Nacaybaa Jacayl Laga Dhaxlaa (Qaybtii 4aad) W/Q Maxamed Cabdi Cabdilaahi (Maxamed Andar)

0
Wednesday October 19, 2016 - 17:50:34 in by
  • Visits: 1585
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nacaybaa Jacayl Laga Dhaxlaa (Qaybtii 4aad) W/Q Maxamed Cabdi Cabdilaahi (Maxamed Andar)

    Qaali runtii aad ayay uga yaabtay jawaabtaas,waxayna markale waydiisay maxaa idinka dhexeeya siraad ma jacayl ayaa idinka dhexeeya, muumin ayaa ugu jawaabay sidaan anigu jacayl usamayn karaa maya ee waxaanu nahay labo qof oo walaala ah run ahaantiina

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaali runtii aad ayay uga yaabtay jawaabtaas,waxayna markale waydiisay maxaa idinka dhexeeya siraad ma jacayl ayaa idinka dhexeeya, muumin ayaa ugu jawaabay sidaan anigu jacayl usamayn karaa maya ee waxaanu nahay labo qof oo walaala ah run ahaantiina siraad waa qof xagayga qaali ka ah,


 Qaali ayaa hadana ku celisay ma ka warqabtaa hadii ay noloshaada dhabtaa ogaato inaad saaxiiibo sii ahaanaysaaan, anigu waxaan ku leeyahay siraad waxay ka dhalatay reer tijaar ah run ahaantiina reer kooda iska daayoo xataa hadii ay iyadu ogaato noloshaada dhabta ah in adiga naftaadu halis galayso, muumin ayaa ku jawaabay anigu kulama saaxiibin taajirnimo ee saaxibtinimadu waa shay iska caadiya oo taajir iyo fiqiirna dhexmari karta, qaali ayaa hadana tiri laakin ogow qof walba waxa uu jecel yahay in uu la saaxiibo leefalkiisa markaa inantan isku leefal ma tihidin ee ha lugoyn adna madasha haysku caatayn ileen kolayba way ogaaanaysaa waxaad tahaye.

 

 muumin anigu sidaan aamin sanahay qofna muu dhalan isaga oo taajira ee qof walba maalin ayuu ilaahay wax siiyay duniduna way isbedalaysaa oo waa hadhka labadiisa gelin,qaaali oo hada ma waxaad iga dhaadhicinaysaa taajir iyo faqiir waa isku mid maya maya taa waad la wayday, muumin waxa uu ugu jawaabay ma sina laakin ogow ina ilaaha qofka taajirka ah wax siiyay uu kan kalena u maqanyahay, waxaadse ogaataa hadii qofka taajirka ahi dabaqsare seexdo oo kan faqiirka ahina dhulka seexdo ogow inay isku hurdo uun hurdayaan, waxaadse ogaataa hadii qofka taajirka ahi rajo wacan leeyahay ogow kan kalena waa lamid waxaadse ogaataa hadii ka jaajirka ahi dhinto iyo hadii kan faqiirka ahi dhinto  ogow qaaliyey dhulka uunbaa lagu wada aasayaaaye.

 

Qaali run ahaantii aad ayay uga qiirootay hadaladaa waxaa si toosa u boodbooday wadnaha waxaana si dhaba u dareen galiyay hadaladii muumin, qaali waa ay iska  dhaqaaqday iyada oo cabsi badan dareemaysa waxayna si toosa u abaartay qolkeedii waxayna markiiba bilawday inay is waydiiso hadaladii uu muumin kuyiri,waxaana maskaxdeedii si aada ugu soo noqnoqonayay hadaladii muumin, qaali habeenkaas il iyo baal isuma aanay keenin waxayna habeenkaas nafteeda ku canaanatay xumaantii faraha badnayd ee ay muumin u gaysatay waxaase layaab ku noqotay sababta uu muumin oo ay waxaas oo xumaan iyo aflagaada ah u gaysatay uga aamusnaa, qaali oo aan habeenkii wax hurda ah ladin ayaa waxa ay kacday goor hore waxayna si degdega isugu diyaarisay iskuulkeedii, waxayna dhawr jeer isku dayday inay muumin qolkiisa kusoo booqato laakin nasiib daro muumin waa uu hurday oo qolkiisuna waa uu xidhnaa, waxayna qaali go aan satay inay sugto in uu soo kaco oo uu maruun furo qolka albaabkiisa, waxayna iska fadhiisatay barandhaha oo ku began qolka muumin, nasiib daro muumin ma aanu furin albaabkii, qaali oo goor hore iskuulka udiyaar garawday inay aado iskuulka ayaa hada u muuqata qof habsan ka ah iskuulkeediii, qaali hooyadeed ayaa si kulul ula hadashay oo kutiri salaadii hore ayaad iskuulka udiyaar garawday waamaxay sababta aad habsanka utahay ee aad halkan la fadhidaa, qaali iyada oo aamusan ayaa ay iska soo kacday waxayna iska aaday iskuulkeedii waxayna intii ay guriga kasii baxaysay kolba dib usoo eegaysay qolkii muumin bal in uu furay balse ma dhicin taasi oo waxa ay iyada oo aad u niyad jabsan tagtay iskuulkii.

 

 subaxaas qaali waxa ay iskuulkii la tagtay waji cusub oo ka gadisan wajigeedii hore ee kibirka iyo isla waynida ahaa waxayna qaali caan ku ahayd hadalbadnaan qosol iyo isla wayni kibir kujiro, laaki subaxaas waxaas oo dhami ma aanay jirin waxa ay ahayd oo kaliya qof aamusan, waxayna qaali saaxiibadeed isku dayeen inay ogaadaan waxa ku dhacay oo ay iyada wax ka waydiiyaan, waxayna qaali hablihii asxaabteeda ahaa usheegtay inay xanuun sanayso.

 

Qaali run ahaantii subaxaas iskuulka waxba kama ay dhigan oo marka xiisadi soo gashaba debeda ayay uga baxaysay iyada oo macalimiintana ku qancinaysa in madaxu xanuunayo waxayna subaxaas ahayd maqane jooge oo waxaaba maskaxdeeda ka dhex guuxayay weedhihii muumin, oo waxaa dhacday xataa markii lagaadhay wakhtigii nususaacaha in aanay iyadu bixin oo galaaskii loogu soo noqday.

 

Markii la gaadhay wakhtigii iskuulka laga imanaayay ayaa waxa ay qaali usoo degdegtay xagii guriga, waxayna niyada ku haysay marka ay tagto guriga inay si toosa u abaarto qolka muumin si ay usoo salaanto, laakiin nasiib daro muumin ma aanu joogin oo waxa uun ku maqnaa dukaanka,  qaali markii ay aragtay in aanu joogin aad ayaa ay uga xumaatay waxayna albaabka hortiisa dhigtay fargal ay xidhnayd kadibna waxa ay aaday qolkeedii si ay buugaagta usoo dhigato,waxayna markii ay buugagta dhigatayba usoo baxday barandhaha oo ay iska fadhiisatay si ay uga war hayso marka uu muumin yimaado, waxaa la gaadhay wakhtigii qadada muumina wali ma iman oo waxa uu ku daahay xagii dukaanka, qaali xataa waxa ay ilawday oo ay jaanis u wayday inay dirayska iska bixiso, waxaana loogu yeedhay inay qadayso,  qaali waxa ay iskaga soo kacday meeshii iyada oo aaad uniyad jabsan isla markaana aan gaadhin hadfkeedii ahaa inay muumin mar uun aragto si ay usalaanto, waxaa loo keenay qadadii laakin ma aanay cunin oo waxa ay go aansatay in ay qadadan ugayso muumin marka uu yimaado oo ay uga dhigto qadadiisii isla markaana ay la sugto inta uu imanaayo, hal cabaara markii ay sugaysay oo aanu muumina wali iman ayaa ay meeshii iskaga kacday oo ay iska aaday qolkeedii wax yar inta aanay qaali qolka kusii maqnaynba ayaa uu muumin soo galay waxa uuna markiiba ka dalbaday in uu qadada usoo qaado nuur oo ahaa qaali inaadeerkeed oo ka yar, muumin markii uu qadeeyayba waxa uu bilaabay in uu iska seexdo.

 

 Qaali oo wali sidii usugaysa oo aan iyada lafteedu qadayn ayaa kazoo baxday qolkeedii si ay usoo eegto in muumin yimi iyo in kale, markii ay  soo baxdayba waxa ay aragtay in qolka muumin ceshanyahay waxayna garatay in uu yimi aad ayayna ugu faraxday, waxayna si degdega usoo qaaday qadadeedii oo ay is lahayd qadadiisii ka dhig mana aanay ogayn in mar horeba qadadiisii loo geeyay,………lasoco qaybta 5aad