Ragg Hubeysan Oo 50 Askari Ku Dilay Xero Ciidan Oo Ku Taalla Dalka Pakistan.

0
Tuesday October 25, 2016 - 09:44:31 in by salman abdi
  • Visits: 600
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ragg Hubeysan Oo 50 Askari Ku Dilay Xero Ciidan Oo Ku Taalla Dalka Pakistan.

    Rag hubeysan ayaa weerar ku qaaday xarun booliska lagu tababaro oo ku taala bannaanka magaalada Quetta ee koonfur Galbeed dalka Pakistan,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Rag hubeysan ayaa weerar ku qaaday xarun booliska lagu tababaro oo ku taala bannaanka magaalada Quetta ee koonfur Galbeed dalka Pakistan,

 halkaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan 50 ka tirsan askartii tababarka ku jirtay iyo dhawr qof oo ilaalo ahaa.

_92076955_f13b0b43-00c9-4dad-9edd-d377367e94bd

Weerarka waxaa sidoo kale ku dhaawacmay ilaa boqol qof oo kale.

Ragga weerarka soo qaaday ayaa cgta mariyay qaybta jiifka ee xeradaasi ciidam, waxa ayna qafaasheen tiro badan oo ka tirsan askartii halkaa degganayd.

Ciidamada Dowladda oou soo gurmaday ciidamada la weeraray, ayaa toogtay qaar ka mid ah dableydii weerarka soo qaaday, haseyeeshee waxaana markiiba is qarxiyay qaar kale oo ka tirsan dableydaasi.

Ilaa haatan ma jirta cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi.

Sarkaal sare oo ka tirsan laamaha ammaanka dalkaasi ayaa BBC-da u sheegay in uu rumeysan yahay in ragga weerarka soo qaaday laga soo hagayay gudaha dalka Afqaanistaan.

Magaalada Quetta ayaa ah magaalada ugu weyn gobolka Balochistan, waxaana mintidiinta islaamiga ah iyo kooxo fallaago ah ay kal hore halkaasi ka gaysteen weerarro noocan oo kale ah.

Labo bilood ka hor, 70 qof ayaa lagu dilay weerar ka dhacay cusbital ku yaala magaaladaasi Quetta.