Madaxweynaha Somaliya Oo Hambalyeeyey Maamulada Soo Gudbiyey Xubnaha Uga Mid Noqonaya Aqalka Sare, Kana Hadlay Xaalada Doorashooyinka

0
Friday October 21, 2016 - 15:37:14 in by salman abdi
  • Visits: 571
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somaliya Oo Hambalyeeyey Maamulada Soo Gudbiyey Xubnaha Uga Mid Noqonaya Aqalka Sare, Kana Hadlay Xaalada Doorashooyinka

    Muqdisho(AFKA);Madaxweynaha Somaliya Oo Hambalyeeyey Maamulada Soo Gudbiyey Xubnaha Uga Mid Noqonaya Aqalka Sare, Kana Hadlay Xaalada Doorashooyinka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(AFKA);Madaxweynaha Somaliya Oo Hambalyeeyey Maamulada Soo Gudbiyey Xubnaha Uga Mid Noqonaya Aqalka Sare, Kana Hadlay Xaalada Doorashooyinka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Madaxda Maamul Goboleedyada Koonfur Galbeed, Jubbaland, Galmudug iyo Puntland ugu hambalyeeyay tallaabada ay ku soo gudbiyeen xubnaha ku metelaya Aqalka Sare ee Baarlamaanka.


Aqalka Sare ee dalka.ee matali lahaa dowlad gobolleed walba.” Ayuu yiri Madaxweynaha Somaliya."Waxaan marka hore ugu hambalyeynayaa xildhibaanada Baarlamaanada Dowlad Gobolleedyada, Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug doorashooyinkii ay ku doorteen xubnihii u matalayey Aqalka Sare ee Jamhuuriyada Soomaaliya. Sidoo kale waxaa ammaan iyo mahad celin naga mudan Madaxweynaha Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed oo wadatashi ka dib u gudbiyey baarlamaanada xubnihii u tartamayey inay ka mid noqdaan


 

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay u bilaabatay taariikh cusub "Waa taariikh cusub oo Soomaaliya u bilaabatay. Madasha Wadatashiga Qaranka ayaa horey u go’aamiyay in ugu yaraan 30% xubnaha labada Aqal ay noqdaan dumar, sidaas daraadeed, waan soo dhoweynayaa sida dimoqraadiyada ah oo ay baarlamaanada dowlad gobolleedyada u soo xusheen dumarka ka mid noqday xubnaha Aqalka Sare."

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ayaa ugu dambeyntii ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay door muhiim ah ka qaataan doorashada 2016ka oo ay Dowladda, Dowlad Goboleedyada, Guddiyada Doorashooyinka ee heer Federaal iyo heer Dowlad Gobolleed ay kala shaqeeyaan inay doorashooyinka dib u dhicin, isla markaana u qabsoomaan sidii loogu talagaley