Man City Oo Etihad Stadium Barbaro Niyadjableh Ku Galashay Kooxda Everton, Kevin De Bruyne & Sergio Aguero Oo Laba Rekoodhe Lumiyay Iyo Nolito Oo Sky Blues Badbaadiyay

0
Sunday October 16, 2016 - 01:12:29 in by Burco Office
  • Visits: 1356
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Man City Oo Etihad Stadium Barbaro Niyadjableh Ku Galashay Kooxda Everton, Kevin De Bruyne & Sergio Aguero Oo Laba Rekoodhe Lumiyay Iyo Nolito Oo Sky Blues Badbaadiyay

    Manchester City ayaa Etihad Stadium barbaro niyadjab leh kula gaashay kooxda Everton iyada oo kooxda Guardiola ay kulankii saddexaad oo xidhiidh ah ee tartamada oo idil ay awoodi wayday in ay guul gaadho. Everton ayaa gool kaga hor martay City

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Manchester City ayaa Etihad Stadium barbaro niyadjab leh kula gaashay kooxda Everton iyada oo kooxda Guardiola ay kulankii saddexaad oo xidhiidh ah ee tartamada oo idil ay awoodi wayday in ay guul gaadho. Everton ayaa gool kaga hor martay City

taas oo keentay in Sky Blues ay si adag ugu dagaalantay goolka barabraha. Gool uu Lukaku dhaliyay ayaa culays badan ku abuuray City.

Laakiin Nolito aya Manchester City guuldaro ka badbaadiyay halka Sergio Aguero iyo Kevin De Bruyne ay lumiyeen min hal rekoodhe oo Manchester City ka caawin karay in ay guul muhiim ah gaadho. Manchester City ayaa wali hogaanka premier Leaque-ga ku haysa farqiga goolasha waxayna isku dhibco noqdeen Arsenal hakla Tottenham ay barbaro diriqi ah la gashay West Brom waxayna Spurs u dhacday kaalinta saddexaad.

Kulankan ayay iskaga hor yimaadeen saaxiibadii Camp Nou ee Guardiola iyo Koeman kuwaas oo waqti fiican ku soo wada qaatay waayahoodii kooxda Barcelona. Koeman iyo Guardiola ayaa labaduba ku cusub kooxaha ay iskala horyimaadeen ee Manchester City iyo Everton oo ay xagaagii dhawaa la wareegeen.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

Man City (3-4-3):Bravo, Stones, Otamendi, Clichy, De Bruyne, Gundogan,Fernandinho, Silva, Sane, Iheanacho, Sterling.

Kaydka:Kompany,Zabaleta, Fernando, Nolito, Aguero, Kolarov, Caballero.

Everton(4-3-3)::Stekelenburg, Coleman, Jagielka, Ashley Williams,Oviedo, Barry, Gana, Cleverley, Deulofeu, Lukaku, Bolasie.

Kaydka:Robles, Barkley, Mirallas, McCarthy, Valencia, Funes Mori,Holgate.

Manchester City ayaa markiiba ahayd kooxda laga filan karayay goolka furitaanka laakiin kooxda martida ahayd ee Everton ayaa si adag u difaacanaysay iyada oo si fursado badan oo ay weerraka City abuurayeen iska ilaalinaysay. Manchester City ayaa si buuxda gacanta ugu qabtay kubbad haynta laakiin waxay dhibaato ka haysatay qaabkii ay ku dhaafi lahayd difaaca Everton.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ahayd mid labada kooxood ay dadaal badan sameeyeen si ay natoojo fiican kulankan uga heli karaan iyada oo Manchester City waxaan guul ahayn u aragtay in ay fashilantay halka Everton ay babraraha ku qanacsanayd.

DAQIIQADII 43 AAD REKOODHE!. Manchester City ayaa heshay fursadii ugu fiicnayd ee ay kula iman kartay goolkeeda furitaanka waxaana lagu abaal mariyay gool ku laad kadib markii uuJagielka uu qalad ku galay David Silva oo kubbadiisa indho sarcaadka ku wareeriyay, wuxuuna garsooruhu tilmaamay in ay rekoodhe tahay.

DAQIIQADII 43 AAD BADBAADIN REKOODHE!. Waxaa kubbada qaatay xidiga dhaaca ka soo laabtay ee Kevin De Bruyne isaga oo garbaha iska saaray masuuliyada fursada ugu fiicnayd kooxdiisa, laakiin xidiga ree Belgium ayaa qaab liita u tuuray gool ku laadkan waxaana kubbada shabiqiisa ka badbaadiyay goolhayeMaarten Stekelenburg waxayna ahayd fursad ay Everton kaga dheeraatay dhibaato ayna xal si sahlan ugu hesheen.


 

Qaybtii hore ee kulankan ayaa lagu kala nastay barbaro gool la’aan ah inkasta oo ay Manchester City ahayd kooxda fursadaha ugu fiican heshay balse murugada oo dhan ayaa waqtigii nasashada haysatay xidiga ree Belgium ee De Bruyne oo kooxdiisa ka qasaariyay rekoodhe ay hogaanka kula wareegi kartay, waxayna qaybtii hore ku dhamaatay babraro gool la’aan ah.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Manchester City doonaysay in ay ciyaarta si xoogan ku bilaabto isla markaana ay jabiso difaaca birta ahaa ee Everton laakiin markii uu Guardiola arkay in ciyaartu ay u baahan tahay dhiig cusub ayuu kaydka uga yeedhay Sergio Aguero isaga oo ciyaarta ka saaray da’yarkaKelechi Promise Iheanacho. Laakiin sidoo kale Everton ayaa markan wacdaro la soo baxday.

DAQIIQADII 64 AAD GOOOOOOOOOOOOOOL! Kooxda martida ahayd ee Everton ayaa Manchester City tusatay sida looga faa’iidaysto marka fursad fiican la helo waxaana kooxda Koeman goolka muhiimada wayn u lahaa u saxiixayRomelu Lukaku kaas oo Manchester City ku ciqaabay in ay ka faa’iidaysan waayeen fursadahoodii wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1:0 ay Everton hogaanka ciyaarta kula wareegtay.

DAQIIQADII 70 AAD REKOODHE! Manchester City ayaa markale heshay rekoodhaheedii labaad waxaana markale sheedkii hore soo celiyay Jagielka kaas oo qalad cadaan ah ku galay Sergio Aguero oo xerada ganaaxa Everton ku jiray markale garsooraha ayaa rekoodhe tilmaamay.

DAQIIQADII 70 AAD REKOODHE BADBAADIN! Haddii Jagielka uu markii labaad sameeyay qaladka Everton rekoodhaha loogu dhigay markale goolhayeMaarten Stekelenburg ayaa difaaca kooxdiisa asturay wuxuuna Aguero ka badbaadiyay rekoodhihii labaad ee Man City loo dhigay waxayna sheekadu noqotay mid mar labaad sidii hore udhacay.

DAQIIQADII 72 AAD GOOOOOOOOOOOOOOOL! Manchester City ayaa ugu danbayn awooday in ay gaadho shabaqa Everton waxaana gool madax ah City culayska kaga dulqaadayManuel Durán Nolito kaas oo si fiican uga faa’iideeyay kubbad uu soo karoosay David Silva waxayna ciyaartu noqotay barbaro 1:1 ah iyada oo xamaasada ciyaartu ay noqotay mid cajiib ah.

DAQIIQADII 82 AAD BADBAADIN CAJIIB AH! Keven De Bruyne ayaa meel xerada ganaaxa Everton ka baxsan ka tuuray kubbad gantaal ah oo aan la rumaysan karin xawaaraha ay ku socotay laakiin goolhayeMaarten Stekelenburg ayaa muujiyay in uu meel dhaw iyo meel fogba ka badbaadin karo darbooyinka City laakiin kubbada ayaa birta goolka ku sii dhacday.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay babraro 1:1 ay kooxaha Guardiola iyo Koeman dhibcaha ku qaybsadeen iyada oo Manchester City kulankii saddexaad oo xidhidh ah ee tartamada oo dhan awoodi wayday in ay guul gaadho,