Hogaamiye Xirsi Cali Xaji Xasan Seddex Ayuu Diiday Seddexna Wuu Doortay.W/Q: Kamaal Sh Ismail Aden.

0
Thursday October 20, 2016 - 00:49:42 in by salman abdi
  • Visits: 1594
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hogaamiye Xirsi Cali Xaji Xasan Seddex Ayuu Diiday Seddexna Wuu Doortay.W/Q: Kamaal Sh Ismail Aden.

    Marka laga hadlayo kalmada hogaamiye waxay leedahay macne aad u balaadhan oo aan la soo koobi karayn bal in yar aan iftiimiyo oo aan dul xaadiyo macnaheeda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Marka laga hadlayo kalmada hogaamiye waxay leedahay macne aad u balaadhan oo aan la soo koobi karayn bal in yar aan iftiimiyo oo aan dul xaadiyo macnaheeda.


wasiir-xirsi

Hogaanmiye waa qof Ummadiisa u horseeda dhinaca Khayrka, Guusha, hormarinta iyo same katalinta. Waxaana la hogamiyaa bani aadamka uu Ilaahay garashada siiyay, kuna abuuray doonida iyo samaha wanaagsan.

Sidaa darteed xoolaha lama hogaamiyee waa la kaxeeyaa, ama gadaal baa laga maraa si ay usocdaan. Ummadkasta oo rabta inay garato Wanaag iyo horumarna waxaa lama huraan ah inay hesho Hogaan sax ah oo leh tilmamihii hogaamiye-nimo, ee Ummada lagu horseedi lahaa.

Hadii kalase Ummadii way gablamaysaa ama agoomoobaysaa, waxaana kalumaya jidkay qaadi lahayd, waxayna dabamartaa dhinacay ku badbaadi lahayd. Waxaana dhici karta inay iyadii is cunto, iska hortimaado, isdisho, kadibna ay dhumiso jiritaankeedii, sumcadeedii iyo Qaranima-deedii inataba.

Waxaa lays weydiin karaan Ummadi manoolaan kartaa Hogaan la´aan/ Madaxweyne la´aan? Jawaabtu waa Maya! Ma dhicikarto inay jirto, noolaato, horumar samayso Ummad aan lahayn Hogaan, toosiya, Aayaheeda kataliya, magaceeda iyo sumcadeeda kor uqaada.

Hogaanku wuxuu uyahay Ummadaha sida uu maduxu uyahay Jirka intiisa kale, waxaana inoo cad in Jidh aan madax lahayni uusan noolaan karin, sidaa oo kale ayayna unoolaan karin Ummad aan Hogaan wanaagsan lahayni.

Waa Kuma Hogaamiyaha Da’da Yar Ee Xirsi Cali Xaaji Xasan:-

Xirsi cali xaaji xasan waa hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani wuxuuna ahaan jiray wasiirkii hore wasaarada madaxtooyada Somaliland waana wasiirkii ugu cuslaa uguna meeqaamka sareeyay ee soomaray wasiiradii la soo shaqeeyay madaxweyne siilaanyo waana masuul intii uu xilka wasiirnimo uu hayay kasbada quluubta shacbi waynaha Somaliland waxa lagu xasuustaa in uu ahaa shakhsi kasoo ifbaxay xilkii loo igmaday .

Xirsi wuxuu noqday wasiir baal dahab ah ka qaatay horumarka, intii uu xilka hayay wuxuu noqday xubintii ugu firfircoonaa ee kasoo ag shaqeeya madaxweynaha qaranka axmed siilaanyo.

Haddan u soo noqday dulucda iyo ujeeda guud ee mawduucaygan hogaamiye xirsi cali xaji xasan waxaan ku qiimayay Hogaamiye wanaagsan oo leh hogaamin dhab ah waxaanan illahay ka rajaynayaa in uu mar uun uu qabto talada dalka insha allah.

Hadaba xirsi muxuu ku diiday xukuumadii iyo xisbigii kulmiye ee uu la shaqaynayay? muxuuse uu ku doortay xisbiga wadani ee uu hadda uu hagaamiyaha uu ka ayahay?

Waxaan kusoo koobay mid seddex qodob oo ka hadlayay diidistii iyo doonistiisii.

Seddex ayuu Diiday:-

1. Qabyaalad bushada lagu kala qobqobo (Yaa ree Hebalaay)

2. Qaynuun la qaloociyay oo qoys ku qadhaabteen (Dastuur Jabin)

3. Qarsashada hantii umada ee la wada lahaa oo lagu takri falayay (Xatooyo)

Seddex ayuu Doortay:-

1. Somaliland shacabkeeda oo mid noqota (Ul iyo Diirkeed ah)

2. Sinaan ay cadaaladi ku salaysan tahay oo uu ka helo ( Xisbiyada Mucaradka ah)

3. Saadaal danbe oo siyaasadiisa mustaqbal uu ku hago (Rajo Madaxweyne) .

Gabogabadii maqaalkaygan waxaan kusoo afmeeyay xirsi cali xaji xasan waa masuul leh magac iyo muuqaal hagoomineed taana waxaa ka markhaati ah inta samaha iyo wanaaga jecel ee reer somaliland sababtoo ah waxaa taa cadaynaysa sidii sharafta iyo milgaha lahayd ee uu xilka u tiriyay ee uu uga dhex baxay xukumadda cadaysatay jabinta dastuurka iyo qaynuunkii inoo yaalay ee ina kala qobqobtay.





W/Q:- Kamaal Sheekh Ismaaciil

Email:-Kamaalsheekh@gmail.Com

Tell: 063 4406191