Madaxweynaha Somalia oo xariga ka jaray waddo muhiim ah Iyo xarun wasaaradeed oo la dayactiray

0
Thursday October 27, 2016 - 14:13:59 in by salman abdi
  • Visits: 797
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somalia oo xariga ka jaray waddo muhiim ah Iyo xarun wasaaradeed oo la dayactiray

    Muqdisho(AFKA);Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta xariga ka jaray wadada wadnaha ee magaalada Muqdisho oo dib u dhis xoogan uu ka socday bilihii la soo dhaafay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(AFKA);Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta xariga ka jaray wadada wadnaha ee magaalada Muqdisho oo dib u dhis xoogan uu ka socday bilihii la soo dhaafay. Wadadan oo ka mid ah wadooyinka ugu dhaadheer magaalaada Muqdisho ayaa burbur xoogan iyo godad waaweyn ay ka muuqdeen ka hor inta aan dib loo dhisin, waxaana hadda la saaray laami cusub oo dib u soo celiyey bilicdii wadadaas.

Xasan Shiikh oo ka hadal kooban ka jeediyey munaasabada furitaanka wadadan ayaa sheegay in dhismaha wadadan wadnaha lagu maalgeliyey dhaqaale ay bixiyeen shacabka Muqdisho taasoo uu sheegay iney astaan u tahay awooda dadweynuhu u leeyihiin iney wax ka qabsadaan.

"Waa inaan isku tashanaa oo aanan dowlado kale iyo heyaddo ka sugin iney dalkeena noo dhisaan, ummadaha caalamka ee aad aragtaan iyagaa wax qabsaday ee dhulkooda sidaas u dhistay, anagana horumarkaas oo kale haddaan rabno inaan gaarno waa inaan ku dayanaaā€¯ ayuu yiri Madaxweynaha Somalia oo mahad celiyey dhamaan intii gacanta ka geysatay dib u dhiska wadadan.

Munaasabada xariga looga jarayey wadada wadnaha ayaa waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dowlada, gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo masuuliyiin kale, waxaana dhismaha wadadan ku baxay malaayiin dollar.

Madaxweynaha Somalia ayaa sidoo kale xariga ka jaray xaruntii hore ee wasaarada Maaliyada Somalia oo dayactir xoogan lagu sameeyey, waxaana wasaaraddan ay horey ugu shaqeyn jirtay xarun kmg ah oo ku taalla agagaarka madaxtooyada, iyadoo la filayo in wixcii hadda ka dambeeya ay si rasmi ah xarunteeda ugu soo guurto.

Sawiradan Mashaariicdan uu xariga ka jaray madaxweynaha saacadaha oo socda naga fisha insha ALLAAH.