Muqdisho Waxay yeelan doontaa Maamul iyo Maqaam iyada u Gaar ah "Madaxwaynaha Somaliya

0
Sunday October 23, 2016 - 19:10:48 in by salman abdi
  • Visits: 569
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muqdisho Waxay yeelan doontaa Maamul iyo Maqaam iyada u Gaar ah "Madaxwaynaha Somaliya

    Muqdisho(AFKA);Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Muqdisho ay yeelan doono maqaam iyo maamul u gaar ah, isla markaana dhawaan loo sameyn doono maamul ay Bulshadu soo doorteen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(AFKA);Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Muqdisho ay yeelan doono maqaam iyo maamul u gaar ah, isla markaana dhawaan loo sameyn doono maamul ay Bulshadu soo doorteen.

Xasan Sheekh oo ka hadlayay Xafladdii Caleemo-saarayay Madaxweynaha Hir-shabeelle ee shalay ka dhacday Jowhar ayaa xusay in maamul-goboleedka Hir-shabeelle uusan ahayn maamulkii ugu dambeeyay ee Somalia laga dhiso.

Sidoo kale, Wuxuu xusay in Muqdisho loo sameyn doono maamul gooni ah, isla markaana la caddeyn doono maqaamka ay yeelanayso. "Muqdisho waa Caasimaddii Somalia, Goor-dhaw ayaa loo dhisi doonaa maamul u gaar ah, Waxaana la caddeyn doonaa Maqaamka Muqdisho.,”

Bulshada Muqdisho ayaa dhaw jeer ooh ore cabasho ka keenay in xaquuqdii ay lahayd la iska Hilmaamay, isla markaana Dowladda Federaalka Soomaaliya ay iska indho-tirtay maqaamka Muqdisho ay leedahay.

Ugu dambeyntii, Magaalada Muqdisho ayaa horay loogu diiday in ay Xubno ku yeelato Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Somalia, balse xilli dambe loo ogolaaday in laba xubnood ay ku yeelato, taasoo lagu tilmaamay inay ka mid tahay tacdiyada loo geysanayo Caasimadda Soomaaliya.