Ha Doorin Jinsiyadda!! W/Q:- Kamal Sh Ismail Aden

0
Tuesday October 18, 2016 - 11:11:18 in by salman abdi
  • Visits: 1187
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ha Doorin Jinsiyadda!! W/Q:- Kamal Sh Ismail Aden

    Hadaba hadday awoow-yadeen ama aabayaasheen sida ahaayeen oo ay ku dhaganaayeen jinsiigooda waxaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hadaba hadday awoow-yadeen ama aabayaasheen sida ahaayeen oo ay ku dhaganaayeen jinsiigooda waxaan


 

halkan isku waydiin doonaa dhawr su’aalood oo ku tacaluqa dhalinyada somaliland iyo halka ay ka taagan yihiin aqoonsiga dalkooda iyo naftooda.

Haddad tahay muwadin somalilander ah raadi jinsiyadaada laakin ha doorin Laga soo bilaabo awoow ka awoow waxaynu tafiir iyo isir u lahayn ilaalinta diinta,dhaqanka iyo jinsiyadda oo ay si adag ugu dhaganaayeen awoow yadeenii inaga horeeyay oo si kasta oo ay ahaato aan u doorin intaa midna.

1. jiilka hadda madax lasoo kacay halkay ka taagan tahay somaliland-nimadu?

2. Ma aminsan yihiin in ay yihiin muwadiniin reer somaliland mise waxay isku haystaan reer galbeed?

3. Intee haysata kaadhka jinsiyadda ama aqoonsiga Somaliland ?

Ha badnaadaan inta u hanqal taagaysa reer galbeed iyo qadashada jinsiyadooda waxaa lama huraan ah oo aan marnaba indhaha laga qarsanayn in ay qaali tahay dhulkaaga hooyo oo aanad meel kale ugu noolaan Karin sidaad ugu nooshahay dalkaaga waxaanad dalalkaa shisheeye aad ku noqon laaji xikmad ayaa tidhaahda " Bari iyo Galbeedba tagoo gurigaaga ayaa ka wacan”

Waa maxay jinsiyadi ? waa aqoonsiga lagu garto qof iyo meesha uu kasoo jeedo.

Warbixin ay soo saartay qaramada Midoobey oo laga akhriyey xaruntooda ayaa shaaca ka qaadday in tobankii daqiiqo ee kasta uu dunida ku dhasho ilmo aan jinsiyad lahayn, waxa aanay ka digtay in dhibaatadan khatarta badani ay la sii kordhayso korodhka qaxoontiga ka barakacaya dagaallada dalal badan oo caalamka ka mid ah.

Waxaa intaa u sii dheer iyaga oo ana heli doonin daryeelka caafimaad iyo waxbarasho ee dawladdooda ay xaq ugu yeelan lahaayeen iyo sidoo kale shaqo rasmi ah oo u qalanta heerkooda aqooneed.

Qaramada Midoobey waxa ay sheegtay in Labaatan dal oo dunida ku yaalla ay ku nool yihiin tirada dadka ugu badan dunida ee aan jinsiyad lahayni, tiro koob la sameeyeyna lagu ogaaday in ugu yaraan 70 kun oo carruur ahi ay sannad kasta dhalaan aabayaal ku nool dalal aanay jinsiyad ka haysan oo aan muwaadin u aqoonsanayni, celcelis ahaanna waxa ay noqonaysaa in 10 kii daqiiqaba uu ilmo billaa waddan ahi dunida ku dhasho.

Ugu dambayntii Qaramada Midoobey waxa ay go’aansatay in ay bilaabayso hawl iyo olole ay inta ka horreysa sannada 2024ka dunida oo dhan kaga tirtirayso jinsiyad la’aanta.

Haddaba haddaynu nahay Somaliland oo aynu haysano xasilooni waa wax illahay loogu mahad naqee muxuu yahay jinsiyada aynu haysano oo aynu ku dhex gali karno bulshooyinka caalamka ?

Waa adoo qaata kaadh ama passorka uu dalku leeyahay waa adoon qaadan dhalasho meel kale ama dal kale laga leeyahay, muwaadin waxaa kugu waajib ah dheeri galin shacabka Somaliland sideee ay u qaadan lahaayen aqoosnsigooda waa in aanad yasin dalkaaga haddii kale waxaad mid la dooriyay oo aan kalsooni ku lahayd dalkiisa. Bal hoos ka dheehe xeer jinsiyada Somaliland oo la ansixiyay 2002.

XEERKA JINSIYADDA (Xeer Lr. 22/2002)

Qodobka 4aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.

Barlamaanka Somaliland wuxuu ansixya xeerkan:

Qodobka 1aad

Qeexidda Erey-bixinta

Muwaadin:Waxa loola jeedaa qofka ka ISIRRAN dadkii deganaa gayiga Somaliland 26 Juun 1960kii iyo ka hor iyo qofka sifa sharci ah lagu siiyey jinsiyadda Somaliland.

Laaji:Waxa loola jeedaa qofka loo aqoonsado qaxootinimo ee ku sugan dal uu marti ku yahay.

Ajanabi: Waxa loola jeedaa qof kasta oo aan ahayn muwaadin Somaliland ah.

Qaan-gaadh:Waxa loola jeedaa muwaadin kasta oo da’diisu gaadhay 15 sano iyo ka badan.

Caruur: Waxa loola jeedaa muwaadin kasta oo da’diisu ka yar tahay 15 sano.

Guddiga: Waxa loola jeedaa Guddiga Qaranka ee Jinsiyadda ee Madaxweynuhu magacaabo.

Aabe-laawe:Waxa loola jeedaa ilmaha aan la aqoonsan aabihii balse leh hal waalid oo la yaqaan (single parent) oo ah hooyada dhashay oo keliya .

Qodobka 2aad

Muwaadinimada u Dhalashada ah

1)Waxa Muwaadin dhalad Somaliland ah qof kasta oo uu dhalay Aabbe ka Isirran dadkii deganaa dhulka Somaliland 26 Juun 1960kii iyo ka hor.

2)Muwaadinka dhalad Somaliland ahi wuxuu qaadan karaa jinsiyad dal kale (dual nationality) iyadoo aanu luminayn muwaadinimadiisii Somaliland.

3)Qof kasta oo qaan-gaadh ah oo uu dhalay muwaadin Somaliland ah ee ku nool dal shisheeye ama haysta jinsiyad dal kale ama laaji ku ah wuxuu muwaadinimada Somaliland qaadan karaa marka ugu horaysa ee uu soo galo dalka Somaliland, haddii aanu iskii uga tanaasulin.

Qodobka 3aad

Hellidda Aqoonsiga Muwaadinimada.

1)Aqoonsiga caddeynta Muwaadinimada Somaliland waxa lagu kasban karaa marka codsaduhu la yimaado arrimahan:

a)Caddayn uu Maxkamadda horteeda ka bixiyey Caaqil ka diiwan-gashan Wasaaradda Arrimaha Guduhu ee ardaaga uu ka soo jeedo codsaduhu.

b)Soo buuxiyo foomka loogu talagalay oo uu soo saarayo xafiiska Jinsiyaddu, isla markaana saxeexo.

2)Aqoonsiga muwaadinimada Somaliland wuxuu ahaanayaa mid isku mid ah oo leh tiro taxane ah oo ka diiwaan-gashan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxana saxeexaya Gudoomiyaha Gobolka awoodda u leh.

3)Qaabka, midabka, qoraalka lagu muujinayo aqoonsiga iyo ogolaanshaha daabacaadiisa iyo maamulkiisa waxa xeer nidaamiye ku soo saaraya Wasiirka Arrimaha Gudaha.

Haddii aan soo gunaanado maqaalkaygan waxaan bulshada somaliland ee ku sugan gabalada iyo degmooyin somaliland min bari iyo galbeed ku baraarujin lahaa ciroole iyo ciyaal iyo laga dadaalo qadashada kaadhka jinsiyada oo ah ka lagu saxayo ama lagu garanayo qofk amuwadin ka ah iyo qofka laajiga ah

Wa bilahi tawfiiq

W/Q: Kamaal Sh ismail Aden

Email:-kamaalsheekh@gmail.com

Tell:- 4406191