Nacaybaa Jacayl Laga Dhaxlaa Qaybtii 7aad W/Q Maxamed Cabdi Cabdilaahi (Maxamed Andar)

0
Monday October 31, 2016 - 21:38:06 in by
  • Visits: 1752
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Nacaybaa Jacayl Laga Dhaxlaa Qaybtii 7aad W/Q Maxamed Cabdi Cabdilaahi (Maxamed Andar)

    Markii ay soo gaadheen suuqii ay u socdeen ayaa uu muumin ku yiri soo iibso waxaad doonaysay, laakiin qaali waxa ay u sheegtay in aanay waxbana suuqa ka doonayn, ee kaliya ay doonaysay in uu la baafiyo jacaylkeeda, muumin inta uu yaabay ayaa uu kuyir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markii ay soo gaadheen suuqii ay u socdeen ayaa uu muumin ku yiri soo iibso waxaad doonaysay, laakiin qaali waxa ay u sheegtay in aanay waxbana suuqa ka doonayn, ee kaliya ay doonaysay in uu la baafiyo jacaylkeeda, muumin inta uu yaabay ayaa uu kuyiri ina mari aan gurigii ku geeyee, qaali oo dareenkeedu kacsanyahay una malaynaysa in jacaylkeedii daaqadi uga iftiintay ayaa gurigii kusoo laabatay waxayna ku qancisay inay bari kulmaan,


 muumina waa uu ka ogolaaday, qaali habeenkii oo dhan waxa ay kasii fekeraysay sidii ay uga faa idaysan lahayd jaaniskaa isla markaana usoo bandhigi lahayd jacaylkeeda maalinta bariya ee ay balansan yihiin muumin, habeenkaasna waxa ay ku seexatay iyada oo isku beegbeegaysa halka ay ka bilaabayso jacaylkeeda marka ay muumin hor tagto.

 

Markii la gaadhay wakhtigii balanta  qaali waxa ay toos u abaartay qolkii muumin iyada oo aad usoo labisatay isla markaana wajigeeda rayn rayn iyo farxadi ka muuqato, markii ay soo gaadhay qolkii, muumin ayaa ay ka dalbatay in ay soo gasho muumina waxa uu kuyiri soo dhaaf wllo, markii salaan lays dhaafsaday ayaa muumin ku tuuray hadal kaftan ah oo uu kuyiri qaali maanta aadbaad u qurux badantahay ma balan ayaad leedahay , qaali runtii aad ayay ugu riyaaqday suaasha muumin waxa ayna tiri iyada oo dhoola cadaynaysa , haa maanta waxaan doonayaa inaan jacaylkayga usheegto inanka ay naftaydu jamatay laakiin waxa aanan garanayn halkii aan ka bilaabi lahaa ayaa ay tiri qaali iyada oo u duur xulaysa, muumin ayaa kusoo noqday hadalka isaga oo leh maya maya waa caadi usheego hana kala baqin waa kuma qofka diidaya inanta sidaas oo dhan uquruxda badan, qaali oo xishood fara badani ka muuqdo doonaysana in ay sheegato jacaylkeeda Ayaan wax hadal ah soocelin , waxaana markale qaatay hadalkii muumin oo kuyiri run ahaantii inanka aad sidaas oo dhan ujeceshahay waa inan nasiib leh anigu hadaan ahaan lahaa marnaba maan dayaceen jaaniskaa ee inantaa I jecel Ayaan la daadihin lahaa jacaylkeeda, qaali waxa ay awood u yeelan wayday in ay wax hadal ah soo celiso misana  sheegato jacaylkeeda waxayna damacday in ay iska baxdo iyada oo aamusan isla markaana indhaheedu il may nayaan, muumin waa uu yaabay intii ay sii socotayna waxa uu isku dayay in uu wax ka ogaado waxa ku dhacay hase yeeshee qaali uma aanay jawaabin waxa ayna toos u aaday qolkeedii,  muumin waxa uu is way diiyay maxaad ku samaysay inanta, ma kaftankaaga ayaa ay ka xanaaqday.

 

Runtii maalinkaas muumin waxa uu ku indha daraan daray quruxda qaali waxa uuna naftiisa ku yiri  wanaag sanaan lahaydaa adiga oo sidaa aad u quruxda badantahay una wanaagsan, waxaad moodaa in muumin laftiisa lasoo hayo oo waxa uuba maalinkaas ku indha daraan daray labiska quruxda iyo waliba dhoolacadayntii qaali, hase yeeshee waxa uu naftiisa ku qanciyay in aanay isku leefal ahayn oo ay ka leefal sarayso isla markaana aanu u babac dhigi Karin qaali oo kale.

 

Qaali  Iyana waxa ay qalbigeeda kusoo cel celinaysaa weedhihii iyo kaftankii muumin waxayna nafteeda ku odhanaysaa macaan badanaa oo hadana xanuun badanaa jacaylku, fudu daa sida qof aanad ka  filanayn qalbigaagu  ujeclaanayaa,  culusaa se sida aad ugu sheegan lahayd jacaylkaaga qofkii aad jeclaatay, qaali habeenkaas waxa ay qaadatay go aan kale oo ahaa in mar hadii ay jacaylkeeda afka ka sheegan kari wayday ay warqad u qorto muumin, iyada oo rajaynaysa in warqadaasi xal unoqon doonto jacaylkeeda, waxayna bilawday in ay qorto warqad taas oo ay ku cabirayso jacaylka ay u hayso isla markaana raali galin culus ka bixinaysa wixii ay hore ugu soo samaysay una balan qaadaysa hadii uu ka ogalaado codsigeeda in ay ilaw siindoonto xumaantii ay usoo gaysatay isla markaaana ay ugu bedelayso waxa uu ku farxo.

 

 qaali habeenkii oo dhan waxa ay ku mashquul sanayd qaabaynta iyo qurxinta warqada ay u qoraysay muumin, markii waagii iftiimay ayaa ay qaali damacday in ay ugayso warqada muumin hadana waa ay ka baqatay waxaana dhib kale ku noqotay sidii ay warqada ugu gayn lahayd,  ugu danbayntii qaali waxa ay go aan satay in warqada ay dhigto albaabka hoostiisa si marka uu muumin kacaba uu u arko, waxayna ku daysatay go aankaas oo waxa ay dhigtay warqadii albaabka hoostiisa, waxa ayna iskaga noqotay qolkeedii iyada oo ka war sugaysa natiijada kasoo baxda marka uu muumin arko warqadaas, hase yeeshee arintaasi ma aanay dhicin oo waxaa dhacay arin aanay meeshaba ka filananyn, waxaa si lama filaana qolkii muumin usoo aaday oday cisman oo ahaa qaali aabaheed isaga oo doonaya in uu muumin meel u kaxaysto, markii uu soo gaadhay qolkii muumin ee uu damcay in uu albaabka ku garaaco ayaa uu arkay warqadan sharaxan ee albaabka hoostaala, waxa uuna yidhi tolow maxa ay ahayd warqadan uu muumin ku ilaaway kadinka, warqadii ayaa uu soo qaaday, markiibana waxa ay indhahiisu qabteen wadnayaal ku sharaxan warqada iyo waliba magaca muumin iyo inantiisa qaali oo wadnaha ku dhexyaala, markiiba indhaha ayaa uu ka laliyay waxa uuna uqaatay in muumin uu uqoray inantiisa qaali………………..,, lasoco qaybta 8aad

 

Waxaan aan jecelahay in aan la wadaago akhristayaasha su aal ah ,maxaad ka filanaysaan oday cisman in uu ku samayn doono muumin maadaama uu kahalad fahmay abaal horena uu usoo galay, akhriste waa muhiim fikirkaagu waxaana aad kusoo hagaajin doontaa ciwaanada hoos ku qoran.

 

 

 

 

 

Nacaybaa Jacayl Laga Dhaxlaa Qaybtii 7aad W/Q Maxamed Cabdi Cabdilaahi(Maxamed Andar)

Gmail: maxamedqani122@gmail.com

Facebook:Maxamed Andar