"Waxaan Arkayey Rag Markiiba Ruxmay, Waar Kaanbaynba Layslama Gaadhin Ee Soydinka Col Hortii Jabay" Hogaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan
Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ah hoggaamiyaha Waddani oo shalay ka hadlayey furitaanka shirweynaha golaha dhexe ee xisbiga Waddani ayaa waxa uu sheegay inaan xisbiga Kulmiye sheegan Karin wax qabadyadii ay hir geliyeen mudadii ay ka tirsanayaan xukuumada madaxweyne Siilaanyo.
Siyaasi Xiri Cali Xaaji Xasan oo fariin u diraya musharax Muuse Biixi ayaa waxa uu yidhi "Waxaan leeyahay ninkii sharaxan ee dooonaya inuu kursiga tagow adiga oo aan odhan reer hebel ayaan doonanaya ama hebel iyo hebel ayaa ii xidhan, ninkii ba’naayow lagu fasax badka soo dhig waxa aad aamisan tahay, halka aad hayaanka bulshada gaynaysana soo bandhig, Waxaan arkayey madaxda Kulmiye oo maalin dhawayd is mar marinaysa wixii aanu qabanay , xaansha ma dafirayno madaxweynaha qaranka oo ah kii aanu la shaqaynay ee himilada lahaa , anaguna waxaanu lahayn hir gelinta, qaar aan hir gelin oo maalin walba lugta qaban jiray oo aanu ka waynay kalmad u dheh wadooyinka ayaan arkayey iyaga oo leh wadooyinka ayuu Kulmiye qabtay oo doonaya inuu Kulmiye isku duuduubo kaas oo ay ku jiraan ragii shaqaynayey maadaama aan isaga raadkiisa lahayn.”
Sidoo kale Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sheegay in xisbiga Waddani diyaar u yahay tartan hufan, waxaanu ka waramay wax qabadka ay k
faanayaan waxaanu mar kale yidhi "Waxaanu leenahay tartan hufan oo aan ceeb iyo cay lahayn oo wixii aanu qabanay ah ayaanu soo bandhigaynaa cidna u faani mayno laakiin waxa nagu filan madaxweynihii himilada lahaa iyo asxaabtayada imika dawlada ku jira ee aanaan dafirayn wiilasha iyo gabdhaha aanu wada shaqayn jirnay ee fulinta himiladaas gacanta nala hayey, marna ma dafiri doono dadkii wax qabanayey laakiin waxaanu sheeganaynaa 23-ka degmo ee dalka degmo aanan istaagin oo aanan mashruuc ka fulin ama ka furin oo aan ahayn Laasqoray iyo Buuhoodle gudihiisa ma jirto, taas ayaanu ku tartamaynaa oo aanu qoladana(Waddani) ula nimid kuna biirinaynaa, taayada ha sheegin ee bulshada wax u soo bandhig wixii aad qabanaysana keen, taariikh aad leedahay keen taas waanu kula leenahaye, ninkii soomaaliyeed wuxuu yidhi Geelu waa kaayagi ee Halo dheh waxaagu waa halo, horu mar waa kaanu qabanay.”
Sidoo kale waxa uu siyaasi Xirsi Cali Xaaji Xasanka digay in wax qabadkii ay hir geliyeen mudadii ay xukuumada ka tirsanayaan ay ku ololeeyaan dad aan waxba gashan, waxaanu yidhi "Ninaan waxba qaban oo hagardaamo uu gaysto mooyaane aan wali talaabo qaadin inuu bulshada ku khiyaameeyo ama ku sukhro oo uu yidhaahdo hadaanu Kulmiye nahay waxaas ayaanu qabanay anaga ayaa maanta kula ciyaarayna oo ah kuwii waxaas qabtay, wadooyinkii aan gacanta ku hayey ee ilaahay khayr ha siiyee ahayd himiladii madaxweynaha ee aanu xiligaa wadnay kaad aragteen ee qornayd ee ahayd (Somaliland Road Network) taas oo ahayd in gobolada dalka laysku xidho, maaha maanta aniga oo mucaaridka ah ama xisbi cod u doonaya inaan ku faanayo shalay ayaan aniga oo xil haya sheegayey oo balan qaadayey tii ayaanan maanta qoladan ku biiranayaa oo isla daba taagayaa kuna raacsanahay inay ka shaqeeyaan taas oo ahayd in lixda gobo lee dalka laysku xidho, Boorama way dhamaatay Ceerigaabana way socota labadaas ayaana ka go’naa inay xidhiidh wada noqdaan goboladu.”
Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka hadlaya sida ay jawiga siyaasada u badaleen isbahaysigii Kulmiye ee Waddani Ku biiray ayaa waxa uu yidhi "Waxa ii muuqatay dad lacag la yaacaya oo gab gab leh oo isbahaysigii ayaa jawigii badalay oo xaraaradii siyaasada ayaa kor u kacday, waar shalayna markaan joogay Xirsi ayaan ahaa oo waa tii lay hadal hayey maantana waan joogaayoo waad I hadal hayn doontaan, guri walba kaanbaynka ayaanu galin doonaa albaab walbana waanu istaagi doonaa, waxa fiican in Cirro lagula tartamo go’da weyn, goda yar, sheekh iyo Berbera oo Muuse haduu wax hayo kaga badiyo, Faysal iyo Jamaalna kii wax hayaa kula tartamo oo uu gurigiisa kula tartamo, dalkana maaha inaynu u qaybino guri guri iyo aag aag, waxaanu kugula tartamaynaa gurigaaga waxaanan ku dedaalaynaa in caruurta guriga joogtaa Waddani u codayso, lacag qaybin mayno ee dadku waxay doonayaan ayaanu ka shaqaynaynaa oo aanu ka dhabaynaynaa, Waxaan arkayey rag markiiba ruxmay, waar dagaal iyo kaanbaynba layslama gaadhin ee soydinka col hortii jabay, waxaan leeyahay waar hada ayaa la bilaabayaa ee waa inoo garoonka, ceeb la,aan anaga oo aan caytamayn oo aan cidna xaganayn, cidna aflagaadaynayn, anaga oo aan nin kasta oo wax qabtay oo wax mudan ka dafirayn.”
Siyaasi Xiri Cali Xaaji Xasan ayaa si toos ah ula hadlay musharaxa xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, waxaanu ugu baaqay inuu soo bandhigo waxa uu doonayo inuu bulshada u qabto "Muuse ka dafiri mayno inuu ahaa mujaahid dalka u soo halgamay laakiin waxaanu leenahay isaga iyo raga kale ee u soo halgamay ee aanu ka midka nahay waa taariikh umadu leedahay bulshada oo dhan ayaana u kacday halganka qofna gaar u sheegan maayo qofna gaar ugu ololayn maayo CV-na kuu noqon mayso waa wax uu qaranku kugu leeyahay, waxa laga yaabaa inuu qofku qalad ka fahmo ma halgankii dalka ayaad yaraynaysaa, Maya halganka inaad u dhimato u dhaawacanto una dhidido dalka ayaa kugu leh maaha wax CV aad ku sheeganayso, xaqna uma lihid inaad dadka wax gaar ah kaga sheegato oo aad cod gaar ah kaga helayso, dastuurka ayaa jideeyey in muwaadiniinta xuquuq siman ku leeyihiin mid soo halgamay iyo mid aan soo halgamay oo kaa soo horjeeday cadaalada iyo dastuurka hortiisa markaa gaar uma sheegan kartid, waar wax hagaagsan la kaalay bi’I waayee, dadka wax aad ka iibiso la kaalay CV ma noqoto waan soo halgamay waana xuquuq dalku kugu leeyahay waanad ku mahadsan tahay lagaana dafiri maayo, beri hadaanu dalka qabano waxaanu daryeeli doonaa oo aanu ilaalin doonaa oo taariikh fiican laga samayn doonaa oo la qori doonaa oo aan la dafirayn oo aan nina laga yeelayn in hoos loo akhriyo taariikhdii wadanku lahaa ee halganka, Muusow maalintaas lagaa dafiri maayo oo waa laguugu darayaa laakiin maanta waxba kuu goyn mayso.”
"Waxaan Arkayey Rag Markiiba Ruxmay, Waar Kaanbaynba Layslama Gaadhin Ee Soydinka Col Hortii Jabay" Hogaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan
Siyaasi Xiri Cali Xaaji Xasan oo ka mid ah xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa si adag uga jawaabay hadalo ka soo baxay gudoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.