ERGAYGA QM: Hannaanka Doorasho ee 2016-ka Waa mid ay Bulshada Soomaaliyeed Sameysteen

0
Friday October 21, 2016 - 18:35:09 in by salman abdi
  • Visits: 574
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ERGAYGA QM: Hannaanka Doorasho ee 2016-ka Waa mid ay Bulshada Soomaaliyeed Sameysteen

    Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Danjire Michael Keating ayaa ka hadlay hannaanka doorasho ee Sannadkaan Dalka ka dhici doona, wuxuu kaloo wareysi uu bixiyay ku sharraxaay sida kalsooni loogu kalsoonaan karo inay si amni ah ku dhacaan doorash

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Danjire Michael Keating ayaa ka hadlay hannaanka doorasho ee Sannadkaan Dalka ka dhici doona, wuxuu kaloo wareysi uu bixiyay ku sharraxaay sida kalsooni loogu kalsoonaan karo inay si amni ah ku dhacaan doorashooyinka sannadkan, kaddib wareysi uu bixiyay.

Haddaba, Wargeysiga Ergayga QM ee Arrimaha Soomaaliya wuxuu u dhacay sidan;

Su’aal:Dadka waxay walaac ka muujinayaan in Hanaanka Doorashada uu yahay waxay la yimaadeen Beesha Caalamka iyo Qaramada Midoobay. Miyaad Sharraxi kartaa sidaa uu ku yimid hannaanka doorashooyinka Soomaaliya?

Jawaab:Haa, 18 bilood ayay ku qaadatay in la farsameeyo Hannaankan Doorashooyinka ee Sannadkaan. Go’aankii ugu weynaana waxaa la gaaray bartamihii Sannadkii 2015-ka markii Baarlamanka iyo Dowladda Federaalka Somalia ay go’aansadeen in Somalia aysan u bisleyn doorashada qof iyo cod sababo dhawr ah dartood, oo ay ka mid tahay; Inuusan jirin diiwaanka cod-bixiyayaasha, tayada hay’adaha; sida Guddiga Doorashada Qaranka oo halkaa ka maqnaa. Marka waxaa kaloo jiray Hannaan Wada-tashi ah oo billowday Bishii September Sanadkii 2015-kii, oo socday muddo dhowr bilood ah, Xaqiiqdiina Waxaa ka mid ahaa wada-tashigan shirar aan hore dalka uga dhicin oo dalka meelo kala duwan lagu qabanayay.

Meeshaas, Waxaa kasoo baxay aragtiyo tiro badan. Kaddibna, bishii Jannaayo ee 2016-ka, waxaa dhacay shirka madasha hoggaanka Qaran oo lagu gor-feeyay hannaanka doorasho, tusaale waxaa ka mid ah, go’aanka ah in haweenka loo qoondeeyo 30% kuraasta Golaha Baarlamanka. Taasna ma ahan go’aan Beesha Caalamka ka yimid. laakiin Waxay ahayd go’aanka Soomaalida ka yimid, kaddib bishii Abriil ee Sannadkan, waxaa la xaqiijiyay in la yeelan doono Aqal Sare iyo Aqal Hoose iyo Tirada laga rabo labada Aqal. Marka tani waa hannaan ay sameysteen Ummadda Soomaaliyeed.

Su’aal:Miyaa lagu guuleysanaya rajada laga qaba in la Hir-geliyo Qoondada haweenka?

Jawaab:Markii la eego dhanka haweenka, waxaan is-leeyahay arrinta ugu muhiimsan waa in dhowr maamul-goboleed ay labo xubnood Aqalka Sare u doorteen haween, waxaana ka mid ah; Gal-mudug oo labo Xubnood oo ka mid ah Siddeeda Xubnood ee Aqalka Sare ee Baarlamanka u Meteli doona ay u doortay haween. Inkastoo ay adkaan doonto in la wada helo qoondada 30% ah ee Dumaka, haddana in maanta Haweenka ay heleen 20% kuraasta Aqalka Sare waa arrin ka hor-imaanaysa waxay aaminsanaayeen dadka qaar ka mid ah oo is-lahaa in tirada Haweenka la dooran doono 2016 ay ka yaraan doonto Sannadkan 2012-ka.

Marka, caqabadda hadda jirta waa sida Aqalka hoose ee baarlamanka loogu soo dari lahaa haween. Taasna waxay u baahan tahay in Beelaha ay ku heshiiyaan inay la yimaadaan hab ay ugu qoondeynayaan Haweenka kuraasta aqalka hoose ee Baarlamanka.

Su’aal:Wax walaac ah miyaad ka qabtaa hannaanka?

Jawaab:Dhawr Arrimood ayaa jiray, Tusaale ahaan, sida loo sugi lahaa Amniga Goobaha doorashooyinka. Waxaa aan si dhow ula shaqeyneynaa AMISOM iyo Ciidamada Amniga Somalia. Taas waa mid. Amniga ergooyinka. Waxaa jiray walaac ku aaddan sida ay noqon doonto Arrimaha Lacagta. Waxaan is-leeyahay hadda waan xallinay habka ay ergooyinka ku heli lahaayeen lacagtooda, iyo qaabka loo bixin lahaa kharashka shirkadaha socdaalka, iyo hoteellada. Waxaa sidoo kale jiraa arrimo la xiriira habka loo taageeri lahaa guddiyada u xilsaaran doorashooyinka.

Su’aal:Waxaa lagu kala aragti duwan yahay doorka oday-dhaqameedyada ee ku aaddan Hannaanka Doorasho. Miyaad Sharraxi kartaa Doorkooda iyo sida lagu go’aamiyay inay qayb ka noqdaan Hannaanka Doorashooyinka?

Jawaab:Waxaa ugu weyn oo ay ku kala duwan yihiin Doorashadan 2016-ka iyo tan 2012-ka Dabcan waa in haweenku 30% ku yeeshaan 275-ta xubin ee baarlamaanka ay odayaal-dhaqameedyadu soo dooranayaan. Sidaas awgeed odayaashu weli waxay leeyihiin kaalin muhiim ah, waayo waa kuwa soo xuli doona ergooyinka; sida 51-ka xubnood ee dooran lahaa xildhibaanka. Marka wali waa loo baahan yahay, balse sida cad saameyn badan ma lahan, waayo halkii uu hal oday dooran lahaa laba mudane iyadoo la Tashanayo qabiilka, jufooyinka ama jilibka, hadda dadka u sharraxan jagada xildhibaannimada kaliya ma ahan inay xiriir fiican la sameystaan odayaasha, balse waxaa sidoo kale laga doonayainayka dhaadhiciyaan 51-ergo inay iyaga yihiin dadka u qalmo inay matalaan jilibkaas.

Su’aal:Waxaa jira walaac laga muujinayo kalsoonida loo qabo Hannaanka Doorasho, gaar ahaan walaac ku saabsan cod-iibsashada iyo Laaluushka. Marka sidee Hannaanka doorasho lagu wadaa in lagu kalsoonaado?

Jawaab:Cod-iibsashada iyo Laaluushka, Waa wax jira. Waan og-nahay in Lacago la Is-dhaafsanayo. Waxaadna arrimahaas ka akhrin kartaa Warbaahinta Soomaalida. Waxaan u maleynayaa muhiimadu waxay tahay in codeyntu si qarsoodi ah ku dhacayso oo aan la isticmaali doonin Telefoonno; Tusaale ahaan inay dadku isku sawiraan taleefoonka sida ay u codeeyeen. Xilliga aad codeyneysid oo aad calaameysid magaca musharraxa aad rabto, kaddibna aad Sanduuqa Codeynta ku riddo Codkaaga, intaasoo dhan si Qarsoodi ah ayay u dhacayaan, Natiijadana isla markiiba waa lagu dhawaaqayaa.

Marka, inkastoo lacago la is-dhaafsanayo illaa iyo xilligaas, ma jirto Qaab dadka codadka iibsanayo ay u ogaan karaan in shakhsiga uu u iyaga codkiisa siiyay iyo in kale. Marka taas waa arrin cajiib ah. Hadalka marka aan si kale u dhigo, waxaan sameyn karnaa hab lagu yareyn karo kaalinta lacagaha la is-dhaafsanayo ay ku yeelan karaan in shakhsiga lacagta bixiyay loo doorto xildhibaan.

Su’aal:Hannaanku Doorashada Sannadkan 2016, Miyuu ka wanaagsan yahay doorashadii dhacday sannadka 2012-ka?

Jawaab:Taas lama saadaalin karo hadda. Laakiinse, Waxaan dhihi lahaa Tan ayaa fiican; maadaama ay ka dhaceyso shan ama lix goobood oo Gobollada dalka ka mid ah. Hadda Waxaa jira jawi Siyaasadeed oo muuqada. Haweenku aad ayay u Muuqdaan, Kooxaha dhalinyarada Abaabul ayay sameynayaa, maantana waxaa jira hay’adaha KMG ah sida Guddiga Hir-gelinta Doorashooyinka ee Heer Federaal, Guddiyada Dowlad-goboleedyada ee Hir-gelinta Doorashooyinka iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka.

Ugu dambeyn, Waxaa xilligan jira Taageero heer sare oo Caalamka ka imaanaysa. Waxaa jira Anshax; waxaa jira kor-meerayaal Caalami ah. Marka, Waxaan dhihi karaa Habka loo diyaariyay Hannaanka Doorasho aad iyo aad ayuu uga wanaagsan yahay yahay doorashadii dhacday 2012-ka.