Barcelona Oo Camp Nou Ku Xasuuqday Kooxda Deportivo, Rafinha Alcântara Oo Laba Gool Dhaliyay Iyo Lionel Messi Oo Saddex Daqiiqo U Baahday Si Uu Gool Ugu Xuso Ka Soo Laabashadiisa Dhaawac

0
Sunday October 16, 2016 - 01:15:26 in by Burco Office
  • Visits: 1031
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Barcelona Oo Camp Nou Ku Xasuuqday Kooxda Deportivo, Rafinha Alcântara Oo Laba Gool Dhaliyay Iyo Lionel Messi Oo Saddex Daqiiqo U Baahday Si Uu Gool Ugu Xuso Ka Soo Laabashadiisa Dhaawac

    Barcelona ayaa Camp Nou ku xasuuqday kooxda Deportivo oo marti ugu ahayd waxaana kulankan qaybtiisii hore laba gool ka dhaliyayRafinhaAlcântara halka Luis Suarez uu goolka saddexaad raacsaday ka hor intii aan waqtigii nashada ciyaarta badal loo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Barcelona ayaa Camp Nou ku xasuuqday kooxda Deportivo oo marti ugu ahayd waxaana kulankan qaybtiisii hore laba gool ka dhaliyayRafinhaAlcântara halka Luis Suarez uu goolka saddexaad raacsaday ka hor intii aan waqtigii nashada ciyaarta badal looga saarin.


Laakiin Lionel Messi ayaa indhaha xaday kadib markii uu wax saddex daqiiqo ka yar uu ku dhaliyay goolkiisa isaga oo soo laabashadii goolkan ugu dabaal degay. Messi ayaa ciyaarta badal ku soo galay daqiiqadii 55 aad laakiin saddex daqiiqo gudahood waxa uu ku dhaliay goolka afraad ee Barcelona. Balaugrana ayaa si fiican uga soo kabsatay guuldaradii Celta Vigo.

Tababare Luis Enrique ayaa go’aansaday in aanu shaxdiisa si toos ah dib ugu soo celin LIonel Messi iyo Samuel Umtiti wuxuuna doortay in ay kaydka u fadhiyaan isla markaana ay qaybta danbe door ku yeelan karaan. Messi iyo Umtiti ayaa ka soo laabtay dhaawacyo ay kulamadii ugu danbeeyay ku seegeen.

Leo Messi provides Depor KO in quick-fire Barça return

Laakiin Ivan Rakitic ayaa dib ugu soo laabtay shaxda Barcelona kadib markii uu seegay kulankii Celta Vigo iyo kulamadii xulka qarankiisa Croatia ee isreeb reebka koobka aduunka. Arda Turan ayaa Suarez iyo Neymar kala ciyaarayay safka weerarka iyada Ineista uu isna ku jiray xidigaha aan shaxda Enrique ku soo bilaaban ee kaydka fadhiyay.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

Barcelona:Ter Stegen; Digne, Pique, Mascherano, Mathieu; Sergio Busquets, Arda Turan, Rakitic; Neymar, Suarez, Rafinha.

KAYDKA:25. Masip 6. Denis 8. Iniesta 10. Messi 17. Paco Alcácer 21. André Gomes 23. Umtiti

Deportivo:Lux, Laure, Albentosa, Sidnei, Navarro; Mosquera, Borges; Guilherme, Gama, Colak; Andone

Barcelona ayaa ciyaarta dardar fiican ku bilaabtay iyada oo markiiba halis joogo ah u ahayd gooka Deportivo laakiin qorshaha kooxda martida ahayd ee Deportivo ayaa ahaa in ay difaac buuxa gasho isla markaana ay weeraro rogaal celis deg deg ah ku raadiso goolal kaas oo ahaa qorshihii ay xili ciyaareedkii hore barbaraha kula gashay Barcelona.

 

DAQIIQADII 7 AAD. Barcelona ayaa heshay laba fursadood oo dahabi ah iyada oo marka hore Neymar uu kubbad ku hor helay goolka Deportivo laakiin goolhaye Lux ayaa si cajiib ah kubbada iskaga joogayay markale kubbada soo booday ayuu Suarez madaxa ku darbeeyay laakiin kubbada ayaa birta goola dulmartay.

DAQIIQADII 21 AAD GOOOOOOOOOOOL! Barcelona ayaa ugu danbayn fursad abuuristeeda u badashay goolkeeda furitaanka waxaana goolka ay Barcelona sida wayn u baadi goobaysay u keenay da’yarka Rafinha Alcântara kaas oo darbo xoogan ku dhaliyay goolkan isaga oo kubbad ka helay Luis Suarez waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay Barca hogaanka ciyaarta ku qabtay.

DAQIIQADII 36 AD GOOOOOOOOOOOL! Markale RafinhaAlcântara ayaa noqday xidiga wadnaha gooyay kooxda martida ahayd ee Deportivo wuxuuna markan kooxdiisa u dhaliyay goolka labaad ee ay dhibaatada wayn ugu sii abuurtay Deportivo oo markii horeba la ildarnayd goolka hore, wuxuuna Rafinha ciyaarta ka dhigay 2:0 ay Barcelona hogaanka ku dheeraysatay.

Kubbad laaga xorta ah ayuu si fiican Gerard Pique madaxa ugu bartilmaameedsaday goolka Deportivo laakiin goolhayaha Deportivo ee Lux ayaa si fiican kubbada iskaga badbaadiyay basle nasiib xumadiisa kubbada ayaa si naxariisleh ugu tagtay Rafinha kaas oo wax qalad ah samayn wuxuuna sidaa ku dhamaystiray goolkiisa labaad.

DAQIIQADII 43 AAD GOOOOOOOOOOOOOOL!.Luis Alberto Suárez ayaa dhulka sii jiiday kooxda martida ahayd ee Deportivo isaga oo ugu danbayn helay goolka uu fursadaha badan u soo sameeyay , wuxuuna Suarez goolkan ku dhaliyay kubbad uu caawinteeda sameeyayNeymar da Silva Santos isaga oo xidiga ree Uruguay si fiican u baxsaday xidiga ilaashanayay eeAlbentosa, waxayna ciyaartu noqotay 3:1 ay Barcelona hogaanka ugu raaxaysanayso.

Barcelona ayaa shaqada inteedii ugu badnayd qabatay qaybtii hore ee kulankan, waxayna waqtigii nasashada baxday iyada oo awooda sare lahayd isla markaana ay ciyaarta ku hogaaminaysay 3:0 ay Deportivo xili horeba ku dubatay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Barcelona halkeeda ka sii waday in ay ahaato kooxda awooda sare lahayd. Luis Enrique ayaa waqtigii nasashada badalay Luis Suarez wuxuuna kaydka uga yeedhayFrancisco Alcácer isaga oo markan xusuustay kulankan Manchester City. sidoo kale daqiiqadii 55 aad Lionel Messi ayaa ciyaarta soo galay isaga oo badalaySergio Busquets.

DAQIIQADII 58 AAD GOOOOOOOOOOOOOOOOOOL! Saddex daqiiqo wax ka yar markii uu garoonka ku jiray Lionel Messi ayaa kooxdiisa udhalyay goolka afraad wuxuuna goolkan ku dhaliyay kubbad uu ka helayNeymar da Silva Santos kaas oo isna sameeyay gool caawintiisii labaad ee kulankan waxayna natiijada ciyaartu noqotay 4:0 ay Barca ku xaaqayso Deportivo.

DAQIIQADII 65 AAD xaalada Deportivo ayaa sii xumaaday kadib markii kaadhka cas oo toos ah loo taagay Laureano Sanabria iyada oo difaacani uu garsooraha u diiday wax kala doorasho ah wuxuuna wajiga jiqilkiisa kaga dhuftay Neymar JR waxaana Deportivo lagu soo yareeyay 10 ciyaartoy inaksta oo natiijada ciyaarta xili horeba la go’aamiyay.

Barcelona ayaa heshay fursado tiro badan oo ay ugu yaraan ilaa saddex gool oo kale ku dhalin kartay iyada oo saxiixa cusub ee Alcacer uu iska lumiyay fursad cajiib ah oo uu culayska goolkiisii ugu horeeyay ee Barca kaga bixi karayay. Si kastaba ha ahaatee ciyaarta ayaa ku dhamaatay 4:0 ay Barcelona ku xaaqday kooxda Deportivo.