Degmada Afgooye Oo Ku Soo Noqotay Saaka Mid Degan

0
Wednesday October 19, 2016 - 09:57:53 in by salman abdi
  • Visits: 565
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Degmada Afgooye Oo Ku Soo Noqotay Saaka Mid Degan

    Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa dib ugu noqday degamada Afgooye, halkaasi oo shalay uu dagaal culus ka dhacay. Waxaa la sheegayaa in baaritaanno ay sameynayaan ciidamada oo ku raad jooga kooxdii shalay weerartay magaalada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa dib ugu noqday degamada Afgooye, halkaasi oo shalay uu dagaal culus ka dhacay. Waxaa la sheegayaa in baaritaanno ay sameynayaan ciidamada oo ku raad jooga kooxdii shalay weerartay magaalada.


Dadka deegaanka ayaa waxa ay BBC-da u sheegeen in qiyaastii 15 qof ay ku dhinteen, balse godoomiyaha maamulka gobolka, Ibrahim Aden, ayaa tilmaamay in weli xaaladda ay qiimeynayaan.

Sida lagu warramayo laba sarkaal oo dowladda ka mid ah ayaa weerarkaasi ku dhimatay.

Dagaalka ka dhacay Afgooye ayaa bilowday ka dib markii gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu weeraray saldhig ay daganaayeen ciidamada dawladda Soomaaliya.

Dabley aad u hubaysan ayaa markaa dabadeed weeraray dhawr saldhig oo ku yaalla gudaha iyo daafaha magaalada.

Ciidammada Midowga Afrika ayaa Afgooye ka saaray Alshabaab sanaddii 2012-kii.