Gareth Bale Iyo Alvaro Morata Oo Guushii Afaraad Oo Xiriir Ah Kulamada La Liga Gaarsiiyay Real Madrid Dheereysatay Hogaanka Horyaalka

0
Sunday November 06, 2016 - 23:08:18 in by salman abdi
  • Visits: 931
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gareth Bale Iyo Alvaro Morata Oo Guushii Afaraad Oo Xiriir Ah Kulamada La Liga Gaarsiiyay Real Madrid Dheereysatay Hogaanka Horyaalka

    Sadex gool oo ay kala dhaliyeen Gareth Bale Iyo Alvaro Morata ayaa guul gaarsiiyay Real Madrid kulankii ay ku qaabileen Leganes gurigooda Santiago Bernabeu, waxeyna ka dhigan tahay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sadex gool oo ay kala dhaliyeen Gareth Bale Iyo Alvaro Morata ayaa guul gaarsiiyay Real Madrid kulankii ay ku qaabileen Leganes gurigooda Santiago Bernabeu, waxeyna ka dhigan tahay

in kooxda boqortooyada ay kasoo kabteen barbardhacii foosha xumaa ee ay la galeen Legia Warsaw todobaadkii lasoo dhaafay dhamaadkiisa.

Gareth Bale ayaa laba jeer shabaqa soo taabtay iyadoo Madrid ay gaartay guushii afaraad oo xiriir ah kulamada horyaalka La Liga, 27-dhibcood ayeyna ku horkacayaan La Liga.

Tababare Zinedine Zidane ayaa isbadal ku sameeyay shaxdii uu dhamaadkii todobaadkii hore barbaraha kula galay kooxda yar ee Legia Warsaw ciyaartii afaraad ee wareegga group-yada koobka Champions League-ga isagoo dib u helay Marcelo.

Benzema ayaa dhaawac kaga maqnaa Los Blancos taasina waxey fursad siisay in Isco Alcaron uu dhexda kula midoobo Toni Kroos iyo Matteo Kovacic.

Real Madrid ayaan si fiican oo dar-dar leh ku bilaaban iyadoo marti loo ahaa, wiilasha yaryar ee Leganes ayaana sameeyay wax iska caabin oo kale ah iyagoo u diiday Madrid iney wax badan goolkooda ku dhawaadaan.

Gareth Bale ayaa hogaanka u dhiibay Real Madrid daqiiqadii 38-aad markii uu caawinaad si fiican loosoo agaasimay ka helay Isco oo meel dheer kubad uga soo turay, xiddiga reer Wales ayaana si tartiib ah kubad ula gudbay goolhayaha ka hor inta uusan si sahlan shabaqa ugu shubin.

 

Mar kale ayuuse Bale shabaqa kooxda Leganes gaaray isagoo dhameystiray kubad ay adkeyd in la dhameystiro oo uu madaxa kusoo dhuftay Alvaro Morata, si lama filaan ah ayuuna goolhayaha gacmisahiisa ugala baxay kubada isagoo shabaqa ku shubay.

Qeybta hore ciyaarta ayaa lagu kala maray laba gool oo ay ku hogaamineyso Real Madrid, waxeyna labada goolba kaga mahad celineysaa garabkeeda reer Wales Gareth Bale.

Qeybtii labaad ayaa la isku soo laabtay iyadoo Madrid ay aheyd kooxda mar walba firfircoon, wax badal ahna ma sameyn tababare Zidane.

Gareth Bale ayaa u dhawaaday inuu dhaliyo sadexley markii uu madax awood leh ku tuuray goolka Leganes, isasgoo caawinaad ka helay Cristiano Ronaldo balse goolhayaha ayaa ka beeniyay daqiiqadii 47-aad.

Alexander ayaa ku fashilmay inuu gool rajo soo celin ah u dhaliyo kadib markii uu fursad fiican ku helay goolka Madrid, balse Keylor Navas ayaa ka inkiray daqiiqadii 70-aad.

Alvaro Morata ayaa xumeeyay rajada kooxda yar ee Leganes markii uu goolkii sadexaad ugu shubay daqiiqadii 77-aad ee ciyaarta, xiddiga reer Spain ayaana caawinaad ka helay kubad sameeyaha jarmalka ah Toni Kroos.

Natiijada ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 3-0 oo ay guusha ku raacdo Real Madrid, xilli Los Blancos ay xajistay hogaanka horyaalka.