Daawo"Kulmiye Raggii an uga Tagey aya WADANI So Galay, Xisbiga Waddani Xirsiba Nagaga Qiimo Batay "Xildhibaan Siciid Cilmi Roble

0
Wednesday October 26, 2016 - 09:07:47 in by salman abdi
  • Visits: 915
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo"Kulmiye Raggii an uga Tagey aya WADANI So Galay, Xisbiga Waddani Xirsiba Nagaga Qiimo Batay "Xildhibaan Siciid Cilmi Roble

    Guddoomiyaha guddi-hoosaadka distoorka iyo xuquuqda aadamiga ee golaha wakiillada, isla-markaana xubin sare ka ah xisbiga WADDANI, ayaa markii ugu horraysay si furan uga hadlay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha guddi-hoosaadka distoorka iyo xuquuqda aadamiga ee golaha wakiillada, isla-markaana xubin sare ka ah xisbiga WADDANI, ayaa markii ugu horraysay si furan uga hadlay

dhibaatooyinkii ka dhacay shirkii golaha dhexe ee xisbiga WADDANI, isaga oo walaac ka muujiyey xubnihii kasoo baxay xisbiga KULMIYE ee dhawaan WADDANI la midoobay.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo u warramay weriye Cabdishakuur Dayib oo katirsan HCtv, ayaa shaaciyey inuu si rasmi ah ugu biirayo garabka uu hoggaamiyo guddoomiye Axmed Muumin Seed, waxana uu hoosta ka xarriiqay inuu xisbiga WADDANI haatan noqday mid burbur looga baqayo.

Siciid Cilmi waxa uu farta ku fiiqay inay xisbiga WADDANI ku biireen xubnihii majo-habaabiyey barnaamij siyaasiga ahaa ee xisbiga KULMIYE ku galay olalaha,"markii uu xisbiga KULMIYE dawladnimada helay wixii aanu umadda ugu ballan qaadnay iyo barnaamijkayagii iyo isbeddelkii khayrka qabay ee aanu doonaynay, raggii jiho-habaabiyey ee ilaa maanta aamusnaanta shacabka Somaliland baday, ayaa nagu soo biiray.” Ayuu yidhi xildhibaan Siciid Cilmi Rooble.

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa hoosta ka xarriiqay in xubnaha dhawaan soo galay xisbiga WADDANI yihiin qaar ku hammiyey inay burburiyaan xisbiga KULMIYE, si ay xisbi cusub u abuurtaan, waxana uu yidhi,"Raggii aan uga tegay xisbiga KULMIYE ee dhibanaha iga dhigay, ayaa nagu soo biiray, waxana aan qabaa in cidhib la’aani ay WADDANI kusoo socoto, ragganina waxa ay doonayeen inay KULMIYE ka takhalusaan oo xisbiyo cusub samaystaan.”

Mar uu sifooyinka ragga uu hoggaaminayo Ex. Wasiir Xirsi ee xisbiga WADDANI ku biiray bulshada u sifaynayo, waxa uu yidhi,"imika xisbiga baqdinta leh ee abrisku soo galay waa WADDANI, KULMIYE baqdin maleh oo isagu wuu soo dhamaysay.”

Xildhibaan Siciid waxa uu si cad u sheegay inuu ku biirayo garabka uu hoggaamiyo Axmed Muumin Seed oo caddaalad-darro ka tirsanaya hoggaanka xisbiga WADDANI,"waan teegeersanahay garabkaas, waayo dadkaasi waa dadkii aanu wada shaqaynaynay, weliba Hinda iyo waa garabkaygii kulmiye ee raggan aan kuu sheegayaa ay dibadda u tuureen weeye, cabashada ay qabaanna waan la qabaa aniga labftaydu waan ku biirayaa garabkaas, xisbigii WADDANI-na Xirsi baa nagaga qiimo batay.” ayuu yidhi Siciid Cilmi Rooble.