Saxaafadu Waa Indhaha Bulshada Marna Waa Mindi Kutaal Qarankeena W/Q Maxamed Cabdi Cabdilaahi(Maxamed Andar)

0
Monday October 24, 2016 - 18:20:22 in by Hargeysa Office
  • Visits: 1062
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saxaafadu Waa Indhaha Bulshada Marna Waa Mindi Kutaal Qarankeena W/Q Maxamed Cabdi Cabdilaahi(Maxamed Andar)

    Iyada oo aynu ka wada war qabno in marba marka kasii danbaysa ay wadankeena kusoo badanayaan warbaahinaha kala duwan iyo suxufiyiinta ka hawl galaya, kuwaas oo oo aanay cidina kaan taroolayn isla markaana mihnadii warbaahinta ay u adeegsanaya kolba w

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyada oo aynu ka wada war qabno in marba marka kasii danbaysa ay wadankeena kusoo badanayaan warbaahinaha kala duwan iyo suxufiyiinta ka hawl galaya, kuwaas oo oo aanay cidina kaan taroolayn isla markaana mihnadii warbaahinta ay u adeegsanaya kolba wixii ay doonaan taas oo ay ka faa idaysanayaan cid walba oo neceb qaranimada somaliland isla markaana dhabar jabwayn ku noqonaysa qarankeena iyo waliba hamigeenii ahaa inaynu helno madax banaani buuxda.


 

Ilaa hadana ma jirto diwaan galin sax ah oo loo sameeyay suxufiyiinta ka hawl gala guud ahaanba gobolada Somaliland si loo yareeyo aafada ay suxufiyiintu u gaysanayeen qarankooda,waxaana aynu odhankarnaa dawlada iyo ururka suxufiyiinta Somaliland ee soyljo ayaa gabay doorkii ay ku lahaayeen inay xaka meeyaan warbaahinta iyo waliba suxu fiyiinta ka hawlgalaya si loo helo horumar dhaxal gala oo dhanka saxaafada ah isla markaana ay manaafacsadaan bulshadeena iyo qarankeenuba.

 

wxa ay ahayd in ururka suxufiyiinta Somaliland ee soyljo ay ka war qabto hadba warbaahintii iyo suxufigii soo kordha si loo helo warbaahin ku shaqaysa sharcigii uyaalay warbaahinta sax da ah, isla markaana aynu u helno suxufiyiin tayo sare leh  oo wadankooda iyo dadkooda  wax uqabanaya si aynu usoo jiidano indhaha caalamka, laakiin ma aanay dhicin oo soyljo war uma hayso arintaas, waxaana ay jaanis siisay in cidii baratay saxaafada iyo cidii dhagaysatayba ay noqdaan wada suxufiin, waxa kale oo ay ahayd in syljo ka warqabto cidii furanaysa xarun warbaahineed nooc walba ha ahatee in ay marka hore eegto aqoonta uu u leeyahay qofka furanayaa iyo in uu u qalmo in uu furto xarun warbaahineed oo uu nidaamkii saxda ahaa ku maamulo, laakin ma aanay dhicin taasina oo waxa ay jaanis siisay nin  walba oo lacag haysta in uu furto xarun warbaahineed ayadoon loo eegayn shahaadadiisa iyo waliba aqoontiisa, taasina waxa ay aafo ku noqonaysaa qarankeena, saxaafaduna waa seef laba afleh mar waa indhaha bulshada marna waa mindi kutaala qaran keena hadba labadaa dhinac waa sidii loo isticmaalo.

 

Maanta markaynu eegno warbaahinaha ksuoo kordhaya wadankeena iyo waliba suxufiyiinta ku soo badanaya mihnada warbaahinta waa aynu dareemi karaynaa culayska ay leedahay waayo suxufiyiintii inyar mooyee badan koodu ma haystaan mushahar uqalma taasna waxa ay sababaysaa in inankii suxufiga ahaa uu ushaqeeyo hab uu kula soo baxayo mushaharkiisa isla markaana uu baal ka maro sharcigii saxaafada oo aanay jirin cid wax ka waydiinaysa .

 

Dhibta u wayn ee ilaa hada wadankeena haysata ayaa ah in suxufiyiintii loogu tala agalay in ay wadankooda iib geeyaan ay ushaqaynayaan hab ka baxsan si dii loogu talagay, oo waxa ay u muuqataa in suxufi kastaaba xooga saarayo halkii uu ka helayo dakhli, waxa kale oo xaqiiqo ah in suxufiyiintii noqdeen hubka kaliya ee maanta ay isu adeegsadaan siyaasiyiintii waa waynayd eek u hamiyayey in hogaamiyaan qarankeena, taasna waxa ay inaga sii fogaynaysaa inaynu horumar gaadhno si aynu wadamada caalamka uga helno ictiraaf buuxa

 

Hadaba wadada kaliya ee ay aniga ila tahay in ay dawlada iyo ururka suxufiyiinta Somaliland ee soyljo ay ku badbaadin karayaan qarankeena iyo waliba aqoontii suxufiyiinteena ayaa ah+

·       In marka ugu horaysa tira koob lagu sameeyo dhamaan warbaahinaha kala duwan iyo waliba suxufiyiinta ka hawl gala si loo ogaado tirade saxda ah,  waxaana hubaal ah hadii dawlada iyo soylja iska kaashadaan arintan in ay noqonayso arin dhaxal gal ah, waxayna fududaynaysaa in laga war hayo hadba warbaahinti iyo suxigii soo kordha,

 

·       In dawladu samayso goob dawli ah una gaara suxufiyiinta  oo heer jaamacadeed ah isla markaana 3ilaa 4 sano la dhiganayo oo ay isugu wada yimaadaan dhamaan suxufiyiinta ka hawlgala gobolada dalka iyada oo dawladu kafaalo qaadayso, si loo kordhiyo aqoonta suxufiyiinta, isla markaana loo helo wariyayaal tayo sare leh oo wadankooda iib ggaynaya bulshadoodana usoo bandhigaya barnaamijyo iyo warar xaqiiqo ah oo ay raali ku noqdaan.

 

 

Waxaana aan hubaa in maanta suxufiyiinta ka hawl gala Somaliland aanay ka badnayn 1000 suxufi isla markaana ay fududahay sidii gacanta loogu dhigi lahaa aqoontoodana loo kordhin lahaa  waa hadii loo maro dariiqada saxda ah, hadaba hadii ay kaga dhabeeyaan oo ay isla kaashadaan dawlada iyo soyljo arintaa aynu kor kusoo xusnay waxa xaqiiqo ah in aynu helaynu warbaahin iyo suxufiyiin aqoon iyo tayo sare leh oo dhan walba ka dhisan hadii ay noqoto qoraal iyo hadalba, waana arin wadanku u aayi doono isla markaana tusaale fiican u noqon doonta  hadba jiilka kusoo kordha warbaahinta.

 

 

 

Hadii ay jirto talo iyo tusaale aad igu soo kordhinayso iigu soo hagaaji ciwaanada hoose waxaa hubaal ah in aan soo dhawayn doono fikir kaaga.

 

 

 

 

 

 

 

 

Saxaafadu Waa Indhaha Bulshada Marna Waa Mindi Kutaal Qarankeena W/Q Maxamed Cabdi Cabdilaahi(Maxamed Andar)

 

Gmail:Maxamedqani122@Gmail.com

Facebook: Maxamed Andar

 

ALLA MAHAD LEH