Maxaad igu dooraneysaa? W/Q Mohamed Ali Bile

0
Tuesday October 18, 2016 - 11:19:11 in by salman abdi
  • Visits: 1518
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaad igu dooraneysaa? W/Q Mohamed Ali Bile

    Marka muwaadinku doorto xisbi amma hoggaamiye, waxa uu muwaadinkaasi ku wareejiyey xisbigaasi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Marka muwaadinku doorto xisbi amma hoggaamiye, waxa uu muwaadinkaasi ku wareejiyey xisbigaasi


 

 amma hoggaamiyahaasi qeyb ka mida akhtiyaarkiisii.

Hoggaamiyahaasi amma xisbigaa ad dooratey ayaa noloshaadada iyo mustaqbalkaaga ka talinaya. Iyaga ayey ku xidhantahay in adiga uyi ummaduba ad horumar gaadhaan iyo inad dub u dhacdaan; inad nabadgelyo ku noolaato iyo inad cabsi ku noolaato waayo amma dagaal ayey ku gelin karaan amma nolol iyo rajo ayey kuu abuuri karaan. Iyaga ayaad ku aamineysaa hantidaadii iyo dadkaagii. Iyaga ayaa ka talinaya sida loo dhaqmayo, halka la marayo, waxa la ogolyahay iyo wixii aan la ogoleynba. Iyaga ayaa kantalinaya mustaqbalka caruurta ad dhasho maadama ay go’aaminayaan manhajka tacliimeed ee caruurtaada loo dhigayo. In dalka iyo dadkuba helo mustaqbal wanaagsan oo la manaafacaadsado waxa ay inta badan ku xidhantahay hogaamiyaha dalkaaga ka taliya ee ad dooratey.
.
Kolka haddii hoggaanka ad doorataa yahay ka aayahaaga ka talinaya ee akhtiyaarkaagii ad ku wareejisey, waa muhiim inaanad durbaanka uun u tumine ee ad ka fiirsataa oo ad isweydiisaa sababta ad xisbi hebel amma hoggaamiye hebel u dooratey ee ad u dooranweydey kuwaa kale. Maaha uun inan galno dhowr bilood oo olole ah oo ad mooddo in saar la iska tuhmayo, hadana an ku xigsiinno 5 sanadood oo cabasho ah. Waxa ad arkeysaa dad had iyo goor niyad jabsan oo ku doodaya in dawladdii amma xisbigii ay ku jireen ka niyadjabeen oo ay mid kale u wareegayaan. Haddaad u fiirsato, niyad jab kaa waxa keeney xisbiga marka horeba caadifaad ayuunbey ku raaceen iyaga oo aan qeexin waxa ay ka rabaan. Xisbiga iyo hoggaamiyaha la doorteyna waxa uu arkey dad u jibbeysan oo bilaash ku dooranayaa shuruud la’aan.
.
Hadaba kol haddii ad go’aansatey amma ad go’aansaneyso inad xisbi taageerto oo ad codkaagii iyo mustaqbalkaagii ku wareejiso, waa muhiim inad xisbigaa iyo hoggaamiyahaa la xisaabtanto. Waa muhiim inad weydiiso su’aalo muhiim ah si adiga iyo hoggaamiyahaagaba ay uugu caddaato waxa ad heshiiska ku tihiin ee ad ku dooraneysaa. Hoggaamiyahaagu waa inu hantaa oo uu kasbadaa codkaaga. Waa inaanu taageeradaada si bilaash a ah uugu qaadan isaga oo aan wax kaaga bedelan.
.
Khasab maaha inad kolba xisbi ka baxdo oo an mid kale gasho. Horta la xisaabtan kaa ad ku jirto. Su’aalo adag weydii. U sheeg waxa ad ku dhaliileyso xisbigaa kale amma hoggaamiyahaa kale, ka bacdi isaga weydii waxa uu kaga duwanahay amma qorshaha uu hayo si uu dhibaatooyinkaa xal uugu keeno.
.
Haddaad Kulmiye taageersanahay amma ad damacsantahay inad taageerto, waa muhiim inad su’aalo dhawr ah weydiisaa. Kulmiye wuxuu ahaa xisbi aad loo taageersanaa markii uu mucaaradka ahaa ee uu ogolyahay ku jirey. Markii uu dawladnimada qabteyna waxa uu sameeyey wax badan oo aad u wanaagsan ha noqoto miisaaniyadda oo kor u kacdey amma tacliinta hoose dhexe oo bilaash laga dhigey amma hey’adaha dawladda oo la wada dhisey. Balse xilligii dawladda kulmiye jirtey waxa sii kordhey oo sii batey dhibaatooyin horeba u jirey oo ad mooddo iney sii bateen. Qabyaaladda oo xoogeysatey iyo shaki badan oo umadda ku yimid oo ah in hantida dadka ka dhexeysa aan dadka lagu aaminey aan lagula xisaabtameyn. Waa muhiim in xisbiga Kulmiye iyo hoggaankiisaba la weydiiyo waxa uuga qorshe ah dhibaatooyinkaa iyo sida ay uula dagaalamayaan. Maaha uun uun in sacabka loo tumo, balse halla cariyo oo halla soo hor dhigo waxa ay ku fiicneyd dawladdii xisbigoodu soo dhisey iyo waxa ka qaldamey, hana la weydiiyo saddex su’aalood oo kala ah: sideed ku sii adkeyneysaa oo ad kor uugu sii qaadeysaan wanaaggaa ad sameyseen?, sidee ayaad uula dagaalameysaan qaladaadka soo batey xiligii xisbigiinu hoggaanka hayey? iyo, in la weydiiyo qorshaha cusub ee ay hayaan?
.
Waxa iyana muhiim ah in Wadani la weydiiyo su’aalahaa qaar la mida. Waa in la weydiiyaa qorshaha cusub ee ay hayaan ee ay doonayaan iney dadkan hore uugu marayaan iyo isbedelka ay sheegan iney keenayaan oo aan aheyn dhaliisha dawladda oo la sheego oo keli ah. Taa laftooda waa in la weydiiyaa waxa uuga qorshe ah waxa ay ka qabanayaan arimaha ay dawladda ku dhaliilayaan oo ay ka midyihiin musuq maasuqa iyo lunsiga hantida dadka ka dhexeysa ee ay inta badan ka hadlaan. Diyaar ma u yihiin in wax kasta oo ummaddu laheyd oo qof qaatey iney ka soo celiyaan. Haddii isbeddelka Wadani sheegayo dhab ka yahay waa muhiim in la weydiiyo sababta ay u aqbaleen ee ay hoggaanka uuga dhigteen dadkii hormoodka ka ahaa ceebaha ay Kulmiye ku eedeeyaan.
.
UCID laftooda waa muhiim in wax la weydiiyo oo la imtixaamo. Su’aasha uugu muhiimsan ee UCID in la weydiiyo ay tahay waa iney run ka tahay iney u tartamayaan hoggaanka dalka. Madaxda UCID wakhtigoodii iyo awoodoodiiba waxa ay geliyaan khilaafka dhexdooda ka jira oo ah ayaan darro aad u weyn oo ku dhacdey xisbi rajo badan laga qabey. Marka madaxdii xisbigu is haysasho iyo maxkamad iskala dhamaan waayeen, uuma muuqato iney ku jiraan tartan ay ku hantaan hoggaanka. Maxey ku qancinayaan amma u sheegayaan ummadda.
.
Ummadda waxa maanta horyaalaa waa saddex xisbi. Wax saddecdaa ka baxsan oo iminka meesha imanayaa ma jiraan. Waxa muhiim ah in saddexdaa xisbi la hagaajisto, waxa ka qaldanna la saxo lana cariyo si ay u tartamaan oo ay inoogu soo bandhigaan qorshayaal wanaagsan. Midi iyadu meesha kuma jirto oo ah inad qanacdo oo ad tidhaa midna kuma jiro. Taa macneheedu waa adiga oo taladaadii u dhiibey dad aanad talo ku laheyn.


W/Q Mohamed Ali Bile