Man United Oo Old Traffrod Ku Garaacday Dariskeeda Man City, Juan Mata Oo Red Devils Ceebtii Stamford Bridge Ilawsiiyay+Sawiro

0
Thursday October 27, 2016 - 06:31:00 in by Burco Office
  • Visits: 1240
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Man United Oo Old Traffrod Ku Garaacday Dariskeeda Man City, Juan Mata Oo Red Devils Ceebtii Stamford Bridge Ilawsiiyay+Sawiro

    Manchester United ayaa u soo baxday sideed dhamaadka Leaque Cupka kadib markii ay 1:0 ku garaacday kooxda ay sida wayn u xifiltamaan ee Manchester City. Gool kaliya oo uu Juan Mata dhaliyay qaybtii danbe ee kulankan ayaa Manchester United ka caawiyay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Manchester United ayaa u soo baxday sideed dhamaadka Leaque Cupka kadib markii ay 1:0 ku garaacday kooxda ay sida wayn u xifiltamaan ee Manchester City. Gool kaliya oo uu Juan Mata dhaliyay qaybtii danbe ee kulankan ayaa Manchester United ka caawiyay in ay ka soo kabsadaan musiibadii kulankii Chelsea.


Mourinho ayaa markiisa ka aarsaday Guardiola oo kulankii Old Traffrod ee Premier Leaque-ga ay guuldaro ka soo gaadhay. Manchester City ayaa sidaa bilaa guul ku ah kulankii lixaad oo xidhiidh ah waana rekoodhkii abid ugu xumaa ee uu Guardiola la kulmay waayihiisa tababaranimo.Wax yar kadib isku aadka sideed dhamaadka ayaa la samaynayaa iyada oo aanu isla markaaba idiin soo gudbin doono insha Allah.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

Manchester United (4-2-3-1): De Gea; Valencia, Rojo, Blind, Shaw; Carrick, Herrera; Mata, Pogba, Rashford; Ibrahimovic.

Kaydka:

Manchester City (4-3-3): Caballero; Pablo Maffeo, Otamendi, Kompany, Clichy; Aleix Garcia, Fernando, Sane; Navas, Iheanacho, Nolito.

Kaydka:Gunn, Sterling, Gundogan, Aguero, Kolarov, Fernandinho, Adarabioyo.

Labada kooxood ayaa qaybtii hore ee ciyaartan soo bandhigay qaab ciyaareed fiican balse waxaa labada kooxoodba ka maqnayd sidii ay ku abuuri lahaayeen fursad badan oo goolal lagu dhalin karo, laakiin Guardiola ayaa ku faraxsanaa bandhigii ay sameeyeen ciyaartoyda ay da’yartu ku jirtay ee uu kulankan u soo xusay halka Mourinho uu ugu dhawaan ku ciyaayay shaxdiisa caadiga ah.

Fursada ugu waynayd ee qaybtii hore ay labada koxood heleen ayaa timid daqiiqadii 3 aad kadib markii uu Iheanacho uu ku dhawaaday in uu Man City udhaliyo goolka furitaanka isaga oo kubbad fiican ka helay Navas , laakiin marka fursadan laga reebo ciyaarta ayaa ahayd mid inta ugu badan khadka dhexe lagu dagaalamayay.

Mourinho iyo Guardiola ayaa si joogto ah tilmaamo u siinayay xidigaha kooxahooda balse wax kasta oo garoonka laga sameeyay ayayna labada goolhaye arkin halis wayn oo ay badbaadiyaan, waxayna qaybtii hore ee ciyaartu ay ku dhamaatay babrar gool la’aan ah.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Manchester United soo laabtay iyada oo ku socota dardar cajiib ah waxayna si xoogan ku bilaabtay qaybtii danbe ee ciyaarta. Waxaa si dhab ah loo dareemayay wixii ka soo dhacay qolka labiska Man United iyo dardaarankii ugu danbeeyay ee Mourinho.

DAQIIQADII 48 AAD GOOO? Manchester United ayaa ugu dhawaatay in ay hesho goolka furitaanka kadib markii uu Ibrahimovic kubbad halis ah u sii daayay Paul Pogba oo dhinaca bidix ee xerada ganaaxa City ka boos qaatay, xidiga ree France ayaa darbo fiican ku tuurya lugtiisa bidix laakiin goolhayeCaballero ayaa kubbada iska joojiyay waxayna kubbadu ku sii dhacday birta goolka. Alla maxay halis ahayd.

DAQIIQADII 54 AAD GOOOOOOOOOL! Manchester United ayaa ugu danbayn jabisay ismari waagii Manchester Derby waxaana goolka furitaanka indhaha ku xaday Juan Manuel Mata kaas oo ugu danbayn Mourinho iyo kooxdiisa Red Devils goolkan culayska kaga dulqaaday wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1:0 ay Red Devils hogaanka ciyaarta kula wareegtay.

Ibrahimovic ayaa kubbad sare kaga soo guulaystayOtamendi wuxuuna kubbada soo hormariyay goolka City waxaana marka hore kubbada ku tartamay Fernando iyo Herrera balse labaduba dhulka ayay iskula dhaceen, waxaana kubbada cidlo ka helay Mata oo markiiba goolka ku dhamaystiray.

DAQIIQADII 63 AAD Guardiola ayaa ciyaarta ka saaray da’yarkaLeroy Sané wuxuuna kaydka uga yeedhayRaheem Sterling waxayna Manchester City bilawday in ay raadiso goolka barbaraha balse markii ay ciyaarta waxba iska badali waayeen Guardiola ayaa markale daqiiqadii 71 aad kaydka uga yeedhay Aguero wuxuuna badalay Nolito.

DAQIIQADII 79 AAD Man United fursad cajiib ah ku abuurtay weerar deg deg ah oo uu soo bilaabay Rashford isla markaana uu Ibrahimovic kubbada kala soo xarooday dhinac midig laakiin kubbada Pogba uu goolka labaad ku dhalin lahaa ayuuOtamendi ka horqaaday.

Manchester City ayaa si buuxda kubbada ula wareegtay waxayna Man United bilawday in ay natiijada ciyaarta difaabato, jamaahiirta Man United ayaa garoonka ka dhigay mid khaas ah waxayna ku heesayeen cod dheer oo dhagaha Man City mashquuliyay.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 1:0 ay Man United guul kaga gaadhay dariskeeda Manchester City, wuxuuna Mourinho markiisa ka aarsaday Guardiola oo kulankii Premier Leaque-ga ay Old Traffrod kaga soo gaadhay horaantii xili ciyaareedkan. Man United ayaa u soo baxday wareega sideed dhamaadka Leaque Cupka iyada oo Man City dibada uga tuurtay.