Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo la Kulmay Xubnihii loo Doortay Aqalka Sare+Sawiro

0
Saturday October 22, 2016 - 20:03:40 in by salman abdi
  • Visits: 627
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo la Kulmay Xubnihii loo Doortay Aqalka Sare+Sawiro

    Madaxweyne ku xigeenka Puntland, C/xakiin C/llaahi Xaaji Cumar [Cameey], ayaa Maanta Kulan la yeeshay 11-kii Xubnood ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soamlia ku metelaya Puntland, kuwaasoo maalin ka hor kusoo baxay doorashadii lagu kala saar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne ku xigeenka Puntland, C/xakiin C/llaahi Xaaji Cumar [Cameey], ayaa Maanta Kulan la yeeshay 11-kii Xubnood ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soamlia ku metelaya Puntland, kuwaasoo maalin ka hor kusoo baxay doorashadii lagu kala saaray 25-kii xubnood ee ku tartamay kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Somalia ku metelaya Puntland.

Kulanka ayaa lagu sheegay mid uu madaxweyne ku xigeenka ku dhiiri-gelinayay xubanaha ku Guulaystay Doorashadii Aqalka Sare, Waxaana goob-joogayaal ka ahaa Guddoomiyaha Baarlmaanka Puntland, Axmed Cali Xaaji iyo Labadiisa ku xigeen.

Sidoo kale, Madaxweyne ku xigeeka Puntland C/xakiin Cameey ayaa sheegay in ujeeddada kulankan uu yahay sidii xubanaha Puntland ku metelaya Aqalka Sare ay tusaale wanaagsan ugu noqon lahaayen Xubnaha kale Aqalka Sare ay iskula jiraan. Isagoo intaas ku daray in xubanaha Aqalka Sare u soo baxay ay yihiin kuwo kalsooni badani ay ku qabaan bulshada Puntland, wuxuuna ku tilmaamay kuwo ku calaamadeysan dal-jacayl.

Dhanka kale, Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa intaas ku daray in Xubnaha Aqalka Sare u soo baxay uu kala tashaday sidii ay uga Hor-tegi lahaayeen go’aannada aan danta u ahayn ummadda Soomaaliyeed oo dhan.

Ugu dambeyn, Kulanka Madaxweyne ku xigeenka Puntland uu la yeeshay Xubnihii ku soo baxay Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, ayaa kusoo beegmaya xilli weli Garoowe laga dareemayo saameyntii ay doorashashadii lagu kala saaray xubnihii uu Madxweynaha Puntland uu u soo xulay in ay ka mid noqdaan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.