chalobah ayaa kubad loo soo dhigay waxa uu u ciribeeyay Moses kaasoo isna si wacan u dabamariyay goolhaye Schmeichel.

Goolkaas ayaana ciyaarta hurdo u diray iyadoo Chelsea ay guul 3-0 ka gaartay kooxda Leicester City oo noqotay kooxdii ugu horeysay ee iyadoo difaacaneysa horyaalka aan badinin afartii kulan ee ugu horeysay ee ay marti ahaayeen Premier League.

Chelsea ayaa haatan soo gashay kaalinta 5aad iyagoo ku dhibco ah kooxaha Liverpool iyo Arsenal oo ay la wadagaaan 16 dhibcood. Halka Leicester City ay u dhacday kaalinta 13aad iyagoo leh sideed dhibcood sideed kulan oo ay ciyaareen,