Wargeyskii ugu Weynaa Warbaahinta Dalka Ethiopia Oo Shaqadii Joojiyey Iyo Maamulka Oo Ka Hadlay Sababta

0
Wednesday October 26, 2016 - 09:13:33 in by salman abdi
  • Visits: 548
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wargeyskii ugu Weynaa Warbaahinta Dalka Ethiopia Oo Shaqadii Joojiyey Iyo Maamulka Oo Ka Hadlay Sababta

    Wargeyskii ugu weynaa dalka Itoobiya ee, the Addis Standard, ayaa joojiyay shaqada. Arrintaasi waxay ka dhalatay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wargeyskii ugu weynaa dalka Itoobiya ee, the Addis Standard, ayaa joojiyay shaqada. Arrintaasi waxay ka dhalatay

 xaaladda degdegga ah ee dalkaasi la geliyay horaantii bishan. Maamulka wargeyska waxay sheegayaan inay baahin jireen warar kala duwan ayagoo xaalad xakameyn ah ku dhex shaqeynaayay. Balse, xaaladda degdegga ah ayaa cakirtay in howshaas ay sii wadaan, sida ay xuseen maamulka.

Bishan, wargeyskaasi "the Addis Standard" wuxuu sameeyay qeyb gaar ah oo loogu magacdaray xasuuqii Irreecha. Goobtaasi waxaa ku dhimatay 50 qof ama sida la aaminsan yahay ka badan. Dadka dhintay waxay ka cararayeen ciidamada amniga ee Itoobiya. Qeybta internetka ee wargeyska ayaa shaqada sii wadi doonta.