Deg Deg;Madaxweynaha Somaliland Oo Tacsi U Diray Geeridi Ku Timid Alla Ha U Naariistee Taliyihii Hore ee Ciidanka Madaxtooyada Somaliland Oo Grdhawayd Geriyoday

0
Wednesday October 26, 2016 - 20:09:34 in by salman abdi
  • Visits: 667
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Deg Deg;Madaxweynaha Somaliland Oo Tacsi U Diray Geeridi Ku Timid Alla Ha U Naariistee Taliyihii Hore ee Ciidanka Madaxtooyada Somaliland Oo Grdhawayd Geriyoday

    Hargeysa(Afka);Madaxweynaha Somaliland Oo Tacsi U Diray Geeridi Ku Timid Alla Ha U Naariistee Taliyihii Hore ee Ciidanka Madaxtooyada Somaliland Oo Grdhawayd Geriyoday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Afka);Madaxweynaha Somaliland Oo Tacsi U Diray Geeridi Ku Timid Alla Ha U Naariistee Taliyihii Hore ee Ciidanka Madaxtooyada Somaliland Oo Grdhawayd Geriyoday

TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, iyo kan shacabka Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Ciidamada kala duwan ee qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan ciidamada qalabka sida, Saraakiisha kala duwan ee ciidamada dalka, waayeelka, waxgaradka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u naxariisteeMarxuum Gashaanle sare Faysal Kaamil Ciiseoo ku geeriyooday galabta oo ay taariikhdu ahayd 21/10/2016, Hargeysa.

Madaxweynuhu Waxa uu Marxuumka ku sifeeyey Sarkaal hawlkar ah oo muddo ka soo ag shaqeeyey, intii uu ahaa taliyaha ciidanka ilaalada Madaxtooyada JSL, qarankana ku lahaa taariikh lama illaawan ah, kana tirsanaa ciidanka qaranka Somaliland isagoo ka mid ahaa saraakiishii bud-dhiga u ahaa aas-aaska ciidamada qaranka ee heeganka u ahaa wakhtiyadii adka ee qaranku ka soo gudbay.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo,, Ciidamada kala duwan ee qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan ciidamada qalabka sida, Saraakiisha kala duwan ee ciidamada dalka, Waayeelka, Waxgaradka, aqoonyahanka,Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Xuseen Aadan Cige (Deyr)

 

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.