Guutadii Jacaylka!! W/Q: Cabdirisaq Sancaani

0
Monday November 07, 2016 - 12:23:42 in by salman abdi
  • Visits: 1471
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guutadii Jacaylka!! W/Q: Cabdirisaq Sancaani

    Intaan u yeedhay baan ku idhi " Quruxda Alle kuu dhaliyey badanaa", waxay ka talaabaysaa waddada gurigayaga hor marta oo ah waddo halbawle ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Intaan u yeedhay baan ku idhi " Quruxda Alle kuu dhaliyey badanaa", waxay ka talaabaysaa waddada gurigayaga hor marta oo ah waddo halbawle ah. Waxaan joojiyey shaqadii aan waday, anigoo ku illaabay afkayga cadaygii aan waday, waxaanan mar danbe arkay in dawadii aan isticmaalaayey iga dhacday. Luula waa gabadh da’ ahaan 21jir ah, waxay sidataa Dhar madow oo si qurux badan loo sameeyey, qiyaas ahaan waxaad mooddaa in iyada lagu dul tolay, waxaanse markiiba garwaaqsaday in dharka ay iyadu bilayso. Waxay garabka ku sidataa boorso/shandad dumar aan weyneyn, waxase ku jira aanan markaa anigu garanayn. Taleefanka ay sidataa waa mid dhacaya wakhtigaas. Indhaheeda waan suurayn kari waayey, se waxaan dhadhawaynayaa muuqaallo kale oo iyada gaar u ahaa. Inay sinnaadaan waxay dheeraysteen inay caddaadaan, inay u madawyihiin si dabiiciyana waxay ku darsadeen inay soo jiidasho lahaadaan. Wejigeeda inna meel hore kumaan arag, xitaa sawirna ku dhehoo, waxaanse isku qanciyey inay hadyad ii tahay aniga bes. Cagta midig kor bay u qaadday, iyada oo ka talaabaysa qulqulka biyo uu keenay roob xalay wakhti dhexe da’ayey. Aniga waxa ila muhiima in aan inantaasi cagta bidixna dul marin biyaha iyada oo lug kaliya qaadaysa oo aan u diyaar garoobo inaan biyaha oo si teelteela u soconaya waddada dhaxdeeda ka dul qaado, waxaaanse jeclaystay haddana in aan daawado muuqaallada ay samaynayso wakhtigaa ay biyaha ka gudbayso. Markii ay xagga kale ka istaagtay waddada waxaan usoo dhaqaaqay dhankeeda. "Walaal ma baskaad sugaysaa” ayuu ahaa hadalkaygii ugu horreeyey ee aan ku idhaahdaa, dhoolla-cadaynta waxaan u gartay inay tahay caaddo iyada oo kaliyi leedahay. Way soo jeesatay iyada oo qunyar-qunyar usoo jaleecaysa dhankayga, " Haa walaal baskaan sugayaa” ayay iigu jawaabtay ka hor intii aanay isoo wada eegin. Hadalkii badnaa ee aan isku aqaannay hadda ma hayo, xasuustaydana waxa ku soo degdegay hadalkii saaxiibkay Nagiib ee ahaa "aragtida jacaylku waa xaalad culus”, dhakhtar iima dhawa oo xitaa haddaan u sheego cudurkayga wuxuu ii sheegayaa inaan dalka waxba lagaga qaban Karin. Aniga oo ku kaliyeystay inantiina wax hadala ma hayo. Muddo markii aan aamusnaa ayaan haddana isku rogay dhankii inanta oo iyadu weli sugaysa laba shay mid uun, Baska amma hadalkayga. "Ma xaafadahan ayaad tahay” ayaa si dirqi ah igaga soo baxday, "Haa Walaal”, dhawaan baan soo degnay guri an fogayn oo xaafaddan ah”. Hadalkeedu wacanaa, niyaddaan ka idhi intaas. Maankaygii ayaan war u doonay aniga oo u diray farriin calaacal ah "haddii afkaygii hadli waayey, adna miyaad I gabaysaa”. Waxa soo socda bas midabkiisa aanan saxayn, se indhaha shitay maadaama oo ay da’ayso dhado’ cirkuna yahay mid daruur la ciirciiraya. Aniga oo isla maqan ayaan helay jawaab ka timid maankaygii oo u dhignayd sidan: Bariido cishqigu wadaay, Boggayga wakiil ka noqo, Waxaad ii baafisaa, Naftaan barbarkeeda’iyo, Boggeeda la taaganeen, Haddana erey iiga bixin. Waxay aad ula dhacsantahay ereyadan afkayga kasoo baxaya, iyadoo soo istaagtay meel si fiican ugu beegan indhahayga, "Alla nasiib badanaa gabadha ereyadaa loo tirinayaa”; waa ereyadaan indhaha ku kala qaaday iyada oo leh. "Waa runtaa” ereyada aan leeyahay waxa ka weyn waxa uurkayga ugu maqan, aniga ayaa isku qanciyey jawaabtan. "Kulanti danbe walaal” ayay si dabacsan ii tidhi markii uu basku soo istaagay horteeda, waxay u dhaqaaqdayna dhankii baska iyadoo fuulaysana waxaan ku idhi "Mid lamida walaal”. Gabbal-dhac Ayaan usoo dhaqaaqay dhanka suuqa, waloow ay caado ii ahayd inaan soo baxo wakhti fiid horaada, waxaanan soo hor istaagay daas Weynihii Barkhadle oo aan aalaa hortiisa ka raaco baska, waxaan yara karahsanaayey boodhka igu duulay muddadii koobnayd ee aan soo socday aniga oo fuulay kaabadda daaska. Waxa istaagay gaadhiga dabadeed aan fuulay isaguna markiiba dhaqaaqay, waxaan kaga dagay meel kasoo yara sokaysa istaanka uu dhigo shacabka oo ah halka ugu danbaysa ee uu gaadho.

Waxaan maray meel suqduud ah oo waddadu cidhiidhi ka tahay, aniga oo lafahayga uga baqaya meeshana waxaan hadba eeg eegayaa dhinacyadayda; muddo aan ka badnayn 5 daqiiqo markii aan hadba dhex ku leexanaayey luuq kale oo waddo ah Ayaan go’aansaday inaan ku leexdo waddada ka horraysa tan aan marayo oo iyadu ka yara fakaag iyo iftiin badan.

Waxaan aqoonsaday inaan qaatay go’aan aad u wanaagsan, sababtoo ah waxaan ka helay waxaanan filanaynin. Waxa indhaha igu soo shiday gaadhi yar oo nooca raaxada ah, aad buu u indha kululaa xaqiiqatan, waxase wadihii gaadhigu dareemay inaan dhibsanayo laydhka hore ee gaadhigiisa degdegbaanu u bakhtiiyey. Waxaan soo gaadhay meel ku siman gaadhiga daaqaddiisa hore ee darawalka waxa wada wiil da’diisu aan ku qiyaasi karayo 24, 25 jir. Hooyo ayaa saaran kursiga hore ee darawalka la siman, waxase ishayda jiidanaya daaqadda ka danbaysa darawalka ee ay ku xidhantahay bacda madow ee kaa qarinaysa cidda saaran gaadhiga gudihiisa ee loo dajinayo sida tartiibta ah.

[Walaal raalli ahoow, laydhka ayaanu kugu qabannaye], hadal aad u hooseeya Ayaan ku maqlayaa erayadan, waxaan joojiyey dhaqaaqay samaynaysay lugtayda midig oo iyadu u lahayd dhigashada dhulka. "waad mahadsantahay dhib ……” waxaan damacsanaa inaan ugu jawaabo erayo dhammaystiran, waxaanse arkay anigoo hadalka kala jaray oo aamusan.
Gaadhiga waxa saaran shakhsi aad u qurux badan oo dumara, waxa markiiba lay hor keenay sawirro aan u hayey inan aanu kulannay muddo sannad iyo laba bilood ka hor ahayd. Wiilka gaadhiga wadaa wuxuu ku hadlayaa Taleefankiisa gacanta "Waxaanu hor taagannahay guriga” waxay erayadani si aan loo baahnayn usoo gaadhayaan dhagahayga oo la mashquulsan maskaxda. Walaahi waa iyadii oo aan biyo is marin; waxaan xaqiiqsaday wejigeeda kaddib markii ay iftiimisay taleefankeeda wajahaddiisa.

[Waad Mahadsantahay walaal, wax dhiba iguma hayso laydhka gaadhigani], haddaan moodayo inaad gaadhiga saaran tahay iskumaba hawleen inaan dhibsado laydhkiinna, oo waxaan kalsooni badan ku qabi lahaa in aragtidaadu ay daawaynayso wax isoo gaadhaayey muddo badan, hadalladan ayaa qaybaha danbe aan iska lahaa niyadda.

Waxa gaadhiga ka degtay Hooyo Maryan oo u dhaqaaqaysa dhanka guriga ay hor taagnaayeen, wiilkiina wuxuu dalacayaa muraayaddiisii isaga oo weli ku mashquulsan isticmaalka taleefankiisii. Waxaan u soo dhaqaaqay markiiba dhanka daaqadda danbe ee midigta anigoo si deggen u furaya, dareemada aan kala ilaalinayo dartood.

"Hore usoo yara deg walaal” waxaan markiiba dhegta u saaray intan luula, waxay qabsanaysaa weli dharka ay sidato oo ah qaar bilnaantooda aanan hadda sheegi Karin oo inaan xusuustaa ay adagtahay. "Walaal Cabdiraxmaanoow Moobilkaygaa kale ee dabka iigu jira ii soo qabo alaabta xagga danbe igaga daadsanna ii ururi” waxay warkan u sheegaysaa walaalkeed, iyada oo maaggan inuu muddo ku negaado gaadhiga gudihiisa.

"Waayahay walaal, iska sii gal guriga waxaan yara isticmaalayaa taleefankee”, jawaab aan soo dhaweeyey. Waxaan istaagnay gaadhiga dabadiisa waxaanan boobsiiyey dhawr hadal; farxad bay iiga dhammayd aniga, iyaduna waxa ka muuqatay dareen aan ugu yaraan ku qiyaasi karo Jacayl. Waxase ay iigu jawaabtay "hoo warqaddan aan kuu siday”, hadalku ma runbaa mise maaha, toloow siday warqaddan adiga kuugu sidday waxaad is aragteenba maalin aad u fogayde, maskaxdayda ayaa markiiba mashquulkan is gelisay, waxaanse ku ilaabay in ay tahay shakhsi ka duwan dadka aan usoo qaadanayo ficilladooda tusaalaha.
Dhaqaaqay oo ku noqday halkii aan ka imi aniga oo faraxsan kana werwersan inaan mar danbe arki waayo, muddo aan badnayn oo aan dib u jaleecaayey eegmadeeda waxaan ka libdhay luula.

Wakhtigiiba wuxuu iga dhacay intaan ku noqonaayey guriga, waan karahsanayey socodkayga danbe haddana waxaan rabay inaan niyadda iska weydiiyo siduu noqonayo waxaan la kulmayaa, baskii I geyn lahaa guriga maan soo fuulin anigoo ay ii tahay xasuus la’aantiisa.
Albaabkii guriga Ayaan xoog u garaacay, waxaana iga furtay walaashay oo werwersan. [Is deji walaal dhib ma jirtee] Ayaan ku idhi, waxaanan u dhaafay dhanka qolkayga, uu xidhan yahay qolku, maan xasuusan inaan furaha ka doonto halkii aana awalba u doonan jiraye waxa aan ku tiirsaday albaabka qolka oo aan isku qarinayo, bushqaddiina waxa aan kasoo saaray laabtayda.
Way I arkaysaa walaashaydii yarayd ee albaabka iga furtay, waxaanay sidataa furihii aan soo dhaafay, albaabkii ayay furtay waxaanay ii riixday dhanka qolka gudihiisa. Waxaan u fadhiisanayaa aadyar anigoo diidaya inaan sanqadh sameeyo iga qalin-daarta qoraalka aan akhriyayo. Waxaan rogay warqadda waxaana dhanka danbe ku qoran hadallo aan badnayn ,se tilmaamaya halkaan ka helayo Gacalisadayda, magaceeda oo dhammaystiran iyo waxyaabo kale oo la xidhiidha adkaynta xidhiidhkayaga.

Waxaan doontay rikoodh aan ku ogaa qolka Hooyo. May dhicin inaan iska galo qolka caawa ka hor oo awal waan garaaci jiray inta maalintii ah, habeenkiina dhankiisaba umaan dhaqaaqi jirin haddaan xaalad xanuun jirin. "Hooyo macaan ii dhiib rikoodhkaagii” Ayaan ku idhi maamo aniga oo degdegaya oo ka warwarsan wakhtiga aan ku furi doono albaabkii qolkayga oo iska kay soo xidhaya.
[Waaka halkaas saaran ee ii soo celi], haye hooyo waan kuu soo celinayaa. Waxaan markiiba isla doontay cajaladdii ku jirtay bushqadda iyo rikoodhkii. "Waxaan ku kalsoonahay inaad akhriday warqadda, wixii aad tabaysay halkan baan kuugu sheegay ee dhagayso wakhti kugu filan”. cid kula leh wakhtiga aan leeyahay ma jirto Ayaan si kora oo qaylo u dhaw ku idhi.

Waxaan israaciyey laba badhan oo ka mida kuwa ku yaallaa rikoodhka xaggiisa sare aniga oo raba inuu u hadlo si aad u fiican (https://www.youtube.com/watch?v=a_BRz2fmf3w), Abwaanka ereyada lahaa, Mulaxanka heesta, Tumaha qalabbada dananka wacan iyo Fannaanaddii qaadday oo Maandeeq ahaydba waxaan ku ilaabay luula.

Taleefankaygii Ayaan soo dhawaystay si aan u waco, isla markiiba uu dhacay oo xidhiidhka hawada ayaa noo fiican, muddo aan badnayn kaddib qabatay.
(Haloow, iyo magacaygii baana isku xigtay).



Hal-hayska sheekada: Guutadii Jacaylka
Qore: Cabdirisaaq Maxamed Cabdi- Sancaani
Xidhiidhka:
Email: Sancaani88@gmail.com
Facebook: Abdiraazik M. Sancaani