Wax Ka Baro 10kii Xiddig Ee Ugu Danbeeyay Ee Ku Guuleystay Abaalmarinta Kabta Dahabka Ee European Golden Shoe
Hadaba waxaan eegeynaa 10kii ciyaartoy ee ugu danbeeyay ee hantay abaalmarinta Kabta Dahabka, iyadoo Francesco Totti uu ahaa xiddigii ugu danbeeyay ee Serie A ee ku guuleystay abaalmarintaan xilli ciyaareedkii 2006-17 isagoo ku qaaday 26 gool uu u dhaliyay kooxdiisa AS Roma.
Cristiano Ronaldo ayaa afar jeer ku guuleystay 10kii sanno ee ugu danbeysay, markii ugu horeysay ee uu hanto waxa ay ahedy xilli ciyaareedkii 2007-08 isagoo ku qaaday 31 gool uu ka dhaliyay Premier League markii uu u ciyaarayay kooxda Manchester United. Waa ciyaaryahankii ugu horeeyay ee afar jeer hanta abaalmarintaan.
Diego Forlan ayaa isna bilaabay in horyaalka La Liga uu qabsado abaalmarintaan xilli ciyaareedkii ku xigay ee 2008-09 markaasoo uu ku qaaday 32 gool oo uu u dhaliyay Atletico Madrid. Wixii ka danbeeyay markaas waxaa abaalmarinta qaadayay xiddiga La Liga gaar ahaa weeraryahanada Barcelona iyo Real Madrid.
Lionel Messi seddex jeer ayuu hantay abaalmarintaan markii ugu horeysay ee uu hanto waxa ay aheyd xilli ciyaareedkii 2009-10 markaasoo uu ku qaaday 34 gool. Messi ayaa sidoo kale haya rikoorka gooldhalinta ugu badan ee lagu qaaday abaalmarintaan isagoo dhaliyay 50 gool xilli ciyaareedkii 2011-12.
10kii Abaalmarinta Ee Ugu Danbeysay Ee Golden Boot:
2006-07 – Francesco Totti (Roma): 26 goolal.
2008-09 – Diego Forlán (Atletico Madrid): 32 goolal.
2009-10 – Lionel Messi (Barcelona): 34 goolal.
2010-11 – Cristiano Ronaldo (Real Madrid): 40 goolal
2011-12 – Lionel Messi (Barcelona): 50 goolal.
2012-13 – Lionel Messi (Barcelona): 46 goolal.
2013-14 – Cristiano Ronaldo (Real Madrid): 31 goolal / Luis Suárez (Liverpool): 31 goolal.
2014-15 – Cristiano Ronaldo (Real Madrid): 48 goolal.
2015-16 – Luis Suárez (Barcelona): 40 goolal
Wax Ka Baro 10kii Xiddig Ee Ugu Danbeeyay Ee Ku Guuleystay Abaalmarinta Kabta Dahabka Ee European Golden Shoe
Luis Suarez ayaa ku guuleystay abaalmarinta kabta dahabka isagoo abaalmarinta la gudoonsiiyay xalayto ka dib markii uu dhaliyay 40 gool horyaalka La Liga xilli ciyaareedkii hore isagoo noqday gooldhaliyihii ugu sareeyay horyaalada waa weyn ee Yurub.