Madaxweyne Xasan oo Bilad Sharafeed iyo Shahaado gudoonsiiyay Dr. Yahye Ali Ibrahim+Sawiro

0
Monday October 24, 2016 - 15:49:49 in by salman abdi
  • Visits: 880
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan oo Bilad Sharafeed iyo Shahaado gudoonsiiyay Dr. Yahye Ali Ibrahim+Sawiro

    Muqdisho(AFKA);Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shahaado iyo Bilad Sharafeed waxa uu gudoonsiiyay Dr. Yahye Ali Ibrahim oo ah Xoghayaha Joogtada ee Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(AFKA);Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shahaado iyo Bilad Sharafeed waxa uu gudoonsiiyay Dr. Yahye Ali Ibrahim oo ah Xoghayaha Joogtada ee Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Federaalka. Munaasabad kooban oo ka dhacday Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayna goobjoog ka ahaayeen Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo R/Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa shahaado iyo bilad lagu gudoonsiiyay Dr. Yahye Ali Ibrahim oo wax qabad muuqda la yimid.

Dr. Yahye Ali Ibrahim ayaa shahaahada iyo bilad sharafta la gudoonsiiyay ku mutaystay gudasho howl qaran oo ay ugu horeyso barnaamijyada xasilinta, nabadaynta, dib-u-heshiisiinta iyo maamul samaynta degmooyinka iyo gobolada dalka.


Xoghayaha Joogtada ee Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Federaalka Dr. Yahye Ali Ibrahim ayaa sidoo kale lagu amaanay doorkii weynaa uu ka qaatay dhismaha Maamul goboleedka Hirshabelle oo dhismihiisa dhawaan lagu soo gabo gabeeyay Jowhar, waxa uuna Yahye mudo 9-bilood ah har iyo habeen u taagnaa sidii uu maamulkaasi u noqon lahaa dhismihiisa mid mira dhala.


Dr. Yahye Ali Ibrahim ayaa isbadal muuqda ku sameeyay Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Federaalka uu ka yahay Xoghayaha joogtada, waxaana Wasaarada ku guuleesatay howlo badan uu hormuud u ahaa Dr Yahye Ali oo horey uga mid ahaa bahda Waxbarashada dalka ee sida weyn loo yaqaanay.