Aas Qaran Oo Lagu Sameyay Caasimada Hargeysa Taliyihii Hore Ciidanka Ilaalada Madaxtoyada Marxuun Faysal Kaamil Iyo Masuliyiin Tiro Badan Oo Ka Qayb Galay Aaskasi
Taliyaha Guud ee Ciidamada Somaliland Sareeye-gaas Nuux Ismaaciil Taani iyo saraakiisha kala duwan ee Ciidamada,Wasiirada Madaxtooyada,Caafimaadka,Xanaanada Xoolaha,Macdanta,Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani Xirsi Cali Xaaji Xasan,Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo kuxigeenadiisa,Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen,Wasiirkii hore ee Wasaarada Maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale,Mujaahid Maxamed Xasan(jidhif),iyo Gudoomiyayaasha Gobolada Gabiley Sanaag Maayarada Hargeysa,Gabiley iyo Masuulyiin tira
Marxuum Faysal Kaamil Ciise(Taliyihii hore ee Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada),oo wakhtigan darajo ahaan sitey Gaashaanle-sare ayaa markii hore kamid ahaa saraakiishii Ciidankii Qaranka ee Tababarka aqooneed kusoo dhameystey dalka Itoobiya isagoo horena uga soo qeyb qaatey halgankii hubaysnaa ee Snm oo Marxuumku naf iyo Maalba usoo hurey isaga iyo Walaalihii iyo Aabihii Marxuum Kaamil Ciise oo kamid ahaa Ganacsatadii gacanta ka geystey Halgankii SNM waxa uu Marxuumku ku sifeysnaa shakhsiyad aad u furfuran oo dabeecad iyo dad la socodnimo labadaba leh,waxaanu kamid ahaa Ardeydii 1980kii ka gilgishey kalitalisnimadii Siyaad Barre iyo Dawladiisii Milatariga aheyd,waxaanu Malcaamadii Quraanka Dugsigiisii hoose iyo kii Dhexe qeyb kamid ah kusoo qaatey Magaala Ganacsiyeedka Tog-Wajaale oo uu ku dhashey isagoo Dugsigiisii Sarena ku dhameystey Magaalada Hargeysa Dugsiga Sare ee Faarax Oomaar sanadihii sideetamaadkii,waxaanu Marxuumku sanadihii u dambeeyay ee laga soo bilaabo 2003dii ilaa 2010kii door adag oo badheedhe ah kasoo qaatey halgankii Xisbiga Kulmiye oo uu u badheedhay isagoo sarkaal katirsan Ciidanka Qaranka ah waxaanu kamid ahaa shakhsiyaadka ugu saaxiibka badan ee Bulshada Somaliland.
Inaalilaahi waa Inaa Ileyhu Raajicuun Illaahay Qabriga Ha Unuuro Aamiin Aamiin Aamiin
halkan ka daawo Masuuliyiinta ka hadley Shakhsiyadii Marxuumka iyo aqoontii ay ulahaayeen
Aas Qaran Oo Lagu Sameyay Caasimada Hargeysa Taliyihii Hore Ciidanka Ilaalada Madaxtoyada Marxuun Faysal Kaamil Iyo Masuliyiin Tiro Badan Oo Ka Qayb Galay Aaskasi
Hargeysa(AFKA);abaalaha Xeedho ee Magaalada Hargeysa ayaa si heer qaran ah maanta loogu dareeray aaska Taliyihii hore ee Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Somaliland Marxuum Faysal Kaamil Ciise oo caweysinkii xaley ku geeriyooday Magaalada Hargeysa kadi