Wariye Axmed Muuse Maxamed(Axmed Sakaaro)Oo 30 Maalmood Sife Sharci Daro Ah Oo Bilaa Maxkamad Ah Ugu Xidhan G/togdheer

0
Monday October 24, 2016 - 16:30:57 in by Burco Office
  • Visits: 541
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wariye Axmed Muuse Maxamed(Axmed Sakaaro)Oo 30 Maalmood Sife Sharci Daro Ah Oo Bilaa Maxkamad Ah Ugu Xidhan G/togdheer

    Wariyihii ku xidhnaa Magaaladda Burco Axmed Muuse Sakaaro ayaa sabaabo aan la garanayn Xukuumaddu u Habeenba Saldhigyada Burco mid u gaynaysaa, waxana loo soo wareejiyey Saldhiga Faarax Omar ee Magaaladda, halkaa uu Hore ugu xidhnana Saldhiga Dhexe e

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wariyihii ku xidhnaa Magaaladda Burco Axmed Muuse Sakaaro ayaa sabaabo aan la garanayn Xukuumaddu u Habeenba Saldhigyada Burco mid u gaynaysaa, waxana loo soo wareejiyey Saldhiga Faarax Omar ee Magaaladda, halkaa uu Hore ugu xidhnana Saldhiga Dhexe ee Magalada Burco


Lama ogga Ujeedada dhabta ah ee habeenba Saldhig Xukuumaddu u geynayso weriyaha.

Hase-yeeshee Warar lagu kalsoon yahay ayaa shaaca ka qaaday inay amarka saldhiyada magaalada in kolba mid loo geeyo wariyaha ay soo bixiyeen Wasarada Madaxtooyadda Md. Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Wasiirka ay isku beesha kasoo jeedan ee hawlaha Guud Md. Cali Mareexan. Wariyahan ayaa Mudada uu xidhnaa suxufigu u xidhnaa amaro kasoo baxay wasiirka madaxtooyada muddo Bil ah,
Suxufigani xidhan ayaan gabi ahaanba helin wax cadaalad ah.
Isla markaana aan la hor keenin Maxkamad mudada intaas le’eg.
Waxana la sheegay in Maxkamadda looga baajiyey wariyahan kadib markii Maalintii u horeysaybaa la waayey wax danbi ah, oo lagu soo Oggo. Balse ujeedada ugu weyn ee wariyahani u xidhan yahay, ayaa wararku ku sheegen in loo haysto Kicin dadweyne.
wallow aanay Maxkamadda horkeenin Xeer Ilaalintu wax caddayn ah iyo in Kiiskiisa la cadeeyo.
Hase-ahaatee Wararka u dhuun daloola xadhiga wariye Axmed Sakaaro ayaa shaaca ka qaaday inay Wasiiradda hawlaha guud iyo Madaxtooyaddu wariyaha ku haystaan inuu ugu Guulwadeeyo qalinkiisa.
iyagoo waqti xaadirkan xabsiga ugu hayaa in laga helo qorshaha guulwadeynta. Waxana Wararku intaa raaciyeen in labadan wasiir si cad ugu sheegeen Booliska iyo Maxkamaddahaba inuu iyaga u xidhan yahay.
Isla markaana ay qaab Beel ahaan ah u xidheen.
Si kastaba ha ahaatee, Wariye Axmed Muuse (Sakaaro) ayaa noqonaaya wariyihii ugu xadhiga dheera, isla markaana Maxkamad La’aan xidhnaa muddo Bil ah.
Sidoo kale tallabadan ayaa xadgudub ku ah xoriyatul qawlka, isla markaana waxay ka turjumaysaa cabudhinta ay Xukuumaddu ku hayso Saxaafadda