Nacaybaa Jacayl Laga Dhaxlaa (Qaybtii 8aad) W/Q Maxamed Cabdi Cabdilaahi (Maxamed Andar)
Muumin oo hurdo macaan ku jiray ayaa ku kacay qayladii odayga iyo waliba garaacistii xooganayd ee albaabka muumin ayaa si degdega usoo booday waxa uuna is waydiiyay tolow maxaa dhacay.
Allahayaw nin aan waxba ogayn ha cadaabin markii uu muumin albaabka furayba waxaa xigtay dhirbaaxo xoogan oo lagu dhuftay waxaana ku dhuftay oday cisman isaga oo waliba six un ugu qaylinaaya kuna odhanaaya nasoo dhaaf wax yaw aan waxba isku falayn ee bilaa xishoodkaahi waxaad tahay abaal laawe ma maanta ayaad inantaydii kali ahaydna usoo dhigatay adiga oo og sida aan guriga kugu keenay, muumin oo yaaban aan waxbana ka ogayn waxan uu odaygu sheegayo ayaa ku yiri aabo maxaa dhacay? Oday cisman ayaa yiri haygu odhan aniga aabo hore ayaa loo yidhi abeeso ninkii koriyaa sunteeda leh waxaad cadaysatay inaad tahay ciyaal suuq bilaa xishooda iisoo dhaaf gurigayga.
Waxaa iyaduna qayladii odayga ku war heshay qali oo ka war sugaysay natiijada kasoo baxda warqadii ay u qortay muumin, waxayna aragtay aabaheed oo warqadii ay qortay gacanta kuhaya misana muumin dagaalaya isga oo aan muumina ilmo mooyee wax jawaab ah celinayn,qaali waxa ay garwaaq satay in xaalku isbedalay oo warqadii ay muumin ugu tala gashay uu aabaheed gacanta ku dhigay.
Muumin inta uu ilmeeyay ayaa iskaga soo dhaqaaqay xagii guriga isga oo aan gara nayn jiho alaale iyo jihada uu usocdo waxa uuna cagta saaray wado guriga hormaraysay, qaali Iyana markiiba waxa ay dareentay sida ay wax udhaceen waxayna markiiba garatay in muumin lagu ciqaaabayo warqadii ay qortay qaaali ayaa iyaduna oohin miciin satay waxayna ka cabsatay in ay aabaheed ku tiraahdo aniga ayaa warqada qoray, waxayna si degdega ugu noqotay qolkeedii iyada oo xaalad xun kusugan isla markaana wajigeeda ilmo qosay waxayna nafteeda ku canaananaysaa ma jacaylkaygii ayaad maantana dhibkaa u gaystay waxayna ka qooma maysay warqadii ay qortay jacaylkeeda, qaali talo ayaa ku ciirtay meel ay wax ka bilawdana garan mayso waxay gacanteeda iskaga fogaysay qofkii ay habeen iyo maalin baadi goobka ay ugu jirtay.
Qaali waxaa lasoo daristay nonol madaw isla markaana nafteeda oohin mooyee aanay waxba ka daadagayn, waxayna noqotay qof aan dhinacnaba uga bixin qolkeedii, muumina waxa uu socodkii ku tagay meel ka baxsan magaalada waxa uuna naftiisa waydiinayaa maxaad samaysay? Maxay marwalba sidani kuugu dhacdaa? Muumin waxa maalinkaas go aansaday in uu cidladan kali ku noqdo oo uu halkan calafkiisa ka qaado isla markaana uu ka dhuunto dadkaba.
Qaali iyadana xaaladii ayaa ku xumaatay arintiina waxa ay gaadhay qaali hooyadeed oo markaa dareentay marxalada murugada ah ee ay ku jirto inanteedu iyo waliba jidhkeeda oo maalinba maalinka ka danbeeya isa sii bedelayay hase yeeshee aanay qaali cidnaba wax cabasho ah u gudbinaynin markii ay hooyadeed waydiisana waxa ay ugu jawaabtay in aanay waxba ku dhicin, hase yeshee qaali hooyadeed waa ay u dul qaadan kari wayday xaalada ay kujirtay qaali waxayna u kuurgashay in ay wax ka ogaato xaalada caafimaad ee inanteeda waxayna arinkii gaadhsiisay cisman oo ah qaali aabaheed si uu isna uga war hayo in xaalada caafimaad ee inanteedu aanay wanaagsanayn isla markaana aanay biyo mooyee cunta kale ka daadagynin.
Wakhtigu wuu soconayaa maalinba maalin ayay usii dhiibaysaa qaalina xaaladeedu waa ay kasii dartay waxayna noqotay qof qalbigeedu maqanyahay oo aan ka war haynin cida la joogta iyo cida kale, ilay beer wax dhalay waa waa beeruun qaali hooyadeed waa ay u dul qaadan wayday xaalada ay ku jirto inanteedu waxayna go aansatay in ay dhakhtar u qaado oo ay guriga ka qaado iyada oo cismaana la kaashanaysa, qaali hooyadeed iyo aabaheedba waxaa lasoo daristay nonol welwel iyo cabsi ku dhisan waxaana murugo ku noqotay inantii kali ahayd ee ay dhaleen oo xaalad cakiran gashay.
Markii la geeyay dhakhtarkii ee laga qaaday nooc walba oo shaybaadha dhaqtarkii waxa uu u cadeeyay in aanay wax xanuuna qabin ee kaliya ay tahay bilaa dhiig ayna ugu wacan tahay cunta la aantu waxa uuna dhaqtarkii ku xidhay faleenbo faytamiina oo jidhkeeda soo celisa, waxa uuna aabaheed iyo hooyadeedba u sheeegay in ay xaafadii u qaadaan marka ay ku dhamaato faleenbadu ayna cunto faytamiinle siiyaan si dhiigeedu usoo noqdo, waxa kale oo uu usheegay dhakhtarku in aanu inanta haynin xanuun dhakhtar ee hadii ay kasoo rayn waydo ay u geeyaan markisyada cilaajka si quraan badan loogu akhriyo………….lasoco qaybta 9aaaaad
Nacaybaa jacayl laga dhaxlaa qaybtii 8aad W/Q Maxamed Andar
Gmail:maxamedqani122@gmail.com
Facebook: maxamed andar
Nacaybaa Jacayl Laga Dhaxlaa (Qaybtii 8aad) W/Q Maxamed Cabdi Cabdilaahi (Maxamed Andar)
Markiiba odaygii cadho dartii ayaa uu wajigiisii isbedalay waxaana uu yiri ilay mas uun Ayaan korsanaayay waxaana uu damcay in uu albaabka xoog ugaraaco isaga oo six un ugu qaylinaaaya muumin oo odhanaaya fur waaryaa albaabka,