Madaxweynaha maamulka Hir-shabeelle oo xilka ka qaaday guddoomiyihii Gobolka Hiiraan

0
Thursday October 27, 2016 - 08:22:24 in by salman abdi
  • Visits: 682
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha maamulka Hir-shabeelle oo xilka ka qaaday guddoomiyihii Gobolka Hiiraan

    Madaxweynaha maamulka Hir-shabeelle Cali C/llaahi Cosoble oo goor dhaw shir jaraa'id ku qabtay magaalada Jowhar, ayaa xil ka qaadis ku sameeyay guddoomiyihii gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha maamulka Hir-shabeelle Cali C/llaahi Cosoble oo goor dhaw shir jaraa'id ku qabtay magaalada Jowhar, ayaa xil ka qaadis ku sameeyay guddoomiyihii gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.

Madaxweynaha ayaa xilka guddoomiyaha gobolka Hiiraan si ku-meel-gaar ah ugu magacaabay Cali Jeyte Cismaan oo ka mid ahaa xildhibaannadii baarlamaankii ku-meel-gaarka ee Soomaaliya.

Dhinaca kale madaxweynaha maamulka Hir-shabeelle ayaa magacaabay guddi ka shaqeeya ammniga iyo nabad-galyada gobolka Hiiraan, kuwaa ka kooban dhamaantood saraakiil ciidan waxaana ay kala yihiin.

S/guuto Cumar Aadan Dhabad.
G/Sare Tawane Axmed Muxumad.
G/sare Isaaq Cali Cabdulle.
G/sare Isaaq Cismaan Idiris.
G/sare Axmed Cabdi Weheliye.
G/dhexe Cali Cabdi Mahadalle.
Dhamme Xasan Maxamed Ibraahim.

Xil ka qadistan iyo magacaabista guddiga amniga gobolka ayaa imaneysa xili maalintii shalay weerar ismiidaamin ah lagu qaaday xero ciidammada Jabuuti ku leeyihiin magaalada Beledweyne, waxaana xil ka qaadistii iyo magacaabistii ugu horeysay oo uu sameeyo madaxweynaha maamulka Hir-shabeelle tan iyo markii la doortay.